War deg- dega…Daawo Sawirada: Qaraxa khasaaraha geystay ee ka dhacay Waqooyiga Magaalada Muqdisho

Ilaa iyo hadda waxaa la ogyahay dhimashada 10 ruux, halka dhaawacuna lagu sheegay ilaa 8 ruux, iyadoo dadka dhintay ay laba ka mid ah ka tirsan yihiin Ciidanka Nabad Suggida.

Maqaaxida la weeraray oo ay bulshadu isugu imaan jirtay, ayaa waxaa xilliyada qaarkood shaaha ka caba Ciidamada Hay’adda Nabad Suggida ee Gobolka Banaadir.

Qaraxa kadib waxaa meesha ku xoomay shacab iyo Ciidan ka tirsan Dowladda, oo u gurmaday dadkii ku dhintay, kuna dhaawacmay qaraxa loo adeegsaday gaari Kaarib ah oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay.

Qaraxaan wuxuu ahaa mid si weyn looga maqlay Magaalada Muqdisho, iyadoo uu baqdin ku dhaliyay dadkii goobaha ganacsi ku heystay agagaaraha uu ka dhacay.

Ilaa iyo hadda majirto wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Dowladda Federalka ee Somaliya, oo la xiriira qaraxa qorsheysan ee dadka lagu laayay Khamiistaan maanta ah.











Â