Wasaarada Maaliyada Somaliland Oo Isku Bedeshay Shirkad Ganacsi Oo Samaale Yeeshay.Q”1AAD

RAACDADA WARGAYSKA

Samaalee

Wasaarada Maaliyada Somaliland Oo Isku Bedeshay Shirkad Ganacsi Oo Samaale Yeeshay.Q”1AAD

Hargaysa(SM) Intii loo Magcaabay wasaarada maaliyada masuulka hada Xilkaasi Haya Cabdicasiis Maxamed Samaale kaasi oo kala wareegay xilkaasi Maxamed Xaashi Ayaa Waxaa ay wasaarada maaliyadu isku Bedeshay Shirkad ay ku bahoobeen Samaale Group iyadoo loo bixiyay Wasiir samaalena Magacan (SH,MUKHTAR) oo Aan gadaal kazoo sheegi doono Macnaha uu xanbaarsan yahay.

Shaqaalaha wasaarada Maaliyada Somaliland ayaa marayay xiligii uu xilka wasaaradaasi joogay wasiir Xaashi 385 qof iyadoo ay shaqada Tanbareeriga loo yaqaan ay ku jireen 61 qof Balse taasi waxa ay kun jeer sii laban laaban tay markii uu kursiga wasaarada Maaliyada kusoo durkay Cabdicasiis Maxamed Samaale oo taageero u raadinaya hankiisa uu hada kusoo hanbabaray ee uu loolanka Dhicisoobay Kula jiro Gudoomiyaha Rasmiga ee xisbiga Talada Dalka haya ee KULMIYE iyadoo shaqaalaha uu gaadhsiiyay kana dhigay 1210 qof Halka ay shaqaalihii rasmiga ahaa wasaaradaasi tuban yihiin wasaarada dhxdeeda ayaa Maalin kasta ay soo baxdaa shaqaale cusub oo liiska soo buuxinaya.

Marka ay dadku agmarayaan Agagaarka wasaarada Maaliyada Waxaa Ay dareemayaan Guuxa iyo canfiga ka aloosan Gudaha Wasaarada Maaliyada Somaliland taasi oo kulaylka iyo hanfiga Kasoo burqanayaa keenay in Wasiirka maaliyadu Samaysto Agaasimayaal siridaariya,oo idman una dhego Nugul Samaale Kuwaasi oo si xawli ah u sameeya Waxkasta oo uu doono haday tahay  Lacago Foojar Ah(VOUCHERS) kaasi oo nooc kasta u qaybsamaya sida CASH,QANADARAAS iyo Hadii ay tahayba Horumarinta Baanka laga sii qaato (ADVANCE) Taasi oo macnaheedu yahay Marka ay timaado Lacag Amaah Ahi inay tahay Lacago la Xadayo oo amah loogu soo Gabaday.

Wasiirka Maaliayada ayaa hadaba Daaqada ka saara qof kasta oo shaqaale ah oo ka horyimaada hawlihiisa dadban ee lunsashada hantida qaranka Balse Ma eegayo Shaqo dawladeed,Dakhli Soo baxa isagoo u aanaynaya cidaasi inay difaacayaan Hantida umada duulaan cadna ku yihiin shaqadiisa oo la sheegay inuu u yaqaano ka Faaiidayso Intaad Kursiga Joogto.

