Wasiirka wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu socdaal shaqo….

HARGEYSA (SM)- Wasiirka wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu socdaal shaqo uu muddo bil ah ugu maqnaa dalalka Turkiga, France iyo Ingiriiska.

Wasiirka Madaxtooyadda oo galabta ka soo degay Madaarka Hargeysa waxaana madaarka ku soo dhaweeyay Wasiirro, Xildhibaano, Masuuliyiin ka tirsan xukuumadda iyo marti sharaf kale

Wasiirku waxa uu tilmaamay in wada hadalladani sii socon doonaan illaa inta laga xaqiijinayo himiladda qaranka Somaliland ee la xidhiidha sidii ay aqoonsi uga heli lahaayeen beesha caalamka.

Salaanmedia/Hargaysa