War Deg Deg ah Mudaharaad Iminka Ka Bilaabmay Magaalada Hargaisa

Mudaharaad Xawaadle

 

 

 
Hargaisa (SM) Badhtamaha Magaalada Hargaisa ayaa waxaa Iminka ka
bilaabmay mudaharaad xoogan oo lagaga soo horjeedo dagaalka
siyaasadeed ee xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ku qaaday Gudoomiyaha
baarlamaanka Somaliland C/raxmaan Maxamed C/laahi “Ciro”.
Taayiro ayaa lagu gubayaa suuqyada badhtamaha iyo bariga hargaysa
waxaana sii xoogaysanaya mudaharaadkan oo aan hore xiligan oo kale
looga baran magaalada hargaysa.
Wixii Warar ah ee kazoo kordha mudaharaadka caawa xiligan ka dhex
toosay Hargaysa kala soco shabakada wararka ee Salaanmedia.

Hargaisa/Somaliland