Wax ka badalida sharciga Socdaalka wuxuu keeni karaa ka qaadista dadka British ka ah ee looga shakiyo….

Wax ka badalida sharciga Socdaalka wuxuu keeni karaa ka qaadista dadka British ka ah ee looga shakiyo Argagaxisada Passport ka iyo Dhalashada.

 cabdixafid

Dadka British ka ee looga shakiyo ama loo qabto argagaxisada waxay waayi karaan ama laga qaadi karaa passport yadooda iyo dhalashadooda iyadoo la raacayo badalka daqiiqadii ugu danbeesay sharciga socdaalka ee uu sameeyay Home Secretary. Badalka sharciga cusub, oo soo jeediyeen safka danbe kuwaas oo aad ugu baahi qabay in la meel mariyo sharci adag oo ciqaab ah, waxaa soo hordhiga golaha Theresa May arbacadii, sharicigaan wuxuu ogalaanayaa ka qaadista Passportka UK qofkasta oo laga shakiyo kaas oo ficiladiisa la xukumo “ tani waxay dhib iyo caqabad ku noqon kartaa danaha UK”.

Hada sharciga baarlamaanku meel mariyay, Home Secretary wuxuu awood u leeyahay inay kala noqdaan dhalashada British ka qofkasta oo laba dhalasho leh, inkastoo, sharciga wax laga badalay uu siinayo May awooda in laga dhigo dadka kuwa aan wadan lahayn iyadoon la eegayn dhalashada Britishka.

Dhaqaaqaan wuxuu markiiba la kulmay eedayn, iyadoo laga xusi karo mid ka timid Director of Liberty Shami Chakrabarti, oo yiri: “xoriyada in qofku u noolaadu siduu rabo waxay tiraahdaa dadka loo hayo falalka argagaxida waa in la xukumaa. Ugu horayn siyaasiyiinta way ka leexdeen maxkamadaynta dadka ajaanibta ah: hada waxay la doonayan mid la mid ah dadkooda.”

Compainer ka wuxuu ku daray: “ Dhaqaaqaan waa mid masuuliyad xumo sida uu u yahay cadaalad xumo. Waxay u ogalaanaysaa dawlada Britishka inay dadka khatarta ah ku tuurto bulshada caalamka, lakin  sidaas si le’eg inay u ciqaabto kuwa aan wax galabsan oo siyaasad ahaan ka soo horjeeda iyagoon la xukumin ama la maxkamadayn. Waxaa jira waalida fikirka populist iyo xaalad adag.”

 

Sharciga socdaalka waxaa lagu wadaa  inuu ku soo laabto aqalka Commons khamiista fiidkii, May iyo David Cameron oo taageersan kacdoonka ama isbadalka safka danbe ee aqalka barlamanka.

Dadka u dhaq dhaqaada xuquuqda Aadanaha waxay ku calaamadeeyeen dhaqaaqaan “ hormar khatar ah” iyadoo siinaysa Home Secretary awood to “ inay ku jeex jeexaan dadka passports kooda iyadoo la fiirin ama la tixgalin wax baaritaan ah.”

 

Wasiirka socdaalka Mark Harper wuxuu yiri: “ kuwa khatarka galiya amaanka wadankan waxay na galiyeen khatar anagoo dhan. Dawladaan waxay qaadaysaa dhamaan talaabooyinka aasaasiga ah si ay u ilaaliso shacabka. Dhalashu waa fursad, ma aha xuquuq. Sharciyadaan la soo jeediyay waxay adkaynayaan awooda Home Secretary si loo hubiyo dadka khatarta ah laga qabto hadii ay tahay mid danta guud ku jirto in la sameeyo.”

 

Mid ka mid ah kaysaska ugu caansan oo la xiriira wadan la’aanta ayaa ah mid ku dhacay Hilal Al-Jedda oo ka soo cararay Irag yimidna UK sanadkii 1992 isagoo ah qaxooti ka soo cararay Saddam Hussein maamulkiisii. Wuxuu ku guulaystay magangalyo sanadkii 2000 wuxuu qaatay dhalashada British ka. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu ku laabtay Iraq 2004 markaas oo uu noqday mid looga shakiyayay inuu ku lug lahaa argagaxisada, sanadii 2007 waxaa laga xayuubiyay dhalashadii Britishka.

Al-Jedda, oo hada ku nool Turkyo, ilaa markaas wuxuu dagaal uu oga soo horjeedo falka lagula kacay isagoo maraya racfaano xiriir ah oo sharciga ah.

 

October sanadkii hore, Xaakimiin maxkamada sare waxay xukmiyeen inay sharci tahay in laga dhigo wadan la’aan. Si kastaba ha ahaatee, ka sokow xukunka, Home Secretary waxay ka qaaday Al-Jedda dhalashadiisii UK mar labaad December 

 

sanadkii hore. Afhayeen u hadlay legal Charity wuxuu yir: “ tano waa isbadal khatar leh, kaas oo dib ugu laabanaya joojintii mudada dheer ee ka qaadista dhalashada, taas oo keenaysa in qofka looga tago wadan la’aan.”

