War deg-dega…Xaruntii Barlamaanka Soomaaliland oo caawa ciidamo lagu wareejiyey,Xukumada oo ku gacan saydhay go’aankii Guurtida iyo Cabdiraxaam Ciro oo ay xildhibaanadii badankoodii raaceen.

Daawo Muqaal:Ciidamad Somaliland oo maanta isku gadaamay xarunta Xisbiga UCID kana hor tagay Mudaharaad ay ucid soo abaabuleen.

 

 

 

Waxa caawa ciidamo lagu wareejiyey xarunta Barlamaanka Somaliland ,kadib markii golaha guurtida Somaliland ay ku adkaysteen in go’aankii ahaa in lagu soo celiyo 55 cod ee hore labadii gudoomiye kuxigeena ay meeshoodii kusoo noqdaan. Waxa intaa kadib ay xukumadda Madaxweyne Siilaanyo si cad u diideen go’aankaa guurtidu ay soo jeediyeen.

Warku wuxuu intaas ku darayaa in Gudoomiye Cabdiraxmaan uu kasbaday xildhibaano awal kasoo horjeeday tasoo keentay in ay caawa si badheedha ciidamo ugu wareejiyaan Xarunta golaha  Wakiiladda Somaliland oo la filaayey in Beri (Manta) ay odayaashii ku jiray dhex-dhexaadintu hadalo kasoo jeediyaan ay go’aankooda ku sheegayaan.

Xaaladda ayaa ah mid aan la saadaalin karin,caawana aan laga seexan magaaladda Hargaysa tasoo dadku aad u hadal hayaan.

Wixii war ah ee kasoo kordha lasoco.

Salaanemdia/Hargaysa