War deg-Dega…Taliyihii Nabad Suggida ee Maamulka Jubba & qaar ka mid ah ilaaladiisa oo caawa lagu dilay Magaalada Kismaayo

image

Wararka laga helaayo Magaalada Kismaayo, ayaa waxay sheegayaan in caawa lagu dilay Taliyihii Ciidanka Nabad Suggida ee Maamulka Jubba iyo qaar ka mid ah ilaaladiisii.

Warar kala duwan, ayaa waxay ka soo baxayaan qaabka uu u dhacay dilka Sarkaalkaan iyo ilaaladiisii, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in dabley hubeysan ay wadada u gashay.

Warar kalana waxay sheegayaan in lagu weeraray hoygii uu ka degganaa Magaalada Kismaayo, ayna ku dileen Xoogag hubeysan oo aan ilaa iyo iminka la garanayn, cidda ay ka tirsan yihiin.

Askari kale oo ka tirsanaa Ciidamada ilaalada ee Ciise Kaambooni, oo weerarkaasi ku dhaawacmay, ayaa waxaa la sheegay in uu geeriyooday, intii loo sii siday goobaha caafimaadka.

30-kii bishii September ee sanadkii tagey, ayaa Ciise Kambooni loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Nabad Suggida ee Maamulka Kmg ah ee Jubba.

Ciise Kambooni, ayaa lagu soo magacaabay Wareegto uu soo saaray Hogaamiyaha Maamulka Jubba Sheekh Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe”.

Sarkaalkaan, ayaa xubin ka soo noqday Ururkii burburay ee Xisbul Islaam, ee uu hormuudka ka ahaa Sheekh Xasan Daahir Aweys,

Salaanmedia/Mogdisho