Wararkii Ugu Dambeeyay qaraxyadii iyo Dagaalkii tooska ahaa ee ka dhacay iridka Madaxtooyada Sooomaaliya.

 

madaxtooyo

 

 

 

 

 

Waxaa goordhaw istaagay Qaraxyadii iyo dagaalkii tooska ahaa ee kasocday agagaarka Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya oo goordhaw kooxo aad hubeesan weerar kusoo qaadeen.
Dagaalyahano hubeesan ayaa gawaadhi waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay waxa ay ku weerareen iridka laga galo Xarunta Madaxtooyada gaar ahana dhinaca Degmada Boondheere halkaas oo qaraxyada kadib ay ka bilaabatay rasaas toos ah.

Raga hubeeysan ee weerarka ku qaaday Xarunta Madxatooyada Villa Soomaaliya ayaa waxa ay xidhnaayeen dareeska Ciidanka Milatariga Soomaaliya , walina si rasmi ah looma hayo tiradooda iyo hubka kala duwan ee wateen.

ku dhawaad Shan qarax oo ismiidaamin ah ayaa ka dhacay iridka Madaxtooyada iyo dhismayaal ku dhaw dhaw , waxaa sidoo kale halkaasi ka dhacay iska hor imaad daqiiqado socday oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowlada iyo kooxihii hubeesnaa.

Dagaalyahanadii hubeesnaa ee weeraray xarunta Madaxtooyada ayaa la sheegay in ay galeen guryo ku dhaw madaxtooyada halkaas ay in mudo ah ka dagaalamayeen , rasaasta iyo qaraxyada ayaana hada u muuqda kuwa joogsaday.

Ciidamo katirsan Dowlada iyo kuwa AMISOM oo gurmad ku galay halka qaraxyada iyo dagaalka kasocday ayaa ku guuleestay in ay soo afjaraan qaraxyadii iyo iska hor imaadkii halkaasi kasocday.

Goobta weerarka uu ka dhacay waxaa sidoo kale kuyaala Guriga uu dagan yahay Taliyaha Ciidanka Milatariga Soomaaliya Jen . Indho Qarshe , lamana oga in ay jiraan qasaaro Qaraxyada iyo Dagaalkta tooska ah kasoo gaaray Saraakiil iyo Masuuliyiin katirsan Dowlada

Wasiirka Amniga Qaranka Cabdi Kariin Xuseen Guuleed oo goordhaw hadlay aya asheegay in Ciidanka Dowlada ay fashiliyeen qorsho lagu weerari lahaa Xarunta madaxtooyada Soomalaiya, waxa uuna tilmaamay in hada lasoo afjaray kooxihii weerarka fuliyay.

Wasiirka ayaa tilmaamay in Ciidamada Dowlada ay laayeen qaar kamid ah ragii hubeesnaa ee weerarka soo qaaday qaar kalana ay gacanta ku dhigeen , waxa uuna xusay in aysan jirin wax Masuul ah oo qaraxyada iyo weerarka wax ku noqday.

Qaraxyada iyo Weerarka goordhaw ka dhacay agagaarka Xarunta Madxatooyada ee Villa Soomaaliya, waxaa ka dhashay Qasaaarooyin dhimasho iyo kuwa dhaawac oo kala gaaray dhinacadii dagaalamay iyo dad shacab ah inkastoo aan si rasi ah loo heyn tirada waxyeelada ka dhalatay weerarkaasi.

Al-Shabaab ayaa sheegatay Masuuliyada Weerarka iyo Qaraxyada goordhaw ka dhacay agagaarka Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ay dagan yihiin madaxda ugu sareysa Dalka.

Waxii Faah Faahin iyo Sawiro dheeraad ah kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah.

Salaanmedia/Moqdisho