Wasiir Hore Oo Ku Baaqay In Abaal-marinta Nabadda Loo raadiyo Xaaji Cabdi.Wasiirkii hore ee wasaaradda cadaaladda Somaliland Md. Aadan Axmed Cilmi (Dhoolayare)

February 23rd, 2014 

“Waxaan soo jeedinaya in la sameeyo sanduuq loogu magac-darro Xaaji Cabdi Waraabe astaan la mid ah Nobel oo lagu qiimeeyo cida Somaliland wax tarta nabad hirgelisa”

“Waxaan kale oo aan soo jeedinayaa in wakhtiga loo kordhiyo maadaama oo aanay doorasho diyaar ahayn xukuumadda iyo Golaha Wakiiladda”aadan dhoolayare2

HARGEYSA (SM)- Wasiirkii hore ee wasaaradda cadaaladda Somaliland Md. Aadan Axmed Cilmi (Dhoolayare) ayaa ku baaqay inay Ha’yadaha bulshadda rayidka ah ee Somaliland ay ka hawl-galaan sidii abaal-marinta caalamiga ah ee (Nobile Peace Price) loo gudoon siin lahaa Xaaji Cabdi Xuseen Yuusuf (C/Waraabe) iyo Golaha Guurtida oo uu ku ammaanay sidii ay u damiyeen khilaafkii Golaha Wakiiladda Somaliland.

Aadan Axmed Cilmi waxa kale oo uu ka hadlay u diyaar garowga doorashooyinka dalka ku soo fool leh isagoo ku baaqay in mudada xilka loo kordhiyo Madaxweynaha iyo Golaha Wakiiladda maadaama oo aanay wali diyaarsanayn doorashooyinkii.
Wasiirkii hore ee cadaaladdu waxa uu sidaasi ku sheegay qoraal uu caawa ka soo saaray Magaaladda Oslo ee dalka Norway oo uu ku sugan yahay. Waxaanu war-saxaafadeedkiisu u dhignaa sidan:-

“Marka hore waxaan ku bogaadinaya guulaha Guurtida xalka wanaagsan ee ay ku heshiisiiyeen labadii garab ee Golaha Wakiilada taas oo aan ku tilmaami karo inay tahay guul u soo hoyatay golahaas yacni (WIN WIN SITIUATION).Waa sida ay ku caanamaashay Somaliland,mahadeedana waxaa iska leh dhammaan shacabka Somaliland oo ah dad yaqaan isutanaasulka iyo walaalnimada, walaalka wixii uu hayaa kaama maqna,gaar ahaan golihii u xil-saarnaa arrimaha xalinta axwaasha dhalin karta nabad-gelyo xumadda ee Golaha Guurtida iyo odayga u weyn ee ILAAHAY ku manaysatay caqliga suuban ee samo-taliska ah AL-XAAJI Cabdi Kariin Xuseen (Xaaji Cabdiwaraabe) ilaahay if iyo aakhiroba ha ka abaal-mariyo samaha uu taliyo.”

Hadaba waxaa isweydiin leh, maxaa qofka wanaag sameeya loogu abaal guddi karaa inta uu nool yahay ilayn waa kii marxuumkii Gaariye yidhi (AMAAN U DHIMO HA LAGU AMAANEE AF MAAHA) waa run waayo waxaa naruurro qofka u ah inta uu nool yahay in la ammaano in la tuso karaamada uu leeyahay,sida dawladaha reer galbeedka waxa ay halyaygooda ku muuneeyaan inta uu nool yahay waxa la yidha (NOBEL PRICE) oo loogu magac daray ninkii sameeyaya walxaha qarxa oo reer Swedan ahaa,kuna sheegay in hanti wixii uu ka tegay la siiyo cida nabad ka talisa adduunyada.

