Wasiirka Arrimaha Dibadda Oo U Dhoofay London, Xili Dawladda Ingiriisku Ka Dayrisay xaaladda Ammaan Ee Somaliland

Daawo Muqaal…Wasiirka Arimaha Dibadda Iyo Iskaashiga Caalamiga Ah Somaliland Maxamed Yoonis Biixi

(SM-Hargeysa) – Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis, ayaa maanta safar ugu baxay dalka boqortooyada Ingiriiska.

 

Wasiirka oo uu wehelinayo Wakiilka Somaliland ee dalka Ingiriiska, ayaa galabta ka dhoofay Madaarka Cigaal ee Magaalada Hargeysa, iyaga oo sii mari doona dalka Itoobiya.

Ilaa hadda lama oga ujeedada rasmiga ah ee Wasiirku u tagayo dalka Ingiriiska, ka dib markii uu ka cudur daartay inuu saxaafadda oo madaarka ku sugaysay la hadlo.

Hase-yeeshee, safarkiisa ayaa ku soo beegmaya xili Maalmo ka hor ay dawladda Ingiriisku ay Muwaadiniinteeda uga digtay inay u safraan waddamada Somaliland iyo Soomaaliya, kuwaasi oo ay sheegtay inay khataro ammaan daro ku soo fool leeyihiin.

 

Inkasta oo Wasiirka arrimaha dibaddu uu sanadkii hore dawladda Ingiriiska kala hadlay arrimaha ammaan daro ee ay Somaliland ku sheegto, haddana waxa la filayaa in ujeedada socdaalkiisu arrimahaasi la xidhiidho. 

Salaanmedia/Hargaysa