Masuul Ka mid ka mid ah Shaqaalaha wasaarada Maaliyada oo ka gaabsaday Magaciisa  oo Barnaamijkan Raacdada Wargayska Xogogaal Uga waramay sida uu wax uga ogyahay shaqada iyo maamulka wasaarada ee wasiir samaale ayaa hadalkiisa Ku bilaabay “Waxaa aad loo dhimaa tacridaihii dakhilga badani dalka kazoo geli lahaa sida Sigaarka iyo Electronicska isagoo wasiirku gacansaar la leh Dadka soo dejiya Maceeshadahaasi,Maamul xumada wasiir samaale waxaa ka kid ah xafiiska oo aan kala lahayn madax iyo minjo,haday tahay logistic,payment voucher iyo statics,stores,birjaysin iyo accounting gaar ah oo xafiis gaar ah leh,xafiisyadaas aan soo sheegnay waxaa ka shaqyn lahaa 25 qof ugu yaraan halka hada ay cid u afduuban tahay oo afar qof keliya,waana xayndaab xidhan oo cid kasta oo timaadaa ku dhex wareerto,waxaa uu leeyahay wasiir samaale qol gaar ah oo dhex samaysan xafiiskiisa kaasi oo uu la galo amase Danihiisa gaarka ah ku fushado isagoo u samaystay albaab xaga danbe oo uu ka baxo,lacagaha iyo laaluushkana qolkaas ayuu ku bixiyaa balse ma oga shacabka somaliland “Ayuu yidhi qofkaasi ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo.

Hadaba waxaa la sheegay in ay wasaarada maaliyada xiligan ka taagan Gadood Shaqaale kuwaasi oo ka cabanaya Cunfiga iyo kala Qobqobka Uu ku talaabsaday wasiirka maaliyada waxaana sidaasi noo sheegay qaar ka mid ah shaqaalaha wasaarada maaliyada Somaliland oo ku sugan xafiiska Hargaysa intii uu joogayn Aan haba yaraatee wax shaqo  “hadii aan nalaka soo gaadhin sh Mukhtar fidnadiisa uu wado ee uu kula dhex jiro,dadka,wasaarada,dalka iyo Xisbiga Kulmiye Xataa golaha Wakiilada,taasi oo keentay in la waayi doono Miisaaniyada lana arki doono Qasnada dowlada Haawanaysa, waxaana ay baro dheeraatay sida uu Madaxweynaha dalku Wax u bixiyo,” Ayuu Yidhi

 Wasiirka Maaliyada Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa la sheegay inuu Qoyskiisa U rartay Magaalada Nairobi,Isagoo halkaasi ka iibsaday Guryo Qaali ah oo aanay Somaliland khsanadeedu qaadi Karin,iyadoo wax laga naxo lagu tilmaami karo in Masuulka Sheeganaya wasiirka Maaliyadu Iibsaday Gaadhi qiimihiisu kor u dhaafayo 64 kun oo doolarka maraynkanka ah kaasi oo aan lahayn lambarka dowlada GT Lacagtaasina tahay mid ka baxday Khsnada dowlada Danyartii dalkuna cashuurtii laga qaaday aanay Waxba loogu qaban Iyadoo mujaahidiintii dalkuna gidaraada fadhiyaan……………LASOCO

RAACDADA WARGAYSKA

Wasaarada Maaliyada Somaliland Oo Isku Bedeshay Shirkad Ganacsi Oo Samaale Yeeshay.Q”2AAD

 

Hargaysa(Xogogaal) Hadaba Akhriste Inagoo halkii kasii wadi doona Barnaamijkeenii RAACDADA WARGAYSKA ee ynu ka Faaloonaynay,Daaha Uga Faydanaynay Hawlaha Shaqo,Shaqaale Iyo Maamul xumo ee Wasaarada Maaliyada Somaliland Tan iyo Mudadii uu Wasiirka Maaliyada Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale jogay Waxaa la sheegay inuu Qoyskiisa U rartay Magaalada Nairobi,Isagoo halkaasi ka iibsaday Guryo Qaali ah oo aanay Somaliland khsanadeedu qaadi Karin,iyadoo wax laga naxo lagu tilmaami karo in Masuulka Sheeganaya wasiirka Maaliyadu Iibsaday Gaadhi qiimihiisu kor u dhaafayo 64 kun oo doolarka maraynkanka ah kaasi oo aan lahayn lambarka dowlada GT Lacagtaasina tahay mid ka baxday Khsnada dowlada Danyartii dalkuna cashuurtii laga qaaday aanay Waxba loogu qaban Iyadoo mujaahidiintii dalkuna gidaraada fadhiyaan kuwasi oo naf,muruq iyo maalba ay u soo galeen iyagoo aan ilaa iyo hada haysan iska daa wax kale gaadhi Curyaan,Taasi bedelkeedaa waxaa kaga fadhiistay wasiirka oo wata gaadhi Remote Lagu Hagayo,oo naafada iyo Mujaahidiinta Dalka Hadii loo sarifo u goynaya Ku dhawaad 3000 Gaadhi Curyaan.

