Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Kulamo Dhex-Maray Dhinacyada KULMIYE Ee Is Khilaafsan

(SM:Hargaysa) Dhinacyada uu ka dhexeeyo khilaafka KULMIYE oo kala ah hoggaanka sare xisbiga iyo masuuliyiin xukuumadda ka tirsan oo uu horkacayo Madaxweyne-ku-xigeenka, ayaa markii u horreysay si foolka-fool ah la isku soo horfadhiiyey xalay tan iyo intii murankoodu dibadda u soo baxay dhawr bilood ka hor.

Guddi uu Madaxweyne Siilaanyo hore ugu saaray turxaan-bixinta khilaafka xisbiga KULMIYE, ayaa kulan ka dhacay xarunta Madaxtooyada xalay isugu geeyey labada dhinac kadib markii ay mid walba saddex jeer hore gooni ula kulmeen, kaasi oo si furan loogaga wadahadlay waxyaabaha lagu kala cabanayo, balse aan wax natiijo ah laga soo saarin.

 

 

Sida ilo-wareedyo xogogaal u ahaa shirka Madaxtooyada ka qabsoomay u sheegeen Jamhuuriya xalay, kulanka oo uu shirguddoominayey Wasiirka Gaashaandhigga Md. Axmed Xaaji Cali Cadami oo guddiga turxaanbixinta KULMIYE guddoomiye-ku-xigeen u ah, kana qaybgaleen masuuliyiinta iyo inta badan xubnaha la kala saftay labada dhinac oo kala ah; hoggaanka xisbiga oo ay joogeen Guddoomiyaha xisbiga Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad Maxamed Kaahin Axmed, Xoghayaha Guud Xasan Siciid Yuusuf, Guddoomiyaha Golaha Dhexe Jaamac Shabeel, Guddoomiyaha Garabka Haweenka Canab Cumar Ileeye oo ay wehelinayeen xubno kale oo ka tirsan Guddiga Fulinta iyo Golaha Dhexe ee xisbiga.

 

 

halka garabka kalena ay fadhiyeen Madaxweyne-ku-xigeenka Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirrada Wasaaradaha – Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale, Caddaaladda Xuseen Axmed Caydiid, Xannaanada Xoolaha Dr. Cabdi Aw Daahir, Hawlaha Guud Cabdirisaaq Khaliif, Wasiirul-dawlaha Madaxtooyada Maxamed Muuse Abees, Wasiir-ku-xigeenka Caafimaadka Nimco Xuseen, Guddoomiye-ku-xigeenka saddexaad ee xisbiga Waabeeye iyo xubno kale oo taageersan, kuwaas oo halkaasi si degan isku waydaarsaday doodo ka dhashay cabashooyin iyo tuhunno dhinacyadu kala tirsanayeen.

 

 

Warku waxa uu sheegay in guddiga turxaan-bixintu ka dalbadeen garabka wasiirrada ee Madaxweyne-ku-xigeenku hoggaaminayaa inay sheegtaan tabashooyinkooda, kadibna ay madasha ku soo bandhigeen qodobo dhawr ah oo xuseen in hoggaanka xisbigu ka galay, kana mid ahaayeen; in xubno ka mid ah laga saaray Guddiga Fulinta ee xisbiga, in aan Guddoomiyaha xisbigu fulinin talooyinkii uu Guddoomiyaha Guurtidu Md. Saleebaan Maxamuud Aadan hore uga soo saaray khilaafkii xisbiga iyo in hoggaanku heshiisyo la galeen ururro aan sharci ahaan jirin.

 

 

Haseyeeshee, dhinaca hoggaanka KULMIYE ayaa iyaguna la sheegay inay iska difaaceen eedaymaha loo soo jeediyey oo ay sheegeen in qaarkood yihiin tuhun aan jirin sida in xubno laga saaray Guddiga Fulinta, isla markaana aanay jirin cid uu Guddoomiyuhu u diiday fadhiyada guddiga iyo ajande la keenay oo uu qabanwaayey toona.

 

 

Dhinaca kale, Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiirka Maaliyadda Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale oo iyaga uu salka ku hayey khilaafka xisbigu ayaa la sheegay inay ku kulankaasi si furan oo la isku dhegaystay ugu wadahadleen, iyadoo uu halkaasi ka sheegay Wasiir Samaale inuu ka hadhay isla sharraxida Muuse, iminka aannu u taagnayn, balse Guddoomiye Muuse aannu arrintaasi ku hambalyeyn ee uu weli u cadhoonayo, arrintaasi oo Muuse Biixi isna dhankiisa garowshiiyo ka bixiyey, kadibna uu madasha ku bogaadiyey tallaabada Wasiir Samaale qaaday.

 

 

Kulankaasi ayaa ku soo gabogaboobay doodaha kala duwan ee labada dhinac sida saraaxadda leh isku waydaarsadeen oo aan wax natiijo ahi ka soo bixin, balse Guddiga dhexdhexaadintu halkaasi ka sheegeen inay dib ula noqonayaan arrinta oo ay go’aan ka soo saari doonaan.

 Salaanmedia/Hargaysa

Xigasho:Jamhuuriya

Â