Wasiiradda oo Xildhibaanada Golaha Wakiiladda Beel beel ula shiraya iyo Lagdanka la filayo toddobaadkan Cirro iyo Xukuumaddu in ay ku kala calaf qaadaan

Wasiiradda Xukuumadda talada haysa ee Kulmiye ayaa bilaabay kulamo cul culus oo ay Xildhibaanadooda Mucaardka ku noqday kaga soo leexinayaan majarihii siyaasadeed ee Cirro u qabtay mudadii ay isku maqnaayeen, waxaana wali socda shirar Doceedyo saameeyey dhamaan Beelaha xildhibaanda ku leh Golaha Wakiiladda.

Ilo wareedyaddii u danbeeyey ee waaheen hesho ayaa sheegaya in wasiiradda iyo Xildhibaanada ku jira Xukuumadda iyo Goluhu jilbaha is dhigeen isla markaana ka doodayaan faa’iidada ugu jirta dariiqa uu Golaha Wakiiladdu ku ridayo labada Shirguddoon iyo Xukuumadaba, taasoo ay Golaha wasiiraddu u arkaan xildhibaanada Kulmiye in meel kale looga heesay.

Taas bedelkeeda Xildhibaanada Wasiiraddoodu la kulmeen aya iyana dhinacooda ku adkaysanaya inaanay jirin khasaare ugu jira talaabooyinka ay qaadeen iyo kuwo kale oo soo socda oo ay doonayaan in ay golaha iyo qarankaba ku saxaan, waxaanay ku doodeen in la saxo  tabashada u muuqata oo ay sheegayaan in xilligan ay tahay in wax laga qabto.

Dooda noocan ah ayaa sii durkinaysa marba marka ka danbaysa Xiisada siyaasdeed ee xiligan sababtay in ay xukuumaddu la tacaasho tabaha Cirro badhkood kaga soo guulaystay kuwo kalena uu la maagan yahay, hase yeeshee waxay u muuqataa kooxda Xildhibaanada Kulmiye ee la safan Cirro in ay Bur iyo biyo u kala bixi doonaan, ama qaarkood na ay dariiqaas sii hayn doonaan, kuwana ay gacan haadiska wasiiradda u dhago nuglaan doonaan.

Aragtiyaha iyo dareenada goobaha lagu kulmo lagu rog rogo ayay qaarkood sheegayaan in ay Xukuumaddu ku soo ceshan doonto xildhibaano badan oo ay meel kale ka tustay rajo-gelin marka hore farta loogu fiiqay, waxana la filayaa kuwa ay soo ceshato iyo kuwa ay haysatayba marka la isku daro in ay ku talaabsan doonaan ugu yaraan in ay xeer hoosaadka wax ka bedel markale ku sameeyaan oo ay Cirro la soo safaan labada ku-xigeen ama iyaga halkoodii hore ku celiyaan.

Dood kale ayaa odhanaysa Xukuumaddu haddii ay ku guulaysato in ay hanan karto tiro gaadhaysa shan iyo konton in ay isku qaadi doonto in ay Guddoomiye Cirro ridaan wallow taasi marxaladan ku adkaan doonto oo ay uga dhawdahay sidii ay xildhibaanada kale iyo Cirro ba sameeyeen in Mooshin ay ku keenaan wax ka bedelka Xeer hoosaadka.

Si kasta ha ahaatee maalmihii u horeeyey Xukuumaddu waxay culayska saartay xildhibaanda labada beelood ee Barriga Burco iyo kuwa Gobolka Awdal oo ah tirada ugu badan ee Cirro ka faa’iidaystay, hase yeeshee waxa markii danbe ay u talowday kuwa goboladda kale, waxaana lagu wadaa illaa sabtida in ay kala miir dilaaci doonto guusha labada dhinac kooda ay raaci doonto.

Salaanmedia/Hargaysa

Xigasho togdheer news