Sidoo kale Waxaanu helnay Macluumaadyo fara badan iyo Dhukumantiyo  kuwaasi oo cadaynaya lacago la yareeyay Ama tacrifad la yareeyay inagoo hadana soo qaadan doona maalinba qayb waxaana jiraa shaqaale hoosaad dulman oo kala ah una kala qaybsamaya Washman,Nadiifiso Iyo Darawaliin kuwaasi oo aan haba yaraatee ilaa mudo sanad ah qaadan isla markaana u xaadirin wax mushaxar,iyagoo ilaaliya habeen kasta Lacago khasnado ku jira oo gaadhay30.0000.0000(sodon milyan ama ka badan ) taasi oo ay hadana ka mushaxar la yihiin.

Taasi waxaa ay ku tusaysaa Muluqmaaluqa,isdaba wareega iyo Maamulxaumada dul hoganaysa Wasaarada maaliyada Tan iyo Intii Sh Mukhtaar Kursiga Soo Jilbajoogsaday isagoo aan haba yaraatee waxba ka war hayn halka uu kaga Foogan Yahay Kaambayn uu kursiga Gudoomiyenimo ee xisbiga kulmiye,Dhismayaasha guryo u Gaar ah iyo Sharar uu ku yeesho Shirkado ganacsi.

Waxaa kale oo wax laga naxao ku tilmaami karaa mushaharka shaqaalaha joogtada ah kuwaasi oo laga jaro lacago loogu yeedhay (Habsan) taasi oo maalintii Qof kasta laga jaro Celcelis  ahaan marka la isku geeyo noqonaysa 50 Kun Ilaa 60 Kun Sh.SL. taasi oo loo samaystay Acount Gaar Ah waxaana ay bilaaban tahay Mudadii samaale Yimid Balse Meelna Kagama Jirto Sharciga shaqaalaha oo ah Civil Server Law No.07/96 Dhanka kale Dulmigaas ilaa iyo hada Gudoomiyaha Hayada Shaqaalhuhu Kama uusan war Hayo.

Lacagtaasi oo dhan (300.000.000 Ilaa 400.000.000 Milyan SL.SHILING) Ayaa hadaba Sida la wada ogyahay waxaa Loogu talagalay in lagu kala qobqobo Laguna kala Jejebiyo xisbiga Kulmiye,Samaysashada iyo iibsashada gaadiid Qaali Ah,Guryo Laga Samaysto Nairobi iyo Dugsiyo Gaar ah oo uu qayb ku leeyahay wasiirka Maaliyada Sh Mukhtaar  

Markii ay si walba ugu takrifalee Bajadka Maaliyada oo gaadhaya 49.67 Bilyan  oo aanay 1% ka gelin Hayadaha dakhli soo saar sida Kastamka Iyo Cashuuraha Beriga iyo weliba Xisaabaadka kuwaasi oo aan iyana wax dabagal ah ku samayn Takrifalka ay Kooxda SAMAALE GROUP ku Takrifalayso hantida wasaarada maaliyada

Waxaa waaxyaha Qaarkood ee wasaarada maaliyada Somaliland ka muuqda dayac fara badan sida Gaadiidka,Xafiisyada Goobaha dakhli soo saar ee dalka kuwaasi oo hadii gaadhi ga u yar baytari u fadhiisto ayaan dan laga gelin iyadoo qaadata Bilo amase waxaba gaadhigaas dhan loo  xaraasho Baytari yar Oo qiimihisu ka yaryahay 40 Dolar.

