Waxaan leeyahay wasiir cadaani Saxardii adigaaba dulman oo laguu doodayee ma nalkii Burco ee damey baad dib u daaraysaa?!

Waxaan leeyahay wasiir cadaani saxardii adigaaba dulman oo laguu doodayee ma nalkii burco ee damey baad dib u daaraysaa?!
MAQAAL

maan jeclayn in aan mowduucan dhex qaado laakiin markaan arko nin waxa uu ku dhex jiro ee uu isleeyahay xal u hel aan fahansanayan ayaan is idhaah tolow ma fiicnaan lahayd hadii uu xaajada mugeeda iyo dhumucdeeda garan lahaa inuu in uun xalkeeda ku soo dhawaan lahaa? somalidu waxay tidhaahdaa xog mooge ayaa xaajo bi-iya! waxa kale oo la yidhi war la hel yaaba talo lahel! hadii aad howshaad qabanayso caadifad iyo halagaasheego ku gasho oo aanad u war iyo xog badsan waxaad noqonaysaa qof foosto gunta ka daloosha dhaaminaya ama dhalan teed hadh mooday oo dhex socda! waxaana layidhi wixii caadifad lagu galo caadifad ayaa lagaga baxaa!
 
aan mowduuca iska dhex qaadee maal mahan waxa magaalaada burco ku sugan wasiir u dowlaha wasaarada maaliya cadaani saxardiid oo isagu doorbiday inuu xal u helo mushkilad magaalada burco oo soo taxnayd mudo aan ka yaran 70 sano taas oo kasoo bilaabmantay xiligii uu gumaystihii ingiriisku dalka ka telinayay waxaanay salka ku haysaa hogaaminta deegaanka iyo qab qab dhaafay waxa magaalada wada degen afar beelood marka loo eego inta ugu muranka badan, 
 
afartaas beelood ee magaalada wada dega laba kamida ayaa hadana had iyo goor sidii laba dumara oo oday wada qabo si gaara u xafiiltama! magaalada waa lawada degenaa tan iyo intii ay jirtayba halagu soo kala horeeyee hadana markii ay burco deegaamowday waxa rasmi u wada degay magaalada afartaas beelood,
 
waxa kale oo jirta in magaalada deegaan aad u balaadhan ay ku ahaayeen beesha degta buuhoodle laakiin mudo haatan laga joogo 40 sano way kasii yaraanayeen oo dhinacaas bari iyo buuhoodle ay u sii guurayeen bani aadamku deegaanka wuu isriixaa oo waa la kala dhaxlaa waxaad arkaysaa deegaan shay reer u badnaa oo maanta intay ka ruqaansadeen qolo kale meeshii degtay waxaanay ku xidhan tahay wax yaabaha ay bani aadamku wadaagaan sida daaq, taranta, dhaqanka, oodwadaagta iyo deriska oo lagu coloobo oo markaas lagu kala guuro siyaasada somalida ee qabiilka ku dhisan xitaa way kala rartaa beelaha ood wadaagta ahaan jiray ee dhaqan iyo xididba wadaaga,
 
isaga oo arintan oo kale ka hadlaya madaxweynihii hore ee Somaliland maxamed xaaji ibraahim cigaal HNT  ayuu 2002 isaga oo u ololaynaya xisbigiisii UDUB ayuu yimid magaalada burco isaga oo khayriyada burco ka hadlaaya ujeedada uu doono haka lahaadee ayuu yidhi (reer burcow laba rodol iyo rubuc ayaad ahaydeen maanta rubucii idinka teg oo idinka guur ee labada rodol haku heshiiyaan magaalada!) wuxuu hadalkaas madaxweyne cigaal astaan u yahay sida magaalda burco labada reer ee u budhtuurka ahi ay marwalaba ugu xifaaltamaan anigu maalintaas cigaal sidaas lahaa waan taagnaa kamana sheeko qaadan waxaan leeyahay ilaahay SWT haka denbi dhaafo ereygaas haduu gef ku ahaa waayo waxa uu ahaa qof markaas dalka iyo dadka masuulka ka ah oo ilaahay SWT kala xisaabtamayo inuu cid kale shaqadiisa ku canaantana may ahayn ee waxay ahayd inuu isagu mishkilada xalkeeda raadiyo isaga oo ilaahay SWT la kaashanaya,
 
dagaalkii bilaabmay 1995 kii ee reer burco lagu soo dhex tuuray  ee siyaasadu hagaysay waxa uu ahaa ragii hogaanka u hayay laba jeerba xilgaara ayaa madaxweyne cigaal ka saaraa inaanu dabkaasi shidmin mar waxa uu ahaa madaxweynihii qaranka marna waxa uu ahaa hogaamiye reer burco ah oo deegaanka kasoo jeeda,  
 
