Wasiir Xirsi Waxaan Odhan Lahaa Hanjabaadaadii Livelpool ee Golaha Wakiiladu Waxay Marag….

Wasiir Xirsi Waxaan Odhan Lahaa Hanjabaadaadii Livelpool ee Golaha Wakiiladu Waxay Marag u Tahay Caruurtii Qalqaaliga ahayd ee uu Hore U sheegay Gudoomiye Cirro Ninka Waalidkii Edbin Waayana Wakhtigaa Edbiya.

cabdirisaaq-suudi-nuurTodobaadkii hore waxaan joogay magaalada addis abaab ee xarunta dalka itoobiya ,waxaanan aad ula yaabay hadalkii wasiirka madaxtooyadu Xirsi uu siiyey warbaahinta ee ku waajahnaa golaha wakiilada ee somaliland ,isagoo markaa joogay magaalada livelpool ee dalka ingiriiska.

Had iyo jeer waxaynu naqaana hadii uu qof xanuusado oo uu dhakhtar u tago talaabada kowaad ee uu dhakhtarku qaadaa waxay tahay in uu waraysto qofka xanuusanayaa hadii uu yahay qof weyn oo hadli kara maskax ahaanna bad qaba hadii se qofku yahay qof aan hadli kareyn ama maskax ahaanba mbad qabin ama uu caruur yahay waxaa u dhakhtarku wax weydiiyaa dakii waday ama siday qofkan bukaanka ah. Talaabada labaad ee uu dhakhtarku qaadaa waxay tahay in uu sameeyo baadhitaan ku salaysan warbixintii uu helay ,maah maah soomalaiyeedbaa jirta oo tidhaahda marka war la helo ayaa talo la helaa dhakhtarku marka uu jawaabta baadhitaanka ah helana talaabada saddexaad ee uu qaada waxay tahay in uu qofka bukaanka ah u qoro dawadii uu u baahnaa. Hadaba maah maah soomaaliyeedbaa jirta oo tidhaahda milil guudkii lama dhayo,maal maalmahan danbena waxaa warbaahinta ku dhex wareegayey kal mada ah khilaaf u dhaxeeya golaha wakiilada xaqiiqadu se waxay tahay in aanu khilaaf weyn oo la taaban karaa u dhaxayn golaha wakiilada ,laakiin dhibaatada rasmiga ah ee meesha taalaa waxay tahay fara gelinta ay madaxtooyadu ku hasyo golaha wakiilada ,taasi oo ujeedada laga leeyahayna ay tahay in la mashquuliyo aragtida iyo dareenka xildhibaanada golaha wakiilada si aysan isku weydiinin su’aasha ah horta dalka ayaa xukuma? Marxalada caafimaad iyo xasuuseed ee uu madaxweyne siilaanyo maanta ku sugan yahayna ma tahay mid u qalanta hogaaminta dalka .

Waxaana hubaal ah hadii xildhibaanada golaha wakiiladu ay gudi u saraan xaalada caafimaad ee madaxweyne siilaanyo sidii uu xildhibaan Bashiir Tukaalaba uu hore u sheegay in jawaabta soo baxdaa ay noqon lahayd in madaxweyne siilaanyo uu taagan yahay marxaladii uu ku sugnaa madaxweynihii hore ee tuunisia Xabiib Burqiiba sanadkii 1987-kii,taasina waxay sababtay in laga wareejiyo xilkii madaxweynenimoin kasta oo arintaa ay ka soo hor jeedeen raggii haystay ee waxay doonaan ku saxeexi jiray madaxweynihii maqaarsaarka ahaa ee dalka tuunisiya XABIIB BURQIIBA Xirsina layaab badana ma laha oo wuxuu taagan yahay marxaladii ay taagnaayeen ragga aynu soo sheegnay ee maslaxadooda gaar ka ah doonayey in ay ku bedeshaan badbaadinta dalka tuunisiya. Waxa kale oo muuqata in hantidii umada oo ay ka mid ahayd lacagtii ama dhaqaalihii lagu ururiyey magaca wadada ceerigaabo in loo isticmaalay mashruuc waji ku macaash ah waxaana warbaahinta dawlada la soo fadhiisiyaa odayaal loo soo cumaabaday oo wax kale iska daayoo aan caruurtooda u war ahayn sidii ka dhacday gobolka saaxil iyo nin sheegta in uu ka tirsan yahay hayadaha xuquuqal insaanka oo cay iyo canbaareyn aysan lahayn kula dul kufay. 1:Gudoomiyaha Golaha wakilada C/raxmaan Cirro 2:Mujaahid Ibraahim C/laahi Xuseen(Dhagaweyne) 3: C/raxmaan C/qaadir Hadaba ninka la yidhaahdo Saleebaan Ismaaciil bulaale waxaan odhan lahaa hadii aad ku hadlayso magaca hayadaha xuquuqal insaanka waxay ahayd in aad ka hadasho dadka sharci darada ku xidhan ama xuquuqdooda la duudsiyey sidoo kalena waxay ahayd in aad tegto saldhigyada iyo maxkaamdaha dalka oo aad soo aragto cadaalad daarda ka jirta kadibna aad ka hadasho sidoo kalena waxay ahayd inaad tegto xabsiyada dalka oo aad soo xaqiijiso in maxaabiista ku xidhadhi ay xukuumada ka helaan xuquuqdii ay ku lahaayeen,waxase muuqata in wax shaqo ah oo ka dhaxayn kartaa Saleebaan Ismaaciil bulaale iyo masuuliyiintan uu eeda kula dul kufay aysan jirin taasina ay muujinayso in magacii hyada xuquuqal insaanka uu Saleebaan ka dhigtay meherad uu ku shaqeysto Sugaanta Soomaaliduna waa hodan hadii jawaabta Saleebaan aan han suugaaneed ku soo ururiyana waxaan odhan lahaa Salebaanow Nin ay Soori Kaa Qaaday Waa Nin ay Seefi Kaa Qaaday.,si kale hadii aan hadalka u dhigana waxaan odhan lahaa nin ambaday halkuu aaday way ula ekoonayd Hadaba isku soo wada duuduboo Wasiir Xirsi Waxaan Odhan Lahaa Hanjabaadaadii Livelpool ee Golaha Wakiiladu Waxay Marag u Tahay Caruurtii Qalqaaliga ahayd ee uu Hore U sheegay Gudoomiye Cirro Ninka Waalidkii Edbin Waayana wakhtigaa Edbiya.

 

 

Qalinkii:C/risaaq Suudi Nuur

Tel:4425243

Email:suudi88@gmail.com Hargeysa/Somaliland