Ugu Danbayntii wasiir samaale ama sh Mukhtar waxaa u Cad Kursi Nin kale ku fadhiyo isagoo ilaa iyo inta uu ka godgalayo u suxulduuban yahay isagoo u isticmaalaya Hantida Umada Iyo Shaqaale Weyanaha Somaliland Ka Qatan yihiin,

 Sh Mukhtar Cidi Kama Daba Hadasho,Lalama Xisaabtamo Isna Ma Xisaabtamo Waxaana ay u egtahay Mashruucisani Aanay Smaaynin Madaxweyne Iskaba daaye Ku xigeenkiisa Sababtoo ah waxaa la arkay oo aanu soo bandhigi doonaa Tacrifado Ay  Baas gareeyeen Barlamanka Somaliland kuwaasi oo uu Sh Mukhtar Keligiis Go’aan ka gaadhay Siduu doonayayna ka yeelay.

17 Wasiir  Ayaa soo Maray Wasaarada Maaliyada Somaliland Mudo hada Laga joogo 23 Sano uuna ka mid yahay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Silanyo) Ma Aysan dhicin Eexda,Dulmiga,Ku Takrifalka,Tacadiga,Qaraabokiilka,Sharcijebinta,Awood Sheegashada,Cunsuriyada.Qorista Shaqaale Huwan Shaadhka Beelaysan kana soo jeeda Reer Gaar Ah Iyo……………LASOCO

 

 

RAACDADA WARGAYSKA

Wasaarada Maaliyada Somaliland Oo Isku Bedeshay Shirkad Ganacsi Oo Samaale Yeeshay.Q”3AAD

Akhristayaasha sida tooska ah ugu xidhan Barnaamijka RAACDADA WARGAYSKA oo Wargayska Xogogaal Dibada ugu soo saarayo Dhukumantiyo iyo Cadaymo Daaha ka faydaya,xogaha qarsoon ee maamulka Wasaarada Maaliyada Somaliland Tan iyo Intii uu xilka La wareegay Wasiir Sh Mukhtaar(SAMAALE) .

Maanta waxaan idiin soo gudbin doonaa qaybtii Sadexaad ee Barnaamijyo Taxane ah iyo fadeexado is huwan oo wargaysku helay,Sidoo kale Wargaysku waxaa uu ka Cudur Daaranayaa In Soo bandhigista Siraha Qarsoon ee wasaarada Maaliyada Ay Ka madhan tahay Cadaawad Cid Gaar ah loo hayo Mana aha Been Iyo Buunbuunin Balse waa Raadinta Runta Iyo Xaqiijinta Shaqada Qaranka Iyo Ka hortaga Dulmiga iyo Tacadiga Shaqaalah ee ka dhanka ah Wasiirka Maaliyada Sh Mukhtar(SAMAALE).

Hadaba waxaa jirta jirta cadaymo sheegaya sida foosha xun ee wasiirkani uugu kala faquuqay shaqaalaha wasaarada maaliyada isagoo u kala jejebiyay (QAYBO) isagoo sidii afweyne u isticmaalay (Qaybi Oo Xukun)DIVIDDE AND RULE xili ay buuxaan shaqaalihii wasaarada maaliyadu oo aanay shaqayn Markii waxba loo diran waayay ayaa wasiirkani waxaa uu adeegsaday nidaamka isxanbaarka isagoo wasaarado kale kazoo walwaashay shaqaale kale sida Wasaaradaha Ganacsiga,Waxbarashada,Gaashaandhiga,Wakaalada Biyaha iyo qaar kale oo badan kuwaasi oo uu ku keenay Nidaam Beelaysan isagoo u qorsheeyey dhamaanba qaybaha kala duwan ee waaxyaha wasaarada maaliyada iyo gobolada dalka qaarkoodna uu ku qanciyay una magcaabay Xilal Sare sida,Gobolka Selel Saylac,Kalabaydh,Wajaale,Berbera,Baligubadle.

