War Deg Deg ah:Dagaalo iyo Duqeymo culus oo caawa ka socdo Magaalada Muqdisho iyo xaalada Magaalada oo Allow Sahal ah!!

index

Wax yar kahor Waxaa Magaalada Muqdisho ka Dhacay Dagaal iyo Duqeymo aad u xoogan iyadoo duqeymuhu ay u muuqdaan kuwo ka soo dhacaaya Degmada ee Heliwaa ee Gobalka Banaadir.

Sidoo kale Duqeynta ayaa waxay barbar socdaan dagaal culus oo xilligaan ka soconaayo Degmada Heliwaa, kadib markii weeraro xoogan lagu ekeeyay fariisimaha Ciidamada Dowladda iyo Amisom, ay ku lee yihiin Degmadaasi.

Xoogaga hubeysan Al Shabaab ayaa weerar Saf ballaadhan ah ku Qaaday fariisimaha Ciidamada Dowladda iyo Amisom, ay ku lee yihiin Isgoysyada SOS, Ex Control Balcad iyo Warshaddii Barafuunka.

Dhanka kale Ciidamada Dowladda iyo Kuwa Burundi oo deggan Warshaddii Barafuunka ayaa waxay weerar kulul ay kala kulmayaan Xoogagaan, oo la aaminsan yahay in ay ka tirsan yihiin Al Shabaab

Wali Lama Hayo Qasaaraha Dhabta ah ee Soo Garaay Shacabka ku Dhaqan Degmada uu Dagaalka ka socdo iyo Xoogaga isku Haayo Degmadaas Caawa ee Magalada Muqdisho.

Wixii Warar ah ee kasoo Baxa Dagaalkaan Caawa Kala Soco Wararkayna danbo Insha Allah.

Salaanmedia/Moqdisho