Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliya oo Xafiiskiisa ku qaabilay dhigiisa Burundi

image

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Dr.Abdirahman Dualeh Beileh ayaa maanta ku qaabilay Xafiiskiisa Wasiirka Arrimaha Dibadda dowladda Burundi H.E. Laurent Kavakure oo ay ka wada hadleen Xiriirka u dhaxeeya labada dal iyo arrimaha ammaanka dalka.

Kulanka labada Wasiir oo ahaa mid albaabada u xirnaa ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiiru dowlaha Wasaaradda H.E. Buri Mohamed Hamza , Wasiir kuxigeenka Wasaaradda H.E. Mahad Mohamed Salad , Safiirka Soomaaliya ee Bujumbura – Burundi Danjire Abshir Hassan Abshir Farah , Taliyaha Ciidanka AMISOM Lt. Gen. Silas Ntigurirwa iyo saraakiil kale.

Wafdiga ka socda dowladda Burundi ayaa kulankaasi kadib , waxaa ay si gaar gaar ah u kala qaabilay, Ra,iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E. Dr. Abdiweli Sheikh Ahmed Mohamed ,Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya H.E. Prof. Mohamed Sheikh Osman Jawari iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Prof. Hassan Sheikh Mohamud , iyadoo kulamadaasi ay ka kala dhaceen Xarunta Madaxtooyada (Villa Somalia) iyo (Villa Hargeisa).

Wafdiga ka socda dowladda Burundi oo qado sharaf loogu sameeyay Madaxtooyada qaranka ayaa maalintii labaad booqasho ku jooga Muqdisho ,waxaana hogaaminaya Wasiirka Arrimaha Dibadda H.E. Laurent Kavakure,oo ay si qoto dheer ugala sheekeystay mas’uuliyiinta kala duwan ee dowladda kaalinta amni ee ciidamada Burundi iyo kuwa kale ee AMISOM ay ka qaataan amni ku soo dabaalidda dalka Soomaaliya iyo Xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.

Wasiirada cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa dar-dar gelinaya howlaha shaqo ee Wasaaradda , si loo xoojiyo xiriirka caalamiga si gaar ah Xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya kala dhaxeeya wadamada bariga iyo bartamaha Afrika oo dowladda Burundi ay ka mid tahay.

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations
Follow us on Twitter and Connect to our Facebook pageLink