Dhacdooyinkan foosha xun ee maalin kasta hoyga u noqday inay ka dhacaan intii wasiirkan xafiiska Yuururay,waxaa ay daaha ka faydaysaa Muluqmaaluqa iyo isdaba wareega ka aloosan Uhda Iyo Afaafka Wasaaradaasi Maaliyada iyadoo ay ka mid tahay waxyaabaha uu helay wargayska xogogaal Nin lacag Celin doonayay Mudo sadex bilood ahna daba wareegayay aya loo sheegay in la bixinayo Feb,2013 Ayaa markii uu sugay isasoo taagay xiligii oo dhamaaday waxaana loogu jawaab celiyay Lama Samayn Taasi oo keentay in ninkii Uu dhaco biyana lagu rusheeyo Xanuun Hayay aawaded taasi oo ay iyagu sabab u ahaayeen Waana Markhaati Ma doon.

Sidoo kale Nin magaciisa ka gaabsaday inaan shaacino kana hawlgala wasaarada maaliyada waxaa uu barnaamijkan Raacdada Wargayska u sheegay in guno Xileed la qaybiyay waaxduu ka tirsanaa ay heshay ay heshay 3 qof,bakhtiyaanasiibna loo sameeyey ka dibna uu ku guulaystay 1 qof labada kalena ay saaxiibadii heleen,taasoo markay ka danbaysay laba cisho loo yeedhay laguna wargeliyay in inaanu liiska iyo nasiibkiisaba la deedafeeyey ka dib markii la ogaaday Beesha hoose ee uu kazoo jeedo,waxaana ay sababtay ninkaasi inuu ka cadhooday Cadaalada darada ka socota hadh iyo habeen wasaaradaasi inuu Kambayuutarkiisii uu watay Gidaarka ku kala jebiyo,iyadoo ay halkaasi ka muuqato in ay wasaarada ka jirto Dayaca iyo Maamul xumada wasaarada ee agaasimihii ku shaqada lahaa oo aan hadli karin lagana iibsaday Kursigiisa shaqo inagoo cadadyadeena danbe ku xusi doona Qiimaha Looga Gatay Kursigiisa oo loo geeliyay Miisaniyada .

Sh Mukhtaar(SAMAALE) Waxaa ay Fidnada uu dalka iyo dadka dhexdiisa la Dhukusayaa waxaa ay gaadhay inuu xisbiga Kulmiye Ka Dhex Sameeyey Garabyo iyo Xafiisyo Dusha Sare ka ah xisbiga kulmiye hoostan ka Ah NEW KULMIYE waxaana la sheegay in uu garabyada taageersan oo uu ku biiliyo halkoodaa ugu talo galay inuu gunaanadka iyo gebogebada ula goosto Dhankaas iyo xisbiga WADANI oo ay hoosta iska Ogyihiin.

Waxaynu Gelaynaa Cadaalad darada qarsoon ee dhex mushaaxaya wasaarada Maaliyada waxaa ka mid ah shirarka la isugu yimaado wasaarada todobaadkiiba hal mar kulankaasi oo loogu yeedhay Shirka Agaasimayaasha uuna gudoomiye u Yahay Sh Mukhtar Kana kooban 9 xubnood oo ay 7 ka mid ahi yihiin Caailadiisa dhow iyadoo qaarkood yihiin una shaqeeyaan Sida NSSta,isla markaana qaata mushaharka Agaasimayaasha Guud iyo Waaxyaha Qaarkood Ayna sidoo kale ka Awood Badan yihiin Agaasimayaasha MAgcaaban Una Hawlagala Sidii Taliskii Afweyne.

