Wasiir Cukusaha Warfaafinta iyo xukuumada Siilaanyo toona kama muuqato aqoon siyaasadeed oo ay ku fahmaan amaan-darada dawlada Ingiriisku ku tilmaantay Somaliland.

Wasiir Cukusaha Warfaafinta  iyo xukuumada Siilaanyo toona kama muuqato aqoon siyaasadeed oo ay ku fahmaan amaan-darada dawlada Ingiriisku ku tilmaantay Somaliland.

cukuse

Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Somaliland Mudane Cabdillaahi Maxamed Cukuse ayaa waraysi uu bixiyay maanta ku tilmaamay in dawlada Ingiriiska ay Soomaaliya and Somaliland iskaga khaldan yihiin.  Mudane Cukuse wuxuu jawaab ka bixinayay digniin dawlada Ingiriisku dhawaan soo saartay oo ay muwaadiniinteeda uga digayeen inay u safraan dalka Soomaaliya oo ay Somalilandna ku jirto, kuwa ku sugan ay kula taliyeen inay dhakhso uga baxaan sababo amni-daro iyo falal argagixiso oo loo maleegayo in lala beegsado dadka reer Galbeedka iyo Haayadaha reer Galbeedka awgood.

 

Warbixintan talada xagga socdaalka ah (Travel Advice) ee ka soo baxday Xafiiska Arrimaha Dibedda iyo Barwaaqa Sooranka (Foriegn and Common Wealth Office) ayaa lagu cadeeyay inay jiraan falal kooxaha argagixisada ahi la maagan yihiin dadka asal ahaan ka soo jeeda dawladaha reer Galbeed, iyo weliba kuwa u shaqeeya haayadaha reer Galbeedka.  Warbixintan ayaa si cad loogu sheegay in Somaliland ka mid tahay meelaha ay kooxaha argagixisadu maagan yihiin inay ka fuliyaan falal argagixiso oo lala beegsado dadka reer Galbeedka ah.

 

Dawladda Ingiriiska ee guunka ah ayaa Xafiiskeeda Arrimaha Dibbeda iyo Barwaaqa Sooranka waxaa xil wayn iyo masuuliyad balaadhani ka saaran tahay hubinta amniga muwaadiniintooda meelkasta oo ay dunida kaga sugan yihiin, waxaanay isha ku hayaan meelkasta oo ay ka qabaan dareen nabadgelyo la’aaneed oo muwaadiniintooda lagu waxyeelayn karo.  Xafiiskaas ayaa isagoo kaashanaya xoggaha ka soo baxa haayadohooda Sirdoonka iyo kuwa Caalamiga ah ee ay gacan saarka la leeyihiin si khibrad iyo aqoon sugani ku jirto u odorosa meelaha waxyeelooyin kaga iman karaan dalkooda iyo dadkoodaba isla markaasna qaada talaabooyin ay kaga hor tegayaan.

 

Haddaba waxaan markasta oo digniinaha noocan oo kale ahi soo baxaan aynu maqalnaa xukuumada Siilaanyo oo dafiraad iyo indha-adayg ka madhan dibloomaasiyad isla soo taagta, dawladaha digniinahaas soo saarayna eedo aanay gayin u jeedisa.  Waxaanay xukuumada Siilaanyo indhaha ka qarsataa ama ay aqoon darro ka haysataa waxyaabaha amni-darada dhaliya ee laga odorosa xaalada nabadgelyo ee dal leeyahay.

 

Tusaale ahaan dawlada Ingiriiska ayaa sidan oo kale ka soo saartay digniin xagga socdaalka ah dalka Soomaaliya oo Somalilandna ku jirto sannadkii 2012kii, wax yar ka dib doorashooyinkii deegaanka ee muranka, qaska iyo qalaalasaha siyaasadeed ka dhaliyay Somaliland ee weliba xukuumada Siilaanyo ku toogatay dadka rayidka ah ee weliba dhalinyarada u badnaa.

 

Xukuumada Siilaanyo ayaa wakhtigaa dafirtay xiisadii iyo murugii siyaasadeed ee ka dhashay boobkii ay kula kacday doorashadii Golaha deegaanka.  Waxaana dhacday in Madaxweyne Siilaanyo khudbadiisii sannadka cusub ee 2013ka uu ka hor jeediyay Golaha Wakiilada ku sheegay inaan wax amni-darro ahi ka jirin dalka isagoo weliba sheegay, akhriyayna warqad uu sheegay inuu ka helay Wasaarada Arrimaha Dibedda ee dalka Maraykan oo siduu yidhi lagu deedafaynayay digniintii Ingiriisku ka soo saaray Soomaaliya oo Somalilandna ku jirto.

 

Waxaa runtii wax lala yaabo noqotay cidkasta oo waxgarad ahina la yaabtay sida ay suurtagal ku noqon karaysay in digniin Xafiiska Arrimaha Dibedda iyo Barwaaqa Sooranka Ingiriisku soo saaray oo loogu digayo muwaadiniintooda uu Maraykanku u dafiri karo ama isaga dhega tiri karo.  Bal hadda u fiirso, digniintu waxay ku salaysnayd cabsi laga qabay falal argagixiso oo lala beegsado dadka iyo haayadaha reer Galbeedka, lama odhan dadka Ingiriiska ah oo keliya bay ku kooban tahay.