“Waxay siinaysaa Home Secretary awooda ah inay jeex jeexan Passportka qofka iyagoon la soo marin wadadii ama process sax ah oo aan sugayaynay hadaan nahay dadka British ka ah. Muhiim waxaa ah in midaan ay ka mid tahay dhaq dhaqaaqa US hogaaminayso ‘Dagaalka looga soo horjeedo Argagaxisada’; markii qof laga dhigo wadan la’aan waxaa sahal noqonaysa in la qaarajiyo si sharqan la’aan ah, iyadoo la marin sharciga caadiga ah iyo wixii ka soo baxa.”

Raisul wasaaraha waxaa laga soo wariyay inuu raadinayo inuu yareeyo mucaarad isagoo dib ugu noqonaya Safka danbe(backbenchers) wuxuu la wadaagay waxay rabeen, laakiin wuxuu ka codsaday inay ogalaadan in fadhiga uu socdo iyadoon wax caqad ah dhicin. Ugu yaraan 70 Conservative ahaa saxiisay heshiis, kaas oo markii hore soo jeediyay xildhibaan Nigel Mills, kaas oo ugu yeerayay Dawlada inay ku soo rogto xayiraado qaxootiga ka imaanaya Romania iyo Bulgaria oo ka shaqeey Britain ilaa iyo dhamaadka 2018.

100 xildhibaan oo dheeraad ah ayaa taageeray dhaqaaqa Tory xildhibaan Dominic Raab in gabi ahaanba la joojiyo ajaanibta danbiilayaasha ah oo racfaanka ka qaadanaya musaafurinta  iyagoo ku andacoonaya xaqa ah nolosha qoyska ‘Family life’ Uk. Mills, oo ah xildhibaan muxaafid ah oo ka soo gala Amber Valley, wuxuu isku dayay inuu xayiraado ku soo rogo shaqada suuqa ee Romanians iyo Bulgarians ka in la sii dheereeyo inta aan la qaadin January kowdeeda.

 

 

Cameron wuxuu ku deg degay inuu soo rogo sharciga cusub taas oo lagu hubinayo soo galootiga reer Yurub inaysan awoodin inay sheegtaan wax faa’iida oo ka baxsan shaqada sadexda bilood ee ugu horaysa, lakin tani kuma filnaan inay qanciso Mr Mills iyo raga taageersan. Si kastaba ha ahaatee , xildhibaanku wuxuu waayay taageerada xildhibaan saamayn badan Douglas Carswell, kaas oo ka sokow inuu saxiixay sharciga ku baahiyay blogiisa inuusan u codayn doonin sharciga.

 

Dhanka kale, Raab sharcigiisa wuxuu arkayaa Home Secretary- intii maxkamad ay yeelan lahayd xukunkga ugu danbeeya kaas oo ku saabsan in xiriirka danbiilaha reerkiisu ay ku filanyihiin in loo ogolaadu inay ka baaqdan musaafirin. Danbiilayaasha ajaanibta oo cadayn kara inay la kulmayaan jirdil six xun ula dhaqan ama dil wadamadii ay u dhasheen waxay awood u leeyihiin inay badalan ama wareejiyaan xukumada musaafuriska iyadoo la eegaya sharciyada xuquuqda aadanaha oo kala duwan.

In ka badan  oo danbiilayaal ajaanib ah ayaa si guul leh uga horyimid musaafuriska iyagoo tiigsana xuquuqda aadanaha. Sanadkasta 90% oo ku tiirsan “right to private and family life” kaas laga soo guuriyay qodobka 8 ee xeerka Yurub ee xuquuqda aadanaha. Markaan ka hadalno su’aasha Raisul wasaaraha, Mr Cameron wuxuu sheegay inuu la wadaagay backbenchers’ jaahwareerkooda isagoo isticaamalay qodobka 8 iyo inuu ku dhiiri galiyay inaysan daahin meel marinta sharciga.

 

Wuxuu yiri: “ waxaan u baahanahay inaan saxno- waana saxahaynaa sharciga socdaalka- xaqiiqdu waxay tahay waa mid adag in la musaafuriyo dad kuwaas oo aan lahayn xaq ay halkaan ku joogan iyo iyagoo waajahaya maxkamad dibada ah ama musaafurin dibada ah lakin sameeya dood been ah oo ku saabsan xaqa la noolaanshaha qoyska. Waa sax inaan badalayno taas. Majiraan wax looga soo horjeedo reer Yurub oo ku saabsan arintaan. Waa arin ah fikir fiican oo dawladaan qaadanayso waana inaan meel marina sharciga Socdaalka si dhaqso ah.” 

 

Abdihafid Mahamud JAMA

Email Abdihafid@gmail.com

Twitter@ABDIHAFIDUNITV

UK London