Wasaaradda Deegaanka oo Soo Bandhigtay Shoolado casri ah

February 17th, 2014 

Wasiirka deegaanka

Hargeysa (SM)-Wasiirka wasaaradda Deegaanka iyo horumarinta reer Miyiga Somaliland Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Bandarre oo ay wehelinayeen mas’uuliyiinta wasaaradaasi ayaa maanta soo bandhigay shooladaha casriga ah ee wax lagu karsado kuwaasoo bedel u noqonaya dhuxusha la isticmaalo xiligan.

Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil baandare wasiirka wasaaradda Deegaanka ee JSL iyo agaasimaha guud ee wasaaradaasi Maxamed faarax Xirsi oo si wada jir ah ugu soo bandhigay dadweynaha nooca shooladaha casriga ah ee dalka la keenay ayaa sheegay inay shooladahani yihiin kuwa wax lagu karsado isla markaana ay bedeli doonaan hanaankii lagu tiirsanaa dhuxusha.

Wasiirka iyo Agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanku waxay ugu baaqeen shacabka Somaliland inay isticmaalaan shooladahan si looga nasiyo deegaanka oo isticmaalka dhuxushu uu ku keenay dhibaato bii’adeed oo culus.

Salaanmedia/Hargaysa