War Deg Deg Ah Xaaji Cabdi Waraabe Iyo Gudidiisi Oo ka Baxay Dhexdhexaadinta Golaha + Sababta Keentay iyo Liiska Xildhibaanada Labada Dhinac Laga Soo Xulay.

War Deg Deg Ah Xaaji Cabdi Waraabe Iyo Gudidiisi Oo ka Baxay
Dhexdhexaadinta Golaha + Sababta Keentay iyo Liiska Xildhibaanada
Labada Dhinac Laga Soo Xulay.

NEWS

Hargaysa (SM) Gudida dhexdhexaadinta khilaafkii Golaha Wakiilada ayaa ka
baxay dhex dhexaadinta ay ka dhex wadeen shir gudoonka golaha iyo
labada garab ee mudanayaasha, kadib kolkii ay gudida ay ku gacan
saydheen Garabka Xildhibaanada xukuumada u afduuban oo cadaadis iyo
hagitaan toos ahi kaga socdo madaxtooyada.
Labada garab oo dhinac walba laga soo xulay todoba Xildhibaan xubnood
oo ka kala socda Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye iyo Xisbiga
Mucaaradka ah ee wadani kuwaaso magacyadoodu kala yihiin
XISBIGA WADANI:
1-      Xil Ibraahim Mahdi Buubaa,
2-      Xil Maxamed Saalax Cige,
3-      Xil Saleebaan Cali Koore,
4-      Xil Maxamed Cali Xirsi “Obama”
5-      Xil Ibraahim Jaamac Cali “Rayte”
6-      Xil C/qaadir Jibriil Tukaale,
7-      Xil Siciid Cilmi Rooble.
XISBIGA KULMIYE:
1-      Xil Saleebaan Cawed Cali “Bukhaari”,
2-      Xil , C/raxmaan Cismaan Caalin, ” C/raxmaan Dheere,
3-      Xil C/raxmaan Maxamed Jaamac “Loyar”,
4-      Xil Maxamuud Obsiiye,
5-      Xil Ibraahim Caraale Cabdi ” Ruush”,
6-      Xil Axmed Cabdi Kijaandhe,
7-      Cali Axmed Diiriye “Cali Gebiley”
ayaa maanta gelinkii dambe kulankoodi u horeeeyey sheegay kazoo ay
goob joog ka ahaayeen Gudida dhex dhexaadinta labada dhinac iyo
Gudoomiyaha Barlamaanka oo shirkaasi isagu furay.
Bilowgii kulankaasi ayaa waxaa Gudida dhexdhexaadinta ee golaha
guurtida ka codsaday inay ka dhex baxaan isla markaasina joojiyaan isu
soo dhaweynta labada dhinac xildhibaanada muxaafidka ah ee Ee
Xukuumadu dabada ka riixayso.
Sikastaba arintan ayaa u muuqata rabitaanka xukuumada ee sii socoshada
iyo dardar gelinta duulaankii ka dhanka ahaa gudoomiyaha baarlamaanka
waxaana muuqata Curashada mar kale iyo Xiisado siyaasadeed oo sababi
karo dhibaatooyin hor leh .

Salaanmedia/Hargaysa