Waxaan soo jeedin lahaa aqalka guurtida in magaciisa loo bixiyo (aqalka odayaasha ee samo-talis)

Waxaan soo jeedin lahaa aqalka guurtida in magaciisa loo bixiyo (aqalka odayaasha ee samo-talis)
 MAQAAL
 

 

Tan iyo markii la lagu dhawaaqay qaranimada Somaliland waxa aas aas u haa aqalka guurtida waxa uu ahaa seeska laga bilaabay dhismaha qaranka Somaliland waxa uu ku guulaysatay in uu dib u heshiisiin dhex dhigo beelihii dalka wada degenaa ee weliba kale fikirka ahaa beelahaas oo badhna laf dhabar u ahaayeen halgankii dalka lagu xoray nayay badhna taageer sanaayeen dowladii milateriga ahayd ee dalka xukumaysay waxay  ku guuleysteen  in wixii ay kala tirsanayeen xalay dhaley laga noqdo waxay kaloo  ku guulaysateen aqalka guurtidu inay talada ka qaadaan markii ay laba garab u kala jabeen hogaamiyayaashii SNM ee dalka qabsaday iyaga oo isku haysta awooda dalka waxay taladii dalka gacanta u geliyeen marxuun maxamed xaaji ibraahin cigaal oo isagu markaas ahaa nin aan kamid ahayn labada garab ee SNM ee iska horjeeda laakiin se ahaa siyaasi guud ahaan geyiga somalida magac ku leh,

waxay salka u dhigeen nabed gelyada dalku haatan haysto iyaga oo marba meesha dhibaato ka dhacdo dab demis u ahaa waxay aqoon fog u leeyihiin hanaanka dhaqanka ee asalka u ahaa dhaqanka somalida ee soo jireenka ah kaas oo ahaa habkii ay noloshooda ku maareyn jireen ee ay markay isqabataan ku kala bixi jireen intii aanu islaamku soo gaadhin odoyaasha aqalku ka koobnaa intooda badani waxay ahaayeen salaadiin, cuqaal ruug cadaa-ah dhaqan yaqaan wax badan geed lagu garnaqsanayo soo taagnaa oo xaajo kastaa qabsatay in kasta oo nin nin  ka dhacaayay aanu jirin hadana waxa mucjiso ahaa oo ilaa maanta ka mid ah ilaahay SWT cimrigiisa ha dheereeyee xaaji c/kariin xuseen (cabdi waraabe) oo isagu la odhan karo waa qofka ilaahay ku kulmiyay dhawr arimood oo mucjiso ah xusuus la yaab leh oo uu 100 sano in kabadan uu xasuusan yahay wixii uu soo joogay iyo 100 kale oo uu ka sheeko qaatay! aftahanimo aad u xeel dheer cimri dheer oo ilaahay siiyay maan shala alaahu cibaado suuban oo uu intaas uu soo jiaryba cibaadeysanayay!,

haatan aqalka guurtida odoyaashii aas aaska u haa intii badnayd way wada dhinteen qaarna way gaboobeen oo shaqadii ayay wadi kari waayeen halka ragaas dhintay iyo kuwa shaqayn kari waayey ay soo bedeleen rag yar yar oo aan badan koodu aqoon badan u lahayn hanaanka dhaqanka ee geed jog nimada ku salka leh waxa loo baahan yahay si aqalku u sii jiro oo aanu ka baydhin wixii loo aas aasay in xubnaha aqalka soo gelaya aanay ku iman dhaxal tooyo ee la soo xulo loona eego ninba ninka uu ka dhaqan yaqaan san yahay kana xeer beedtisan yahay waayo Somaliland midhaka ay dheeraatay somalida kale waa aqalkaas guurtida ah ee maalintay adkaato hogaanka dalka la wareega iyadoo aqalkuna wax walba sii dheeryahay xaaji c/kariin xuseen cabdi waraabe,

magacaas aan la jeclaaday aqalka ee samo-talis waa ka loo bixiyay buuga ama taariikhada xaaji c/kariin  xuseen (cabdi waraabe) laga qoray si laysu waafajiyo buuga iyo magaca aqalka waa in aqalka isna loo bixyaa samo-talis , markii hore waxaan is idhi malaha aqalka magaciisu waxa uu ku fiicnaa in xaaji cabdi waraabe loo bixiyo laakiin way is yar qaban weyday kadib kan ayaan u xushay waad mahad san tihiin inta ila qaadata ee dalka iyo dadkooda jecel.

Aadan Axmed Nuur