Gudoomiyaha Hayada Shaqaalaha DAwlada Nuux Muuse Ducaale Ayaa ka warhelay Muluqmaaluqa ka aloosan wasaarada iyo sheegashada xilalkan ugubka ku ah Dalka Isagoo Ka hortagayay Lunsashada Hanti qaran waxaa uu wasaarada Maaliayada u soo qoray Wasiirkan Isagoo ogaysiin siiyay Xisaabiyaha Guud Iyo Hantidhowraha Qaranka Iyo Madaxtooyada Warqadaasi oo Sumadeedu Tahay  CSC/WM/07-487/2013 kuna aadanayd Maalintii taariikhda bishu ahayd 25/05/2013 kuna saabsanayd ILAALINTA QAAB DHISMEEDKA WASAARADA MAALIYADA,Ilaa iyo hada ma jirto dhegjalaq loo siiyay waraaqdaasi oo  xaaraan ka dhigaysay inaanay wasaaradina bedeli Karin qaab dhismeedka u yaala waxaana ay noqotay Hal BAcaad Lagu Lisay.

Ugu Danbayntii Qormadeenan waxaa jirta iyana Warqad uu Qoray Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Maaliyada Somaliland Oo Qeexaysa Qaabka loo bixinayo amase loo maareeynayo Miisaaniyada Wasaarada Maaliyada 2014 taasi oo sumadeedu Tahay WM/02/08/-03/76/2014 kuna taariikhaysan 08/01/2014 taasi oo uu doonayay in lagu dhaqmo si uu uga baxsado wixii dhacay sanadkii ina dhaafay 2013ka waxaana waraaqdaasi lifaaq ka mid ah helay wargayska inagoo soo bandhigayna cadadkeena kan ku xiga iyadoo faahfaahsan….

LASOCO QAYBTA 4AAD

 

RAACDADA WARGAYSKA

Wasaarada Maaliyada Somaliland Oo Isku Bedeshay Shirkad Ganacsi Oo Samaale Yeeshay.Q”4AAD

Akhristayaasha sida tooska ah ugu xidhan Barnaamijka RAACDADA WARGAYSKA oo Wargayska Xogogaal Dibada ugu soo saarayo Dhukumantiyo iyo Cadaymo Daaha ka faydaya,xogaha qarsoon ee maamulka Wasaarada Maaliyada Somaliland Tan iyo Intii uu xilka La wareegay Wasiir Sh Mukhtaar(SAMAALE) .

Maanta waxaan idiin soo gudbin doonaa qaybtii Afraad ee Barnaamijyo Taxane ah iyo fadeexado is huwan oo wargaysku helay,Sidoo kale Wargaysku waxaa uu ka Cudur Daaranayaa In Soo bandhigista Siraha Qarsoon ee wasaarada Maaliyada Ay Ka madhan tahay Cadaawad Cid Gaar ah loo hayo,Shaqsi dil Iyo Nacayb Gaar ahaaneed Mana aha Been Iyo Buunbuunin Balse waa Raadinta Runta Iyo Xaqiijinta Shaqada Qaranka Iyo Ka hortaga Dulmiga iyo Tacadiga Shaqaalah ee ka dhanka ah Wasiirka Maaliyada Sh Mukhtar(SAMAALE).

Shaqo xumada maamul ee mudooyinkii Sh Mukhtaar xafiiska joogay ku habsatay wasaarada maaliyada Somaliland ayaa ah mid maalinba maalinta ka danbaysa ka sii daraysa taasi oo aan anaguna idiinku soo gudbin doono Barnaamijkeenii Taxanaha Ahaa ee Raacdada Wargayska Xogogaal oo isagu ku daba jira Soona bandhigi doona Faylal,dhukumantiyo iyo Cadaymo muujinaya Sida foosha xun ee loo maamulo wasaarada maaliyada oo qaranka u qaabilsan ururinta iyo soo xaraynta dakhli lagu kaabo horumarinta ciidamada qalabka sida,mushaharooyinka macalimiinta iyo shaqaalaha dalka.

