Warbixin:-Maxaad Ka Taqaan 20ka Xildhibaan Ee Hore Ugu Saxeexnaa Mooshinkii Wax Ka Bedelka Xeer-hoosaadka Golaha Ee Maantana Safka Hore Kaga Jira Mooshinka Xukuumadu Wadato. (Investigative journalist).

107barlamanka

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Warbixin:-Maxaad Ka Taqaan 20ka Xildhibaan Ee Hore Ugu Saxeexnaa
Mooshinkii Wax Ka Bedelka Xeer-hoosaadka Golaha Ee Maantana Safka Hore
Kaga Jira Mooshinka Xukuumadu Wadato. (Investigative journalist).
Hargaisa (SM ) Baayac Mushtaraynta Qaawan Ee Dalka lagu khalkhal
gelinayo iyo Majarahabaabinta Masiirka Shacabku Waxa ay astaan u
noqdeen qaar kamid ah mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland.
Dhawaan ayey ahayd kolkii mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland cod
aqlabiyad ah ku meel mariyeen mooshinkii wax ka bedelka xeer hoosaadka
golaha, kaaso labada gudoomiye kuraastoodana hoos loogu dhigay xilkana
lagaga qaaday.
Ansaxinta wax ka bedelka xeer hoosaadka golaha wakiiladu waxa uu
saamayn xoogan ku yeeshay isla markaasina diidmo kakan kala hor timi
xukuumada talada dalka haysa ee Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud
“Siilaanyo”,.
Shacabku waxa ay wax badan iska weydiinayaan sababta keentay muranka
iyo khilaafka ka dhex aloosan Golaha wakiilada dhexdiisa iyo Xukuumada
oo dhinac ah.
Hadaba si taasi bulshada ugu cadaato ayaanu baadhitaan saxaafadeed oo
aanu ugu kuurgalay noo cadaatay sababta keentay khilaafkan khalkhalka
geliyey dalka iyo Xiisada soo noqnoqontay ee ka dhex aloosan golaha
taasi oo salka ku haysa dano gaar ahaaneed iyo ka Baayac mushtaraynta
shakhsiyaadka macaash doon ah.
Waxa jira in ka badan 19 Xildhibaan oo saxeexay una codeeyey
mooshinkii hore ee xeer-hoosaadka wax lagaga bedelay.
Xildhibaanadaasi waxa ay ku saxeexnaayeen oo ay u codeeyeen mooshinkii
wax lagaga bedelay xeer-hoosaadka Golaha Wakiilada ee labada ku-xigeen
kuraastooda hoos loogu dhigay ,xilkana lagaga qaaday
Isla Xildhibaanadani waxay maantana ku saxeexan yihiin Mooshinka ay
xukuumaddu dabada ka wado ee xeer-hoosaadkii ay dhawaan u codeeyeen
wax lagaga bedelayo, laguna soo celinayo halkiisii.
Tani waxa ay marag ma doon u tahay danta qaran halka ay mudanayaashan
ka taagan tahay iyo u jeedadoodu waxa ay tahay.
Warar badan oo mudooyinkan warbaahintu qaada dhigaysay ayaa nuxurkoodu
ahaa in qaar kamid ah xildhibaanadii hore ugu codeeyey uguna saxeexna
mooshinkii wax ka bedelka xeer-hoosaadka golaha wakiilada in xukuumadu
iibsatay oo ay qaateen lacago laaluush ah oo si’ay uga soo horjeestaan
wixii ay iyagu u codeeyeen.
(Waa xildhibaannada u codeeyey wax-ka-bedelkii Xeer-hoosaadka labada
ku-xigeen ku lidka ahaa ee MAANTANA ku saxeexan Mooshinka mar kale wax
lagaga bedelayo Xeer-Hoosaadka). Xildhibaannadan qaar kamid ahina waxa
ay kamid ahaayeen guddiga joogtada ah ee xeer-hoosaadka
wax-ka-bedelkiisa soo saxeexday, qaarna golaha ayay uga codeeyeen oo
mooshinkii la keenay ayay saxeexeen.

Magacyada Xildhibaannada ka Ganacsada Khalkhalgelinta Wadanka

1. Ibrahim Cawaale Cabdi
2. Abubakar C/raxman Good
3. Maxamed Axmed Maxamud (Dhakool)
4. Siciid Maxamed Cilmi (Afweyne)
5. Cabdi Maxamed Jama (Gaagaale)
6. Maxamed Cumar Jiir
7. Maxamed Xuseen Ciise
8. Maxamed Baaruud Shide
9. Ibrahim Axmed Haybe (Ibrahim Kacaan)
10. C/raxman Cismaan Caalin (C/raxman Dheere)
11. Ibrahim Axmed Raygal
12. Axmed Barkhad Obsiiye
13. C/raxman Muuse Jama
14. Xasan Maxamed Hufane
15. Axmed Saleban Sanweyne
16. Axmed Cabdi Kijaandhe
17. Siciid Cartan Cismaan
18. Cabdillahi Balaaki
19. C/raxman Tanyanle
20. Maxamuud Dhunkaal Guutaale

Labaatankan xildhibaan waxa ay kamid yihiin kuwii u codeeyey ee
saxeexay mooshinkii hore ee xeer-hoosaadka wax lagaga bedelay, MAANTA
waxay ay ku saxeexan yihiin Mooshinka Xukuumaddu wadato ee wax lagaga
bedelayo xeer-hoosaadkii ay dhawaan u codeeyeen!
Haddaba waxa ay su’aashu tahay, maxaa shacabta Somaliland ee marka
horeba dulmiga tirada badan tirsanahay maanta la gudboon? Tallaabo
noocee ah ayaa laga qaadi karaa xildhibaannadan?

Wariye Madaxbanaan