Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Wuxuu Taariikhda Ka Gelayaa Baal Dahab Ah

 

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Wuxuu Taariikhda Ka Gelayaa Baal Dahab Ah

 

Xirsi oo aan odhan karo la’aantii waxba ma socdeen, iyada oo la filayo in ay dhowaan bilaamanto, bilaabis wadada Ceerigaabo


Wasiirka wasaarada madaxtooyada jamhuuriyada Somaliland Md. Xirsi Cali X. Xasan, wuxuu muujiyey waxqabad laxaad leh tan iyo markii la doortay xukuumadda uu hoggaaminayo madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo.
Wasiirka madaxtooyada Somaliland wuxuu hormood ka ahaa wada-hadaladii lala galay dowlada Somalia, isaga oo wasiir xirsi door muhiim ah oo geysinimo leh ka ciyaaray shantii wareeg ee ay soo mareen wada-hadalada Somaliland iyo Somalia.
Wasiir Xirsi waxaa lagu tilmaamaa shaqsi daacad ah go’aan qaadasho leh, hadalka runta ka sheega sidoo kalena hoggaamin fiican, waxaa kale oo lagu tilmaahaa in uu yahay shaqsi hawl kar ah oo karti badan aan daalin oo leh waxaa loo yaqaano {Talent}.
Waxaa kale oo wasiir Xirsi lagu xasuusanayaa
Sidoo kale wasiir Xirsi wuxuu ku xejiyey oo la bilaabay waqtigan wadada isku xidha Berbera iyo Burco, taasoo runtii iyana ah wado hawl bowle u ah Somaliland, una baahnayd in wax laga qabto, taasina waxay ka mid tahay guulaha uu qaranka u soo hooyey wasiirka madaxtooyada Somaliland Md. Xirsi Cali X. Xasan.
Waxaa kale oo wasiirku ku guulaystey dhamaystirka wadada isku xidha magaalooyinka Dila iyo Borama, sidoo kale iyana waxaa socotada wadada Wajaale iyaga oo wasiirku gacan weyn ka geystey wadooyinka socda ee dawga Cad, Baligubadle, Odweyne iyo Salaxley.
Waxaan wasiirka marnaba lagu iloobeyn doorka uu ka qaatay dhismaha wadada Ceerigaabo, oo uu dhowaan dhagax dhigay madaxweynaha Somaliland, kuna magcaabay gudida qaadhaan uruurinta oo uu madax u yahay wasiirka madaxtooyada, kuna guulaystey in uu bulshada reer Somaliland ku qanciyo in ay ka qayb qaataan dhismaha wadada Ceerigaabo.
Iyada oo ay bulshada Somaliland aanay u kala hadhin ka qayb qaadashada wadada Ceerigaabo, taasoo uu hormood u yahay wasiirka madaxtooyada Somaliland Md. Xirsi oo aan odhan karo la’aantii waxba ma socdeen, iyada oo la filayo in ay dhowaan bilaamanto, bilaabis wadada Ceerigaabo ayaa waxay sumcad wayn u soo hoysey xukuumadda uu hoggaaminayo madaxweyne Siilaanyo
Waxaan iyana la hilmaami Karin oo uu wasiirka madaxtooyada Somaliland ku guulaystey in uu soo iibiyo qalabkii ugu badnaa ee ay Somaliland, hesho abid ama tii ay Somaliland jirtey, qalabkaasoo ah mid casri ah oo laga soo iibiyey dalka Chine, ayna ku baxday lacag aad u badan oo laga bixiyey dakhliga dowlada si loo hormariyo wadooyinka Somaliland.
Arrintan ayaa waxay Somaliland u soo kordhisey magac wayn waxayna muujisay in xukuumaddan maanta joogta ay tahay xukuumadd ay ka go’antahay in ay dalkan iyo dadkan uga tagto magaca, balse aanay ahayn xukuumadda mafac ka doonaysa dadkeeda.
Horuumarka dalka gaadho waxaa laga eegaa wadooyinka maanta wadooyinka Somaliland, waxaa ka socda dhismayaal iyo tayactir xoogan taasoo tusaale ah horuumarka dalka ka socda ayna wado xukuumadda maanta joogtaa, waxaana hubaal in xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ay noqonayso xukuumaddii ugu waxqabadka badnayd ee dalka soo marta.
Waxaa wax laga xumaado ah in mucaaradku markii ay waayeen wax ay sheegaan ay yidhaahdeen lacagtii Ceerigaabo loo uruuriyey ayaa olole lagu galay, waxaan leeyahay wax idinka socda bulshada u sheegaa, mana haysaan waxaad sheegtaani iska aamusa xukuumaddani way dhaqaaqday.
Madaxweynaha somalilandna waxaan leeyahay wasiirkaaga madaxtooyadu wuxuu mudan yahay bilad geysey iyo hambalyo madaxweyne.

Abdillaahi Yare, Hargeysa somaliland