“Waxaanu Diyaar U Nahay Inaanu Af Iyo Adinba Iskaga Celinno Puntland”

“Waxaanu Diyaar U Nahay Inaanu Af Iyo Adinba Iskaga Celinno Puntland”

February 7th, 2014 

news

HARGEYSA (SM)-Qaar ka mid ah Madaxdhaqameedka deegaanka Sanaag Barri, Gaar ahaan Badhan ee Besha Aadan Siciid Warsangeli, ayaa Somaliland ka raali geliyey hadal ay sheegeen inuu hore uga soo yeedhay qaar ka mid ah odayaashooda, waxaanay caddeeyeen inaanay nimankaasi metelin beeshooda oo ay ahaayeen laba nin oo geed hoostii ka hadlay.

Caaqil Maxamuud Faarax Ducaale oo ah Afhayeen u hadlay madaxdhaqameedka beeshaasi oo isaga oo jooga magaaladda Badhan la soo xidhiidhay Warbaahinta, ayaa sheegay in arrinytaas ay odayaashaasi ka hadleen uu ahaa mid beesha dhex deeda ah oo aanay shaqo ku lahayn Somaliland, waxaanuu xusay inay ahayd ciidan amar diido sameeyey oo beesha ah, taasna ay iyagu ka hawl geliyaan oo ay iska xil saarayaan, balse ay Somaliland gaar ahaan Wasiirrada Deegaankaasi ka xaal siinayaan hadalkan ka soo yeedhay.

Caaqil Maxamuud Faarax Ducaale oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Aanagu waxaanu nahaya besha aadan siciid Warsangeli odayaashoodii, ayaa halkan fadhiya oo aan afkooda ku hadlayaa, marka hore waxaanu salaamaynaa dhamaan Umadda Somaliland oo uu u horreeyo, Madaxwynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, waxaanu doonaynaa inaanu ka hadalno niman dhowaan ka qaylqaliyey tuulo hadaaftimo la yidhaahdo, kuwaas oo hadallo xun oo aanu aad uga xumaanay oo aanu dawladda ka xaal siinayno ku hadlay, taas oo ay ku shegeen inay beesha metelaan oo ka hadlayey ciidamo anaga xagayaga ah oo amar diido sameeyey, laba nin oo geed hoostii istaagay aadan siciid ma aha, meel kastrana waa laga arkaa oo maalintii ay carro-weyn tagn, Waana la ogyahay sidii ay beeshu ugu wareegtay Somaliland sidii ayey uga mid yihiin oo ay qaran nimadeeda u ilaalinayaan, abaal iyo wanaag iyo sharafna dawladda way u hayaan, waxaas ay odayaashaasi sheegeenna ma aha wax uu aadan siciid la ogyahay, aadan siciidna laba nin oo geed hoostii ka hadlay ma aha, waxaanu halkan ka caddaynaynaa inaanay nimankaasi aadan siciid metelin”

Caaqilka oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaasi raaciyey “Waxaanu u tagnay wefti wasiiro ah oo ceerigaabo ku sugan, si fiican ayaanu isku afgaranay, si fiican ayaanu siku soo macasalaamaynay, aflagaadaasna Raali gelin ayaanu ka bixinaynaa, Ciidamadan iyo waxan ay sheegayaanna waa wax dhexdayada ka xumaaday, wax dawladdu shaqo ku leedahayna ma aha, wananu saxaynaa oo oo wasiirkii gaashaan dhiggana waanu soo ballannay oo waxaanu ku soo ballanay inaanu ciidamadii ku soo wareejinno, waxaanuna halkan ka caddaynaynaa in mawqifkayagu cad yahay, shaqsiyaad meelahaas ka qal qaylinayana kama mid aha beesha, ciidankuna hore ciidanka way uga mid ahaayeen oo burbur ayaa ku dhacay oo muddo 4 bilood ah ayey bilaa mushahar ahaayeen, ka dibna qayb ayaa diiday inay Bixin galaan, qaybina way soo dhamaysatay tabbarkii bixin, markaa kuwaasi 4 bilood ayey amar diido ku jireen oo ay meeraalaysanayeen, maraa waanu habaynaynaa oo waanu xaraynaynaa, anaga ayaana iska xil saarayna, waxaanu ka xaal marinaynaa Xukuumadda Somaliland oo dhan gaar ahaan Wasiirrada ka soo jeeda deegaanka aflagaadadaas”

Ugu dambayna Caaqil Maxamuud waxa uu wacad ku maray inay iska difaaci doonaan Madaxweyne Xigeenka Puntland ee la sheegay inuu ku soo jeedo buuhoodle iyo deegaamadaasi, waxaanuu yidhi “Dalku waa Somaliland mana iman karo Madaxweyne Puntland ahi oo waa Somaliland oo xuduud ayey Somaliland iyo Puntland kala leeyihiin, Murashaxyo iyo waxaasi way iman jireen, diyaarna waanu u nahay inaanu af iyo adinba iskaga cilino haddii uu xad gudub nagu soo sameeyo”

Salaanmedia/Hargeysa