Wararkii ugu dambeeyay Al-Shabaab oo weerar culus kusoo qaaday fariisimo ciidamada Amisom iyo kuwa Dowladda Muqdisho ku leeyihiin

image

Ciidamo ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa xalay waxa ay weerar culus kusoo qaadeen fariisin ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Amisom ay ku leeyihiin Degmada Hiliwaa ee Gobalka Banaadir. Weerarka oo markiisii hore ku biloowday madaafiic Shabaabka ay ku garaaceen fariisimada ciidamada Amisom iyo kuwa Dowladda, ayaa waxaa xigay dagaal fool ka fool ah oo raga hubaysan ee Shabaab ay kusoo qaadeen fariisinka ciidanka. Waxaa halkaasi ka biloowday dhimbisha rasaasta oo la isku harqiyay, iyadoo dagaalkii xalay dadka deegaanka ay ku tilmaameen mid culus oo argagax ku abuuray dadka ku nool nawaaxiga xaafada Soos. Nawaaxiga Shaneemo Cabdi Waayeel oo uu xalay dagaalka ka dhacay ayaa waxa ay noqotay furun dagaal, iyadoo labadii habeenba mid kamid ah Shabaab ay weerar culus kusoo qaadaan fariisimada ciidamada ay ku leeyihiin Isgoyska Soos ee Muqdisho. Qof kamid ah dadka deegaanka, ayaa usheegay Warbaahinta in xalay argagax ay ku seexdeen, maadaama ay maqlayeen rasaas culus oo labada dhinac ay isweydaarsanayeen intii uu dagaalka socday. Ciidamada fariisinka ku leh aaga Shaneemo Cabdi waayeel ee Degmada Hiliwaa ayaa la qabsaday weerarada kaga yimaada Dhanka Shabaab, iyadoo marwaliba ay Shabaab soo weerareen ciidanka ay galaan difaacyo culus. Lama oga khasaaraha labada dhinac dagaalka kusoo kala gaaray, maadaama xilliga dagaalka uu dhacaye ay aheyd waqtiga habeen ah oo aan si dhab ah loo ogaan karin khasaaraha dagaalka ka dhashay.

Salaanmedia/Mogdisho