Wararkii ugu dambeeyay dagaal culus oo Shabaab iyo Amisom ku dhexmaray Garoonka Balidoogle

News

Ciidamo ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa xalay waxa ay weerar kusoo qaadeen fariisin ciidanka Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Amisom ay ku leeyihiin Garoonka Balidoogle ee Gobalka Shabeelaha hoose.

Weerarkaan ayaa dhacay xalay, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen inay markaliya maqlayeen rasaas culus iyo madaafiic la isweydaarsanayo, taasi oo ay ku tilmaameen dagaalka Al-Shabaab iyo ciidanka Amisom dhexmaraye.

Dhawaqa madaafiic culus ayaa la isku weydaarsaday dagaalka ka dhacay Balidoogle ee Gobalka Shabeelaha hoose, iyadoo ciidanka Amisom ay si culus uridayeen madaafiic waaweyn oo daryankooda la maqlaye.

Al-Shabaab dhankooda waxa ay soo ridayeen qoryaha garabka laga rido oo ubadnaa sabano, waxaana la ogeyn khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalka culus ee xalay Shabaab iyo ciidanka Amisom kudhexmaray Garoonka diyaaradaha ee Balidoogle.

Saraakiisha ciidanka Dowladda Soomaaliya ee Garoonka Balidoogle ku sugan,wax faah-faahin ah kama aysan bixin dagaalka culus ee xalay ka dhacay, halkaasi iyadoo dadka deegaanka ay sheegayaan inuu jiro khasaaro labada dhinac soo kala gaaray.

Waxaa adag ogaanshaha khasaaraha dhabta ah ee labada dhinac ee dagaalamay soo kala gaaray, maadaama dhinac waliba dhibaatada soo gaarta uu qarsanayo.

Al-Shabaab maalmahan dambe waxa ay bilaabeen joogteynta weeraro culus oo ay ka geystaan fariisimada ciidanka Amisom iyo kuwa Dowladda Soomaaliya.

Salannedia/Mogdisho