Wasaaradani ayaa isku bedeshay goob olole oo markasta uu ka aloosan yahay buuq iyo sawaxan ay abuurtay gurashada iyo xadista hantida qaranka taasi oo aan loo aabo yeelin marka lagu Daro salaadiin iyo siyaasiyiin Hadh iyo habeen tuban Xafiis Lagu xidhay wax loo yaqaan  Deyrkii Baarliin oo wasiir Sh Mukhtar Ka Hor qotomiyay Xafiiska loogu talogalay wasiirka maaliyada kaasi oo u haysta inuu weligiis Joogayo.

Hadaba waxaa jirta waraaq aanu hore idiinku soo sheegnay taasoo lambarkeedu soo baxay 08/01/2014 taasi oo ay ujeedadeedu ahayd {SANAD CUSUB,QORSHE CUSUB,MIISAANIYAD CUSUB IYO KU DHAQAN CUSUB}

Boga hore ee waraaqda waxaa uu cadaynayaa inuu jiray musuqmaasuq baahsan iyo isdabamarin Waana Tan warqadaasi oo aan qornay “

{Runtii Mudadii aan wasaarada maaliyada ka ahaa Agaasimaha Guud,Waxaan ka bartay waxyaabo wanaagsan & arimo aan haboonayn,waxaana lagama maarmaan ah in wixii wanaagsana aynu sii wanaajino wixii dib u dhac ahna aanu meesha ka saarno,Waana arin hadaynaan ku baraarugin Hal bacaad lagu lisay ka dhigaysa Dedaalkeena.

Waxyaabaha aan doonayo inaan isdul taago waxaa ka mid ah habka aan u galno kharashka qaarkood oo ah mid aan ku dhisnayn nidaam maaliyadeed oo mararka qaarkood ay ka muuqato JAANTAA ROGAN,iyadoo si macno la’aan ah aynu ku bixino lacag badan oo wax weyn u qaban lahayd horumarinta wasaarada iyo tayaynta Cududeena Shaqaale}

Arimaha aanaan indhaha ka aqrsan doonin waxaa ka mid ah waa sida uu hadalka qoraalka warqadaasi u dhigay agaasimaha guud ee wasaarada maaliyada Somaliland ku dhowaad 10 qodob oo hoos ku qoran waxaana ka mid ahaa:::

1: Bixinta kharashka caafimaadka iyo cidda mudan  Iyo welibana sida loo xulayo qofka loo garto.

2:Kharashka lama filaanka ah iyo halka loo isticmaalayo.

3:Kharashka ololaha dakhli ururrinta iyo ladagaalanka kootarabaanka,xaaladaha loo isticmaalayo iyo cida awooda u leh Bixinteeda.

4:Kharashka Safarada iyo habeen dhaxyada Yaa xaq u leh yaase ogalaanaya.

5:Kharashka casuumadaha Martiqaadyada.

6:Kharashka isticmaalka shidaalka.

7:kharashka Dhiirigelinta.

8:Kharashka gacan ku haynta iyo masuuliyadiisa iyo weliba cida Hayn karta(IMPRESS)

9:Dalacaada shaqaalaha iyo deeqaha waxbarashadooda

10: Qorista shaqaalaha cusub,Ganaax,Shaqo ka fadhiisin,Dalacsiin iyo Deeqaha

Ugu horeyn hadaba waxaa aynu soo qaadan doonaa qodobka labaad oo ka hadlaya Kharashka lama filaanka ah iyo halka loo isticmaalayo kaasi oo aynu ku qeexayno Kharashka lama filaanka  ah waxaa loo qoondeeyey in lagu isticmaalo baahiyaha soo waajaha wasaarada isla kuwaasi oo aan loo hayn Miisaaniyada loogu talogalaywaxaana go;aaminaya isla markaana bixinteeda ogolaanaya wasiirka oo keliya iyadoo ay sidaasi jirto hadana looma isticmaali karo hawlo ka baxsan dardargelinta Hawlaha Maaliayada.

