WAR DEG DEGA : Qarax Xoogan Oo Goor Dhoow Ka dhacay Barxada Gawaarida La Dhigto Ee Oriental Hotel Ee Magaalada Muqdisho

hotel-oriental

Feb 10,2014 Muqdisho(SM)-Qarax xoogan, ayaa waxa uu goor dhow ka dhacay barxada gaadiidka la dhigto ee uu lee yahay Oriental Hotel ee Magaalada Muqdisho, wuxuuna qaraxu ahaa mid si weyn looga maqlay meelo badan oo Caasimada ah.

Oriental Hotel oo ku yaala wadada Beyxaani dhinaca soo xigta Degmada C/casiis, ayaa waxaa la soo sheegayaa in qaraxa ka dhashay lagu soo beegay, xilli Saraakiil ka tirsan Dowladda ay ku kulansanaayeen.

Dab ka dhashay qaraxaasi, ayaa qabsaday dhismaha Oriental Hotel, waxaana dabkaasi gacan ka geysanaaya damintiisa dadka deegaanka oo isugu soo baxay.

Waaxda gaadiidka gurmadka deg-degga ee dab damiska, ayaa lagu wargeliyay dabka qabsaday dhismahaasi, iyadoona la xaqiijiyay in ay ku dhaqaaqeen, sidii ay u damin lahaayeen.

Ciidamada Booliska & Nabad Suggida Dowladda oo gaaray dhismaha uu qaraxu ka dhacay, ayaa waxaa la soo sheegayaa in ay wadada xireen, iyagoo markaasi kahor tagaaya qaraxyo kale oo halkaasi ka dhaca.

Ilaa iyo hadda si cad looma garanaayo inta uu le’eg yahay khasaaraha guud ee qaraxaan ka dhashay, sidoo kalana majirto wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Dowladd

Salaanmedia/Muqdisho