Wasiirka Arimaha Dibada Mr Biixi oo Dib u Jadiidiyey Damaciisii Ahaa In Dekeda Berbera Lagu Wareejiyo Bollore

Wasiir Biixi oo Dib u Jadiidiyey Damaciisii Ahaa In Dekeda Berbera Lagu Wareejiyo Bollore

biixi-yoonis
Hargaysa(SM) Feb.14. 2014-Wasiirka Arrimaha Dibeda ee Somaliland Md.Maxamed Biixi Yoonis, ayaa mar kale dib usoo yab-yabay ololihii uu ugu jiray sidii uu gacanta ugu gelin lahaa Shirkada Bollore Maamulka iyo gacan ku haynta Dekedda Berbera, kadib markii uu dhowr jeer uu hore ugu guul-dareystay qorsheyaal uu ku damacsanaa inuu ku Mindi-roorteeyo meel marinta ogolaanshaha Shirkada ee Marsada Berbera.
Wasiirka Khaarajiga oo Warbaahinta u waramayey Arbacadii todobaadkan, waxa uu sheegay inay qodaxda kasoo gureen wixii xog ah ee looga baahnaa hirgelinta heshiiska Shirkada Bollore loogu wareejinayo Dekedda Berbera, waxa keliya ee dhamaystirka arinkaa ka hadhayna uu yahay inuu Waraaqaha heshiiska u gudbiyo Khubaro Dekedaha ku xeel-dheer iyo kooxo Shuruucda yaqaana.
inkastoo Wasiir Biixi aanu Warbaahinta soo hordhigin cadeymo muujinaya hawsha xaqiiqo raadinta ah iyo xogaha ku saabsan wax-qabadka Shirkada ee ay Sahanka ugu baxeen, hadana waxa uu ku dheeraaday amaan aan cidi la ogeyn dhaaf ah oo uu ka bixiyey Shirkada Bollore. isagoo arintaa ka hadlayana waxa uu yidhi; “Aniga iyo Wasiirka Ganacsiga iyo Maareeye Cali Xoor-xoor waxaanu isugu nimi Kongo Buntuwaar, waxa lana tusay Shirkadawada-hadaladu inoo socdaan ee Bolore  Wadamada faraha badan ee ay wax ka qabatay, ilaa 20 dal  Dekadahooda ayey maamushaa oo ay ku jirto Dekeda Kongo Buntuwaar, Dekedaas oo Shirkadu gelisay  ilaa Sideed Boqol iyo Konton Malyuun,  Bollore Waa Shirkad weyn hawlaha ay wadaana waanu kusoo qanacnay, si fiican ayey wax u wadaan dadkii ayaanu wareysanay, waxa kale oo aanu wareysanay Wasiirka Gaadiidka dalka Kongo qaabilsan Prof. Adad oo ahaan Jiray Boskaygii Darfuur. Prof. Adad aad ayuu noo dhiiri galiyey in aanu hawsha la wadno [Bolore], waxa noo hadhay in khubaro Dekedaha yaqaana aanu u geyno Waraaqihii iyo Niman sharci yaqaano ah oo aanu si fiican iskaga baadhno oo aanu iskaga eegno si hawsha loo gudo-galo..”.
geesta kale, Maareeyaha Dekedda Berbera Eng. Cali Maxamed Cumar (Cali Xoor-xoor) oo Wasiirada Khaarajiga iyo Ganacsiga ku weheliyey socdaalka Xaqiiq raadiska ee ay ku tageen Nayjeriya iyo Kongo, ayaa si taxadar leh uga waramay ujeedada Safarkooda iyo ahmiyada arintani leedahay, sidoo kale waxa uu xusay in natiijada xogihii ay kala soo noqdeen Safarka xaqiiqo raadiska ay u gudbin doonaan Madaxweynaha iyo Xukuumadiisa.
Shirkadan Wasiir Biixi u muuqdo inuu gadh-wadeen ka yahay ayaa damaceeda gacan ku dhigista Dekeda Berbera aanu ahayn mid hadda kowsaday, balse ujeedadan oo kale ay dalka u timi Cahdigii Xukuumadii Daahir Rayaale, hase-yeeshee ay ku hungowday ujeedooyinkeedii kadib markii Xukuumadii Daahir Rayaale ay isku af-garan waayeen laba ajende oo Shirkadu watay, kuwaasoo kala ahaa; In Shirkada Bollore lagu wareejiyo Maamulka iyo Maareynta Dekedda Berbera, iyo sidoo kale In Shirkada Bollore loo ogolaado inay geli karto heshiisyo Maalgashi oo Dekedda lagu horumarinayo.