Warqad Lagaga Been Abuurayo Xildhibaanada Golaha Wakiilada Oo Uu Soo Saaray Xafiiska Afhayeenka Madaxtooyadu

news

Xafiiska afhayeenka madaxtooyada Somaliland ayaa maanta soo saaray warqad been abuur ah oo lagu soo qoray magacyada 55 xildhibaan oo ka tirsan golaha wakiilada Somaliland laguna soo hor saxeexay qalin isku mid ah, si shacabka loogu jaahwareeriyo.

Warqaddan oo nuxurka looga jeedaa yahay in xildhibaanada golaha wakiilada lagu ceebeeyo lagana dhigo inay lacag ka qaateen wasiirka madaxtooyada isla markaasna u saxeexeen mooshin golaha la hor geeyo oo kuxigeenadii golaha dib loogu celiyo halkoodii.

Warqaddan ayaa waxaa ka dhex muuqda xildhibaanada ugu kartida badan golaha wakiilada Somaliland ee iska diiday qaadashada laaluushka hantidii umadda lagu bixinayo oo uu ugu horeeyo Xildhibaan Siciid cilmi Rooble iyo xildhibaan Saleebaan cali koore iyo qaar kale oo badan, xildhibaanadaas oo bulshada Somaliland u taqaano rag sharaftooda ka doorbiday kharashka yar ee wasiir xirsi la ordayo.

Arrintan ayaa waxay noqonaysaa fadeexadii ugu dambaysay ee ay gasho xukuumadda madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo.

Salaanmedia/Hargaysa

Xigasho Qarannews