Sidaasi darteed, waxaan soo jeedinaya in marka u horaysa la sameeyo sanduuq loogu magac-darro Xaaji Cabdi Waraabe astaan la mid ah Nobel oo lagu qiimeeyo cida Somaliland wax tarta nabad hirgelisa abaalmarin loo siiyo si qof kasta oo Somalilander ah u higsado inuu helo abaalmarinta qaaliga ah una gudbi doonta mustaqbalka dawladaha AFRIKA siino cida samaha ka talisa.
Waxaan jecelahay inay reer Somaliland meel kasta oo joogaan fadhiga ka kacaan sanadkan oo u soo diraan hay’ada gudida Nobel Price ee fadhigeedu yahay NORWAY OSLO) in ay xaq u leeyihiin abaalmarinta Nobel ee sanadka golaha guurtida ee Somaliland gaar ahaan Xaaji Cabdi Waraabe.
Waxaan u soo jeedinaya hay’adaha jooga Somliland ay ugu horeyso Akaadamiyada Nabadu inay soo gudbiso waxtarkii iyo taariikhda Xaaji Cabdi iyo buugii laga qoray iyo taariikhda uu sameeyay ee nabadda oo ay kow ka tahay jiritaanka nabadgelyada wadanka waayo waxaynu ognahay inay sanad walba ku bixiyaan oo la siiyo dad aan caaro ka gaadhayn odaygeena qiimaha leh,sanadkii u dambeeyay wax la siiyay kuwa burburinay kimikada Suuriya cid ay siiyaan ayay garan waayeen sanad walba waxa la raadiyaa cid la siiyo.
Sidaas oo ay tahay innagu waxaynu sheegan kari la nahay wax aynu adduunka dheer nahay oo magac ku helayno, laga yaaba inay soo dhawayso aqoonsigeena.Hadaba cid kasta oo awood u leh inay codkeeda soo gudbiso cod dheer ha ku soo sheegto inaynu xaq u leenahay sanadkan Nobelka.iyaga oo la kaashanaya saaxiibada ay leeyihiin ee yaqaanaan waayo wax jira dad badan oo reer Somaliland ah xidhiidh la leh dad wax laga dhegaysan karo.codsigani xataa wuxuu khuseeyaa Soomaalida kale ee samaha iyo waxtarka jecel inay ka qayb qaataan waayo laftoodu waa kaadh ay ku dagaalami karaan oo Soomaaliyeed Xaaji Cabdi. Sidaasi awgeed ha laga hawl galo hay’adaha wadanka jooga inay soo gudbiyaan haddii ay afar ka nid ahi soo hudbiyaan waa ansax oo sii fiican u soo sharaxa shaqada guurtida iyo Xaajiga.

Qodobka labaad,waxaynu ognahay inay soo dhawdahay doorashadii dalku,waxaynu kale oo ognahay inaanay waxba inoo diyaarsanayn,hadaba haddii la heshiisiiyay Golaha Wakiilada ha u diyaar-garoobaan inay dhamaystiraan xeerarka doorashooyinka,islamrkaana waa biyo kama dhibcaan inaan laga gaadhisiin doonin wakhtiga koobaan marka waa lagama maarmaan in mudada xilka loo kordhiyo xukuumada madaxweyne Siilaanyo,iyado aynaan buuq ku habsaamin loona meel mariyo si duruufaha keenay loo waafajiyo ,islamarkaana garwaaqsano inay tahay xaqiiqo jirta,mucaaradkana waxaan leeyahay waa danteena inay dhameystirano wixii inaga dhiman si aanu muran dorasho u iman hadaba wakhtiga yeynaan iskaga lumin waa la kordhinaya iyo la kordhin maayo,waa run oo wakhtigu kuma filna inta xeerarka iyo diiwaangelinta la iswaafajinay (Soomaalidu waxay tidhaahada haddii degdegsiiyo door dhasho kaadsiiyo kiish lacag ah buu dhalaa) yaynaan goor dhaw ku murmin doorashada waa lagu shubtay iyo wax kale ee loo kordhiyo xukuumada hana soo dhaweeyaan mucaaradka wakhtigana ha laga faa’iidaysto.

Waxaan kaloo soo jeedinaya in golaha wakiilada wakhtiga loo kordhiyo,waayo golahani waxay noqdeen waayo arag bartay wax badan waa(human resource) qaali ah waxay ogyihiin wax inaga dhiman halka ay wax marayaan markaan arinkeenu yuu noqon kursiga iiga kac ku salysnaado cilmi waa niman u leh aqoon badan oo niman odhan karo waxay qalin jebiyeen jaamacado.Sidaasi darteed maaha kolba cid la qabsatay shaqada inaynu tuurno waxaa galay kharash badan ha laga faaiidaysto oo ha loo kordhiyo wakhtiga wakiilada.

Shacabkuna ha ogaadaan inay yihiin niman wax u bartay oo maanta wax qaban kara.wadan burburay waxa horumar gaadhsiiyo dad wax og haddii maanta la doorto qaar cusub wakhti badan ayay ka qaadanaysa inta ay isbaranayaan,inta ay la qabsanayaan markaa reer Somaliland waxaan talo ahaan ugu soo jeedinyay inaan ku deg degin in doorasho dambe oo wakiilada ah oo aanu arinku noqon salaamulah calal xujaaj ja loo daayo nimaankaa danta reerka og iyo waxa inaga dhimam.Golaha wakiiladan waxaan kula talinaya inay shqeeyaan oo ay joojiyaan isqabqabsiga dhamaystiraan hawlaha qaranka.”

Salaanmedia/Hargeysa