War-Degdeg Ah:Gudida Turxaanbixinta Khilaafaadka Hadheeyay Kulmiye Oo Soo Saarey Qaraar Kama Danbayna, Daahana Ka Feyday Inaan Hogaanka Xisbiga Cidi Kula Tartamayn Boosaskooda+Qodobo Xasaasiya

kulmiye_257_250

 

War-degdeg ah:Gudida Turxaanbixinta khilaafaadka hadheeyay Kulmiye oo soo saarey Qaraar kama danbaysa, daahana ka feyday inaan hogaanka xisbiga cidi kula tartamayn Boosaskooda shirweynahaa + arimo kale oo xasaasiya

Hargeisa-(SM)-Gudi ka tirsan golaha xukumada  oo madaxweyne Siilanyo u xulay turxaabinta labada garab ee xisbiga kulmiye u kala fadhiyo oo beryahanba labada dhinac isaga dabqaadaayey,dhinac walbana wadahadalo  gaar ah la lahaa ayaa goor dhaweyd soo saaray qoraal ay u kala direen Madaxweyne ku xigeenka Saylaci oo Garabka Siilanyo u Tun iyo derej weyn iyo Gudoomiyaha xisbiga Muuse biixi oo isna garab hogaamiya.

Gudidu waxay soo saartay Qodobo doora oo xasaasiya oo aan qaarkood labada dhinac wada raaligelin,waxaana qodobada gudidu soo saartay ugu mihiimsana:-

-In shirweynaha xisbiga kulmiye Hogaanka xisbiga (Gudoomiye Muuse Biixi,ku xigeenkiisa 1aad Maxamed Kaahin,ku xigeenkiisa labaad Waabeeye,ku xigeenkiisa 3aad Talyaanle iyo ku xigeemiisa 4aad Saylaci iyo Xoghayaha Guud Xasan Saciid) sidooda loo daayo oo aan cidina tartan la galin,shanta sanadood ee soo socdana xilalkaa hayaan.

-In Wasiirka maaliyada Sheekh Cabdi casiis Samaale oo Siilanyo tartanka gudoomiyenimada xisbiga ka reebay cawri-gaf la siiyo,laguna daro gudida Fulinta cusub ee xisbiga Kulmiye.

-In gudida fulinta ee Xisbiga Kulmiye ay wadajir u so xuli doonaan Hogaanka xisbiga, madaxweyne siilanyana ansixin doono.

-In sadexdii urur siyaasadeed ee Damal,Umadda garabkii Saleebaan Bukhaari,Rays Garabkii Xasan Gaafaadhi la siiyo saamiga xubnaha ay tiro ahaan Golaha dhexe ka heleen si ay u keenaan cidii golaha dhexe ee kulmiye uga mid noqon lahayd.

Isku soo wada duuboo waxaa qodobadaas qaarkood si toosa u iftiiminayaan inaan wax doorasho ahi ka dhacayn xisbiga Kulmiye gudahiisa shirweynahooda oo wax waliba sidoodii ahaanayaan keliya la buuxin doono xubnaha golaha dhexe ee xisbiga ka dhiman.

Taa ka sakow waxay ilo wareedyo u dhuun daloola shirweyenaha xisbiga kulmiye ee la filaayo inuu bisha danbe dabayaaqadeeaa qabsoomo lagu wadaa in musharaxa madaxweyne iyo ku xigeenkiisa ee xisbiga kulmiye noqdaan  Siilanyo iyo Saylaci.

Salaanmedia/Hargaysa