 

Way dhacdaa inay dalalku kala dambeeyaan oo qaar wakhti dambe go’aan noocan ah qaataan markay ku qancaan xoggaha sugan ee ay hayaan laakiin waxaynu ognahay in labada dal ee Ingiriiska iyo Maraykanku leeyihiin wada-shaqayn iyo maslaxado isku mid ah, khaasatan dhinaca argagixisada, oo weliba labada dal sirdoonkooduna gacan saar dhow leeyihiin iyo xog is waydaarsi.  Markaa siday u dhici karaysay in dawlada Maraykanku dhegaha ka furaysato talobixinta dawlada Ingiriiska, warqad lidi ku ah taladaasna  ugu diri karayeen dawlada Somaliland? .  Waa arrin aad u adag in la rumaysto.

 

In arrinkaas wax ka khaldanaayeen Waxaa  marag cad u noqotay, markii dawlada Maraykanku wax ka yar hal usbuuc ay digniin tii Ingiriiska la mid ah soo saartay.  Arrinkan ayaad moodaa inaan dadka reer Somaliland wax badan iska waydiin, khaasatan khudbadda Madaxweynaha iyo jiritaanka warqada uu sheegay.  Waxaana shaki aad u wayni ka jiraa jiritaanka warqadaas madaxweynuhu akhriyay, waxaanan ku boorin lahaa axsaabka mucaaridku inay daba-gal ku sameeyaan warqadaasi.   Taasoo haddii jiritaankeedu run noqon waydo noqon doonta mid ka mid ah fadeexadihii ugu xumaa ee Madaxweyne dal ku kaco. .

 

Haddaan dib ugu soo noqdo hadalkan maanta Wasiir  Cukuse ku tiraabay ayaa waxaynu si fiican dhegeheena ugu maqlaynay isagoo deedafeeyay digniinta dawlada Ingiriisku mar labaad soo saartay maanta 15/02/2014, isagoo ku dooday in dawlada Ingiriisku isku khaldayso Soomaaliya iyo Somaliland.  Hadalka Wasiir Cukuse ayaa si dadban u tilmaamaya aqoon darro dawlada Ingiriiska ka haysata mandaqada geeska Afrika, inagoo ka warqabna inaan safaarada Ingiriisku ku leeyahay Addis Abeba ka qoob qaadin Hargaysa, markastana yimaadaan.  Waxa kale oo aynu ognahay in dawlada Ingiriisku Somaliland dhinacyo badan ka caawisa oo weliba arrimaha amnigu kow ka yihiin.

 

Mudane Cukuse waxaan jecelahay inaan u yara iftiimiyo inaan dawlada Ingiriiska Soomaaliya iyo Somaliland iskaga khaldanayne xataa ay si fiican u kala yaqaaniin degaanka Siilaanyo iyo wasiir kasta oo xukuumadiisa ka tirsan ka soo jeedo iyo waxa mid waliba ku foogan yahay.  Sidaas darteed waxaa haboon inaad ka taxadirto hadalada ka baxsan xuduudkeena ee saamayn caalami leh.  Wasiir arrimaha noocan ahi ma galaan af-miishaarayn.

 

Waxaa kale oo Wasiir Cukuse iyo xukuumada Siilaanyo ee dabarka goosatay aanay garanayn in dawlada Ingiriisku si fiican uga warqabto in Ciidamadii RRU ee ay maalgeliyeen ee loogu talo-galay in argagixisida lagula dagaalamo ay u adeegsanayaan hadh iyo habeenba cabudhinta muwaadiniinta rayidka ah, Golihii wakiilada iyo asxaabtii mucaaridka ahayd isla markaasna u adeegsanayaan inay ku abuuraan nidaam keli-talis ah oo leh sansaankii wixii hore looga dagaalamay.

 

Waxaan ku soo gunaanadayaa, Mudane adiga iyo xukuumada aad ka tirsan tahay midkiina ma fahamsana asbaabaha keena amni-darrada.  Muranada siyaasadeed ee dhaliya gacanka hadalka waxaa keena jebinta Dastuurka, marka fulintii (executive Branch) kii dawladnimo buriso Dastuurkii una adeegsato si ka baxsan sidii loogu talo-galay waxaa imanaya muran siyaasadeed oo madhalays ah.  Dastuurka oo la baalmaro oo la jebiyaana waa bilowga burburka iyo amni-darada dal ka bilaabanto.  Haddaba xukuumada aad ka tirsan tahay ayaa u tafo xaydatay burburinta Dastuurka iyo haayadii sharci dejinta taasina waxay dalka dhaxalsiinaysaa burbur iyo amni-darro soo waajahda, waana halka orodoskaasi dawlada Ingiriisku ku fadhiyo.

Maxamed Aw Yuusuf

 

guun51@hotmail.com