Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somalia oo la kulmay Saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobey (SAWIRRO)

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa maanta ku qaabilay Xafiiskiisa Wafdi ka socda hey’adaha Qaramada Midoobey oo uu hogaaminayay Kuxigeenka ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada midoobey u qaabilsan Soomaaliya ahna isku duwaha arrimaha bani’aadanimada Soomaaliya, isla markaana ah ergeyga degan ee hey’adda UNDP Mr. Philippe Lazzarini.

Labada dhinac, ayaa waxay ka wada hadleen arrimaha siyaasadda, bani’aadanimada, barakacayaasha gudaha, qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool Kenya, dhaqan gelinta qorshayaasha barnaamijka hiigsashada cusub (New Deal) iyo qodobo kale.

KulankaAn, ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh uu ku soo bandhigay baahida loo qabo kaalin ballaaran oo hey’adaha Qaramada Midoobey ay ka qaataan howlaha dowladda Federaalka Soomaaliya ay qorsheyneyso ee dhinacyada horumarinta iyo dib u dhiska dalka.

Kulankani oo ku soo idlaaday jawi isfaham leh, ayaa mas’uuliyiinta kale ee hey’adaha qaramada midoobey ka socday ee ka qaybgalay ay kala ahaayeen Mr. George Conway oo ah agaasimaha hey’adda UNDP ee Soomaaliya iyo Ms. Hanna Schmitt oo ah sarkaalad ku xeeldheer gargaarka waxtarka leh oo ka tirsan Xafiiska ergeyga degan ee hey’adda UNDP.








Xafiiska Qaybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations
Follow us on Twitter and Connect to our Facebook pageLink