WAX QABADKU SIDUU U KALA HOREEYAA ? W/Q:CALI MAXAMED BIIXI –

2maqqal maqaalada

Macalin jaamacadeed  (prof) ayaa ardeydiisii waxa uu soo hordhigey QURAARAD MADHAN , waxa uu bilaabey inuu ku guro DHAGXAN WAAWAYN ilaa intay ka buuxsantay , kabacdina ardeydii ayuu waydiiyey : QURAARADDU ma buuxsantay ?

Waxay dhamaantood ugu jawaabeen ( HAA way buuxsantey ).

Wuxuu soo saarey KIISHyar oo DHAGXAN yar yari (quruurux) ku jirto , wuxuu yara ruxay quraaraddii , kabacdina DHAGXANTII YAR YARAYD (quruurixii) ayuu ku gurey meelihii banaanaadey .

Wuxuu waydiiyey ardeydiisii mar kale : QURAARADDU ma buuxdaa iminka ?

HAAYOO iminka ayey buuxdaa ?

Hadana kabacdi waxa uu soo saarey KIISH yar oo kale oo ay CIIDI ku jirto , hadana QURAARADDII ayuu ku shubay oo meelihii banaanaa ku buuxiyey , kabadina si dii si le

 

 

eg buu u waydiiyey su aashii aheyd : QURAARADDU ma buuxdaa iminka ?

 

Laakiin (prof) macalinkii jawaabtoodii umuu dhegdhigin ee koob biyo ah ayuu soo qaadey oo quraaraddii ku shubay , ilaa iyo intay ka buuxsamaysay oo ay quraaraddii ka fatahday .

Macalinkii (prof) wuxuu ardeydii ku yidhi: iminka uun baa la odhan karaa QURAARADDU way buuxdaa ?

Laakiin arinka muhiimka ahi waxa weeye , haddii aynu marka hore QURAARADDA ku shubi lahayn CIIDDA iyo BIYAHA iyo DHAGXANTA yar yar , maynu kari karneen inaynu DHAGXANTA WAAWAYN (roon roon) ku ridi karno quraaradda .

Macalinku (prof) waxa uu uga jeedey arinkan ,tuso , tusaaleeyona ardeydiisa , in wax qabadkoodu (noloshoodu) ku saleysnaato sida ay arimuhu u kala horeeyaan(u kala mudanyiin)

DHAGXANTA WAAWEYNI waxa ay ka dhigan tahay , waxa saldhiga u ah noloshooda .

DHAGXANTA YAR YARINA (quruuruxu) uu yahay waxa ku xiga .

CIIDDA iyo BIYUHUNA ay la mid yihiin arimo yaryar oo wakhtigeena inaga qaadi kara , oo haddeynu ka tagno aan waxba ina yeelayn .

Sidaa awgeed waxa muhiim ah ,inaynu kala garano , sidey arimuhu u kala horeeyaan ,

oo haddii kii ugu danbeyn lahaa ama laga tegi lahaa , aynu ugu horeysiino , waxaynu noqonaynaa sidii wax isku daba meeraysanaaya , shaqadeenii iyo wax qabadkeenii oo dhan , wax faa iido leh makeenayaan , meelna laguma gaadhayo .

BAL hadaba u fiirso wax qabadka iyo qorshaha xukuumadda kulmiye , ee maalin ba arin aan qorshe lahayn la imanaysa ( ee maalin ba meel dgagax aan qorshe iyo maal toonna loo hayn isku qaadwysa , oo aan waxba ka soconayn ) ama isku qaadeysa .

BAL eeg xukuumaddan (kulmiye) iyadii isku daba meeray sanaysa ee garan la

wixii loo doortey iyo rajadii iyo horumarkii laga sugaayey , ee ay shacabka ugu balan qaadeen , ee lagu doortey awgeed .

illaahaw garansii wadada saxa ah

 

W/Q:CALI MAXAMED BIIXI

************************************************************