Waxaanu Sixoogan U Canbaaraynaynaa Faragalinta Xukuumaddu Ku Hayso Baarlamaanka Somaliland, Waxaa kale Oo Aanu Soo Dhawaynaynaa Dhexdhaxaadinta Golaha Guurtidda Somaliland, Laanta Xisbiga UCID ee UK:

cukaashe

Waxaanu Sixoogan U  Canbaaraynaynaa Faragalinta Xukuumaddu Ku Hayso Baarlamaanka Somaliland, Waxaa kale Oo Aanu Soo Dhawaynaynaa Dhexdhaxaadinta Golaha Guurtidda Somaliland,  Laanta Xisbiga UCID ee UK:

 

Waxaan halkan ka salaamayaa dhammaan warbaahinta Madaxa Banaan oo kaalinweyn kaga jirta dhismaha Qaranka Somaliland, waxa kale oo aan salaamayaa dhammaan shacabka reer Somaliland qaasatan Taageerayaasha Xisbiga UCID ee Dunida Daafaheeda ku kala nool.

 

Anigoo ku hadlaya Afka Xisbiga UCID ee Laanta UK waxaanu si weyn u canbaaraynaynaa faragalinta ay xukuumada uu  hogaamiyo Madaxweyne Siilaanyo ku hayso Golaha Baarlamaanka Somaliland, waxaa ayaamahan si badheedh ah oo qaawan loo arkayay xukuumadda oo shirar gaar gaar ah la galaysa xubno ka mid ah  Baarlamaanka Somaliland si ay qas iyo qalalaase uga abuuraan Baarlamaanka dhexdiisa, isla markaana keenay  mooshino xukuumadu dabada ka riixayso oo la doonayo in Dalkan qalqal  lagaliyo Nabadgalyadiisa.

 

Waxaanu xasuusanaa hadalkii Wasiirka Madaxtooyadu Mr. Xirsi uu ka yidhi Liverpool Uk oo ayaa dhowr iyo Afartan cod ayaanu tab iyo xeelad ku dhaafinay iyo hebel baan beerka kaga istaagayaayoo sankuu caano ka keeni doonaa, kalmadahaas oo shacabka reer Somaliland  dhamaantood mucaarad iyo muxaafidba ka yaabiyey,  wax masuul ku hadlana aan ahayn, hadaladaa gafka ah ee ninkaa wasiirka ahi ku hadlay iyo  dhaqdhaqaaqii uu gudaha ka muujiyey ee Xildhibaanadii Baarlamaanka uu ku Shiriyey Guriga Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo iminka noqday Gurigii DAARAANADWA ee Somaliland,  Daaranadwa waa Gurigii Gaaladu Nabi Maxamed CSW iyo Axsaabtiisii ay ugu shiri jireen, Inaga Somalilandna wixii Balaayo iyo qaswadaaba waxaynu maqalnaa waxay ku shirayaan Guriga Madaxweyne ku xigeenka,  halkaas oo la sheegay in ay lacag cadadkeedu badanyahay ugu qaybinayeen xubno ka mid ah Baarlamaanka qaasatan kuwa uu ku shaqaysto Wasiirka Madaxtooyadu.

 

Waxaan halkan ka hanbalyaynaynaa Golaha Guurtidda Somaliland qaasatan Odayga inoogu weyn ee rugcadaaga ah ee Xaaji Cabdi Kariin oo kaalin weyn ka qaatay dhexdhaxaadinta Arrintan qilaafka Baarlamaanka waxaanu Guurtida u rajaynaynaa in ay ku guulaystaan hawshooda, shacab ahaan iyo xisbi ahaanba waanu ku hanbalyaynaynaa Xildhibaanadana waxaanu kula dardaarmaynaa in ay u hogaansamaadaan Talada iyo Tusaalaynta Golaha Guurtida oo ah Gole aanu ku faano.

 

Waxa ugu danbayn aan la dardaarmayaa shacabka reer Somaliland in ay illaashadaan jiritaankooda ayna gacan bir ah ku qabtaan kuwa isleh Dalkan qalqalgaliya doonayana in ay nabadgalyo daro inagu abuuraan iyagoo isticmaalaya  shillimaadkii islaanta bacadka hadhuudhka ku iibinaysa canshuurtii laga soo qaaday ee aan waxba loogu qaban. Shacabku waa in ay feejignaadaan oo ay la socdaan dhaqdhaqaaqa xukuumadan Siilaanyo oo aad moodayso in ay ku jiraan rag u adeegaya Cadowga Somaliland islamarkaana xidhan shaadh Wasiir.

 

 

Mr. Abdiqadir Mohamed (Cukaashe)

Xoghayaha Xidhiidhka Dadweynaha iyo  Saxaafadda

Laanta Xisbiga UCID ee  UK

warfaa_101@hotmail.co.uk

 

 

Â