Wasiir Xirsi waxaan leeyahay Shinbir duul duul badani af libaax bay ku dhacdaa!

Xirsi

Munaasibadii madaxweyne siilanyo kula dhuuntay magaalada Liverpool ee lagu marti qaaday kooxda kasoo jeeda qoyskiisa iyo inta ku xidhan ee sacabka u tunta ayuu wasiir xirsi ka jeediyay hadal xajiin iyo hanjabaad iyo faan u badan oo ka aradan siiqada siyaasada loo yidhaah wasiirku waxa uu hadalka is lahaa ugu duurxul gudoomiyaha baarlamaanka mudane c/raxmaan cirro oo todobaadkan golaha uu horjoogaha ka yahay farta u taagay xeer hoosaadka aqalka baarlamaanka oo dib u habayn lagu sameeyey kaas oo sifiican oo dastuuriyan ah loogu cadeeyey awoodaha ay kala leeyihiin sadexda masuul ee aqalka ugu sareeyaa kaas oo markii hore ahaa mid isku dhex yaac ah,
 
hadaba isaga oo halkaas ka hanjabaaya kana faanaya waxaa ka mid ahaa hadaladii wasiir xirsi sidan,  
 
“Afartan xeer ayaa dawladdu ku guulaysatay oo aanu Golaha wakiilada si toosa u marsanay, nin guddoomiye ah oo Xeer Hoosaad la baxsaday waxba yuu guul moodin” waa weedhihii wasiir xirsi.

Wuxu wasiirku ku daray isagoo faanaya dhinaca kalena hanjabaya kalmaddiisuna ku socoto Golaha Wakiilada iyo Guddoomiye Cirro in nin reerka uu ka soo jeedo ahaa oo sida uu sheegay RIYOOLEY ahaa uu maalin u yeedhay labadiisii dumarka ahaa ee uu qabay iyo laba wiil oo uu dhalay marba laba ayuu la legdemaa oo uu dhulka dhigaa,
maalintii dambe ayuu tuulada tagay oo nin xariifa ah is haleeleen (dagaalameen), ninkii odayga ahaa halkaasaa dhakada looga baxay oo uu caano sanka ka keenay.. “MARKAA WAXAN LEEYAHAY BAL BERRI SANKA CAANO HA KA KEENINA!”,
 
waxa marka hore madaxweynaha iyo wasiirka iyo kooxda la socotay ka muuqatay kalsooni daro ay ku dhici waayeen inay soo hor fadhiistaan bulshadii Somaliland kasoo jeeday ee ku dhaqnayd magaalada London taas oo rabtay inay madaxweynaha iyo waftigiisa la kulanto oo ka waraysato dalkii ay madaxda ka ahaayeen ee ay ka yimaadeen waxa laga joogo iyo siyaasada dalku halkay marayso mid gudeed iyo mid debedeed,
 
imaatinkii ugu danbeeyey ee madaxweynuhu ku yimaad UK ama London ayay kooxdan madaxweynaha hada kontoro baanisay ay u qabteen kulan kanoo kale ahaa oo qarsoodiya oo loogu talo galay kooxda sacabka u garaacda ee beesha ku dhisan waxayse noqotay nasiib daradii ugu weynayd ee meeshaas ka dhacday markuu ka dhex toosay aqoonyahan ayna markaa filayn oo soo dhex raacay dadkii munaasibada yimid oo layidhaah maxamed haaruun kaas oo madaxweynaha weydiiyay su-aal uu markaas xamili waayay oo ka kululaaday taas oo ku saabsanayd wasiirkii arimaha dibada ee xiligaas maxamed c/laahi cumar ( maqaamsare) oo dowlada ingiriiska u qoray qoraal uu kaga jawaabayay in Somaliland ku fashilantay amniga taas oo siiqada uu qoraalka ugu qoray dowlada ingiriiska u noqonaysa markhaati inay wax kajiraan tuhunka ay muujisay dowlada ingiriisku!,
 
iminkana iyaga oo taas oo kale inay dhacdo ka baqaaya ayay kulankii uu madaxweynuhu la yeelan lahaa jaaliyada Somaliland ee ku nool UK loola cararay magaalada Liverpool oo magaaladii London ee jaaliyadu u badnayn la aamini waayay! somalidu waxay tidhaah fule xantii ma mooga! way ka war qabeen in madaxweynaha suaalo lagu harqinayo oo lagu weerarayo su-aalahaas oo aanu madaxweynuhu wax jawaaba u helayn su-aalahaas oo ku saabsan siyaasada arimaha debeda ee xukuumadiisu dhulka jiiday, wada hadalada somaliya iyo Somaliland u dhexeeya ee madhelayska ah, doorashooyinka lafilaayo iyo waxa uga qorshaysan, shirka ay ku baaqeen madasha iyo xisbiyadu waxay ka qabaan, ciidamada RRU loo bixiyay ee dadka iska laaya ee qof aan waxba galabsan guryaha ugu daata, khilaafka xisbiga kulmiye ee faraha kabaxay iyo waxa uga meelyaal madaxweynaha, xoriyada saxaafada oo aad u liidata oo maalinwalba wargeys layska xidhaayo, heshiis yada xukuumadu lasoo gasho shirkadaha ee aan baarlamaanka lasoo marin IWM sii soco maba soo ood maysid ilaa caawa hadaad wado waa daba furan! 
 
ma waxaas oo su-aalo ah ayuu madaxweynuhu ka jawaabi karaa oo uu hore u soo kharibay? jawaabtu waa maya markaas waxay raginimo moodeed inay ka muquurtaan jaaliyada oo in yar oo xaafada kamid ahi ay la tagto odayga haragiisa Liverpool,
 
waxa layidhi nimaan weedh sugin warana masugo! wasiir xirsi oo xamili waayay su-aalaha dalka laga weydiinayo oo karti iyo geesinimo u yeelan waayay muxuu hada ugu hanjabayaa xildhibaano shaqadoodii gartay oo aanu waxba ka qaban Karin? mise labadan gudoomiye ku xigeen ee midi isxanbaarka ku yimid ayuun buu rabaa inuu sii galaafto oo xidhibaanadu cod kaga qaadaan kursiga ay masaariifta kala soo baxaan? waxaan leenahay waxba u tari mayside shaqadooda yar ha galaafan,
 
xildhibaanadii ugu badnaa ee ku soo galay xisbiga kulmiye baarlamaanka ayaa maanta ugu neceb xukuumada siilanyo iyo siyaasadeeda eexda iyo nin jeclaysiga ku dhisan bal ma waxaad aragtay laba xildhibaan oo isku xisbiya oo baarlamaanka ku wada jira oo kala awood badan oo mid madaxtooyadu dhegaysato! ka kalena haduu wax kasta sheego aan waxba laga qorayn! wasiir xirsi waxaan leenahay sidi sididaada mooyee dhuldhacaaga hubso shinbir duul duul badani af libaax bay ku dhadaa meesha cidi kuuma joogto ragii beri hore ayay kaa dareereen oo waa la nacay xukuumadan qoyska ku soo ururtay ee aad budh tuurka u noqotay!.
 
 
Aadan Axmed Nuur