Qodobka sadexaad ayaa sheegaya isaguna Kharashka ololaha dakhli ururrinta iyo ladagaalanka kootarabaanka,xaaladaha loo isticmaalayo iyo cida awooda u leh Bixinteeda.waxaana uu yahay kharashkani mid muhiimad weyn kor u qaadida dakhliga haseyeeshee hadii aan loo isticmaalin sidii loogu talogalay waxaa uu noqonayaa mid aan XALAAL ahayn waxaana keliya lagu bixin karaa si looga hor tago ku xadgudubka kharashkaasi.

  • Waa in uu jiraa qorshe cad oo ay leeyihiin waaxyaha dakhliga qorshahaas oo qeexaya siyaabaha loo kordhinayo dakhliga laguna sahlayo cashuur ururinta isla markaana lagu gaadhayo goobo cusub oo la tiigsanaayo in cashuurta laga hirgeliyo ama cashuur gaar ah oo la doonayo in laga midho dhaliyo ama dadka la baro.
  • Qorshahaasi waa inuu ahaadaa mid si cad u qeexaya oo ugu yaraan ku fadhiya qorshaha sadex bilood kasta waana in uu ahaadaa mid loo soo kala horaysiiyay sida ay u kala mudan yihiin
  • Haba yaraatee kharashkaasi ma noqon doono mid lagu isticmaalo qorshe aan cadayn oo laga baaraan dagay,iyadoo la is barbardhigayo kharashka iyo Faaiidada lagu gaadhaayo mudada gaaban amase dheerba,waxaana reebay kharashkaasi waxa kale oo loo isticmaalo ama mashaariicda ma dhalayska ah iyo dano gaar ah oo loo leexiyo.

Qodobka 8aad waxaa uu ka hadlayaa Kharashka gacan ku haynta waxaana uu sheegayaa inta lagu gudo jiro Miisaaniyada sanadka 2013 waxaa bilaabmay habdhaqan kazoo horjeeda nidaamka maaliyada qaranka waxaana dhacday oo la bixiyay waxa loogu yeedhay kharashka gacan ku haynta isla markaana ay noqotay mid abuurtay khaladaad iyo Tartan Guracan.

Hadaba Ugu danbayntii waxaa ay isweydiintu tahay sababta ay tahay ujeedada agaasimaha guud ula jeeday maadaama uu yahay kii bixiyay kharashka gacan ku haynta sanadkan 2013 oo dhan walba u badnaa inuu siiyo Sh Mukhtaar(SAMAALE) Waxaanuna ka helnay cadaymo kala duwan oo muujinaya arintaasi Iyadoo sidoo kale agaasimaha guud waraaqdani ay u dhinayd sidan.

[Hadaba si aan uga taagnaano nidaam xisaabeedka waxaa reeban,Lacag magacaas leh oo loo dhiibo masuul ka tirsan wasaarada maaliyada Somaliland,qadarka yare e loo qoondeeyey arintaasina waxay noqonaysaa mid ku jirta gacanta khasnada dhexe ee wasaarada maaliyada waxaana ka masuul ah Agaasimaha Maamulka iyo Khasnajiga]

Qoraalkan ayaa waxaa uu hadaba cadaynayaa isla markaana markhaati cad u yahay  mid lagu soo dhoweystay isla markaana xalaalaynaysa musuqmaasuqa baahsan ee ka aloosan wasaarada maaliyada.

Gebagebadii qoraalkeena manta lama oga waxay ku danbaysay waraaqdani waxaana aynu la socon doonaa qoraaladeena danbe taasi oo aynu kusoo bandhigayno qodobada kale ee ay xanbaarsanayd nuqulkaasi aanu helnay iyo waxay ku danbaysayba inagoo ka hadli doona soona qadan doona Tacrifadaha LA Dhimay ee Ee Kastamada Iyo Waaxda CAshuuraha Beriga Somaliland.Lasoco qaybo kale.

Allaa Mahadleh