War Degdeg Ah: Shirka Dhacay Guriga Saylici Oo Lagu Go’aamiyey In Farsamo Lagu Baajiyo Go’aanka Barri Ee Golaha Guurtida.

War Degdeg Ah: Shirka Dhacay Guriga Saylici Oo Lagu Go’aamiyey In Farsamo Lagu Baajiyo Go’aanka Barri Ee Golaha Guurtida.

 Saylici M ku xig

Shir balaadhan oo xukuumadda madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo kaga arrinsanaysay xaaladda kasoo korodhay golaha wakiilada Somaliland oo guddiyadii labada garab ee golaha wakiiladu ku kala kaceen maanta ayaa wuxuu ka dhacay guriga madaxweyne ku xigeenka Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici).

Shirkan ayaa waxaa ka qaybgalay lix wasiir oo ka tirsan xukuumadda madaxweyne Siilaanyo iyo lix iyo toban xildhibaan oo ka tirsan golaha wakiilada Somaliland, lixda wasiir oo kala ahaa Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali X. Xasan, Wasiirka Macdanta Xuseen Cabdi Ducaale, Wasiirka Ciyaaraha Cali Siciiid Raygal, Wasiirka maaliyadda Cabdicasiis Samaale, Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Warancadde iyo Wasiirka Xanaanada Xoolaha Cabdi Aw Daahir.

Shirkan ayaa waxa lagaga tashaday wixii laga yeeli lahaa guddiga dhexdhexaadinta golaha guurtida oo arrintii dhexdhexaadinta lagu wareejiyey ka dib markii garabyadii golaha wakiiladu ay maanta ku kala kaceen fadhigii isla markaasna ay shaaciyeen inay guurtiga ku celinayaan dhexdhexaadintii.

Shirkan ayaa waxaa lagu go’aamiyey in laga hortago dhexdhexaadinta golaha guurtida isla markaasna lagu dadaalo sidii loo baajin lahaa go’aanka golaha guurtidu soo saaridoonto si loo sii wado khilaafkii golaha wakiilada dhexyaalay isla markaasna loogu guulaysto in la rido gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (CIrro).

Golaha guurtida oo la filayo inay barri ku dhawaaqaan go’aanka dhexdhexaadinta oo ah in meel dhexe laysugu yimaado ayey xukuumaddu isku dayeysaa inay baajiso si ay u hirgaliso go’aankeedii hore ee ahaa in golaha wakiilada ay awood ku qabsadaan.

Waxa kale oo soo if baxaysa in garabka xukuumadda ee golaha wakiiladu ay guurtida ka codsadeen in dhexdhexaadinta loo daayo garabyada golaha wakiilada si ay iyagu u heshiiyaan taas oo la sheegayo in looga danlahaa sidii looga meermeerilahaa go’aanka golaha guurtida iyo sidii wakhtiga loo ridi lahaa si dagaalku uga sii socdo golaha wakiilada.

Si kastaba ha ahaatee xukuumadda ayaan wax kalsooni ah ku qabin golaha guurtida iyo go’aankooda badalkeedana doonaya inay farsamo qarsoodi ah ku baajiyaan si murankii golaha wakiiladu usii socdo.

Salaanmedia/Hargaysa

Wariye Madax banaan