mid kalena cudurdaar ku siin maayo madaxweyne cigaal waxa uu ahaa in reer burco ah oo ku kacaamay inkasta oo uu oodweyne ku dhashay oo uu burco wax ku bartay oo isaga oo yar siyaasada ka bilaabay oo weliba magac iyo taariikh ku yeeshay reer burcona ku taageereen markaas markuu magac helay oo uu madax noqday waxa uu ahaa ragii la rabay in ay ka saaraan magaalada kala qaybsanaanteeda weliba isagu waa kaas sheegaya ee leh anagu rubucii idinka guuray baanu nahay oo way dhegeysan karayeen oo maqlayeen labada beelood ee magaalada ku murma wuxuu ugu taliyo nasiib daro se siyaasiga  somaliyeed meelkasta oo uu joogo waxa wax walba kaga weyn dantiisa shakhsiga ah halkay umadaha kale magac iyo taariikh inay ka tagaan wax walba ka jecel yihiin,

 
magaalada xanuunka haya ma aha mid ijtimaaciya ama bulsho ee waa xanuun siyaasiya oo ka dhashay hogaaminta (ii talin maysid kuu talin maayo wada tashan mayno kula tashan maayo kaa tegimaayo kalana guurimayo ee weligeenba kaladhka ayuun baynu is haysanaynaa!) waa talada bani aadamku marka uu caqligu kalumo uu gaadho! sida qolyaha reer muqdisha! shacabka magaalada degen ee ku abtirsada waxaa lagu xantaa waa dad caadifiina oo waxay diidan yihiin wejigooda ku qoran tahay oo run sheega is bedeladii dalka Somaliland ka dhacayna ilaa gumaystihii ingiriiska halka lagag kacay ee isbedelka la timid waa magaalada burco! waxaana ka dhashay 4 tii madaxweyne ee Somaliland soomaray sadex kamida marka lagu daro madaxweyne siilaanyo oo hada talada dalka haya,
 
nasiib darada haysa magaalada siyaasiyiintaas magaca leh ee ka dhashay iyo taariikhdaas balaadhan ee magaaladu leedahay kamay faa-idaysan si ay kala qaybsanaanta ragaadisay uga baxdo waxaabay ka qaaday khasaare! waxaana dayacay kuwaas hogaamiye yaasha ah ee gobolka kasoo jeeda waxa keliya ee ay ugu filan yihiin waa inay dhibaato iyo fidno ay iyagu sii dhex dhigaan mooyee wax kale umay qaban!,
 
maxaa la gudboon reer burco?
 
reer burco waxaan leeyahay ceela idiinma qodna cidina idiinma maqna ee lafihiina u tashada idinka ayay dani iskiin badee waxna haka sugina nin maalinta uu dan idinka leeyahay idiin yimaad oo fidna idinku dhex tuura! 
 
maxaa la gudboon wasiir cadaani saxardiid? 
 
waad ku mahadsantahay hadaad garatay inaad is xil qaanto oo aad reer burco heshiis dhex dhigto laakiin waxay ahayd intaanad libaaxa labada dhegood qabsan in aad la kaashato kuwa xukuumada aad ku jirto ka midka ah ee uu ugu horeeyo madaxweynaha qaranka axmed siilaanyo ee wasiir xirsi kamidka yahay ee cabdi aw daahir ka midka yahay ee burco kasoo jeeda bal inay libaaxa aad laylyayso kula jaro baraan oo ugu yaraan inta uu ka jaro baranayo xerada kugula cel ceshaan yaanu kugu keli yaysane! waxyse ahayd markaad aragtay inay kaa war wareegayaan oo kiligaa kugu daawanayaan inaad iska daysid libaaxaas baas hortaajireba tababari waaye oo aad lafa haaga ugala cararto ileen ruqe nin kii lahaa dabada hayaa ma kacee! 
 
waxaan leeyahay wasiir cadaani abwaan kayd waxaa laga hayaa cudurka kaagala fardaha hadii lagubo dameer dawada lama gaadhayo! mushkilada burco ma aha inamo yar yar oo kubad ku coloobay in xalkeeda iyo dawadeeda la helo ee waa umada deegaanka ah iyo hogaamiyeyaasha siyaasada ee ka dhashay ayaa nolosha ku coloobay in dawadeeda la helona u baahan! waxaan ku leeyahay dawada  kaarjebinta ah ee aad u sido reer burco kuma fila ee mid ka xoog badan u raadi kana warayso sidaad u heli lahayd kuwaad ka timid ee xukuumadaada ka tirsan ee burco kasoo jeeda halkay dawada burco taal iyaga ayaa haya adigana way kaa qarinayaan!
 
 
aadan axmed nuur