“Wixii Xukuumaddu Ummadeeda u Qabanayso Jamaal ma Weydiinayso” Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul.

DHUXUL

“Xukuumaddu waxay ugu timid Shaqaalaha Dawladda Lix Kun, Imikana waxa ay marayaan 20 kun oo shaqaale ah”
“Kulmiye waa Xisbi Arragti dheer, Go’aamadii Turxaan-bixintuna waa qaar ka turjumaya inay go’aansadeen horu-socod”

 

Hargeysa (SM)- Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay u jihaysatay sidii kor loogu qaadi lahaa kaabeyaasha dhaqaalaha dalka oo waddooyinku furre u yihiin isla markaana ay ku faraxsan tahay wada shaqaynta togan ee ay ka helayso shacbi-weynaha Somaliland gudo iyo dibadba.

Sidaasna waxa sheegay Afhayeenka Madaxtooyadda Axmed Saleebaan Dhuxul oo shaaca ka qaaday in xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo ay ku guulaysatay inay qorsheyaasheeda siyaasadda dibadu ay dalka u soo jiideen shirkado waaweyn oo ku soo dhiirraday inay dalka geliyaan dhaqaale buuran oo ay ku sahaminayaan shiidaal.

Afhayeenka oo xalay u warramayay Tifaftiraha Guud ee wargeyska DAWAN Cumar Maxamed Faarax, waxa kale oo uu jawaab ka bixiyay Murrashaxa Madaxweynaha UCID oo dhawaan ku baaqay in Guddi madax-banaan oo baadha loo saaro qaadhaankii loo ururinayay jidka isku xidha Burco iyo Ceerigaabo.

Afhayeenka madaxtooyadda oo ugu horayn ka war-bixinayay xaaladda guud ee dalka waxa uu yidhi “Shacabka Somaliland meel kasta oo ay joogaan-ba gudo iyo dibadba waan hambalyeynayaa, waayo shacabku horumarka dalka dhinac walba qeyb weyn oo aan la iloobi Karin ayay ku leeyihiin. Runtii horumarka ka midho dhalintiisii iyo ikhtiraaciisii waxa la timid oo hirgelisay xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxay xukuumaddu ka dhabaysay wax kasta oo riyo loo haystay inay dalka ka fuli karaan. Horusocodka iyo taabo-gelinta waxqabadka Hay’adaha kala duwan ee dawladu waa qaar sida silsilada oo kale iskugu xidhan oo isla jaan-qaadaya, wasaarad kastaanna waxay dhinaceeda samaysay dedaal balaadhan oo ay wax kaga qabatay bartilmaameedyadii laga fuliyay.

Afhayeenku waxa uu sheegay in xukuumaddu ku guulaysatay inay adduun weynaha barto Somaliland, waxaanu yidhi “Laba qorshe ayaa u waaweynaa qoddobadii xukuumaddu ay maanka ku haysay markii ay talladda dalka ku guulaysatay, labadaas qorshe waxa ka mid ahaa in wax laga bedelo itijaahii siyaasadda dibada oo markii hore ahaa mid curduduuban oo ku dhisnaa cidna lama hadlayno. Markii madaxweynuhu qiimeeyay siyaasadda arrimaha dibadda waxa uu goostay in ay Somaliland garaacdo albaab kasta oo dalkani maslaxad iyo dheef siyaasadeed ka filayo si qadiyadda dalka si waaqic ah loogu ban-dhigo beesha caalamka. Fal-celiska ka soo noqday dedaaladda siyaasadda dibadda la geliyay waxa ka soo baxay sawir ah in adduunku Somaliland iyo Soomaaliya u kala barto laba dawladood oo kala duwan oo wixii ka dhaxeeyay-na ka wada hadlaya.”

“Amniga gudaha marka la adkeeyo waxa uu bidhaamo yididiilo leh ka bixinayaa heerka horumarka, dhaqaalaha iyo siyaasadaba wuu ka turjumayaa. Waxay xukuumaddu tamar iyo tayo gelisay horumarinta noocyada kala duwan ee ciidammadda dalka. Waxa innoo hirgeliyay derajooyinkii ciidammadda oo ahaa qodob halbowle u ah qaranimadda oo dalkeenna ka maqnaa.”ayuu yidhi Afhayeenku.

Mr. Dhuxul waxa uu sheegay In madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo xukuumadiisu ay fuliyeen inta badan qoddobadii ku xusnaa barnaamij siyaasadeedkii xisbiga KULMIYE ee madaxweynuhu ummadda u balan-qaaday wakhtigii uu mucaaridka ahaa, waxaanu yidhi “Buugii qorshe siyaasadeedkii xisbiga KULMIYE ee uu ugu tallo-galay inay dawladdu ku fulin doonto muddo shan sanadood ah, haddii waxqabadka hirgalay iyo buugii KULMIYE aad is barbar dhigto waxa kuu muuqanaysa in waxa la qabtay aad uga badan yahay qorshihii Madaxweynuhu balan-qaaday xiligii uu mucaaridka ahaa. Tusaale ahaan waxa ka mid ah miisaaniyaddii oo aad u korodhay iyo kaabeyaashii dhaqaalaha oo wax laga qabtay. Wax jira oo aad ka arki kartaa horumarka dawlad ahaan aynu samaynay berrigii hore dadweynuhu may jeclayn inay dawladda u shaqeeyaan, markii dawladnimadii haybadeedii kor loo qaaday waxa soo baxay in dadweynuhu ay jeclaadaan inay dawladda u shaqeeyaan. Haddii wasaarad hal shaqo ka banaanaato waad aragtay inta boqol ee qof ee araaji u soo qoranaya. Waxa dhismay Hay’adihii dawladda oo adkaaday saddex sano iyo dheeraadkii xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo tallada dalka haysay.”

Afhayeenka madaxtooyaddu waxa uu sheegay In xukuumadda oo ku tashanayso haynteeda iyo shacbigeeda ay ku guulaysatay inay u guntato casriyaynta kaabeyaasha dhaqaalaha oo waddooyinku furre u yihiin, isagoo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxyaabaha ugu weyn ee dalkeennu u baahan yahay waxa ka mid ah hagaajinta kaabeyaasha dhaqaalaha oo waddooyinku muftaax u yihiin. Iyadoo xukuumaddu ku tashanaysa haynteeda iyo shacbigeeda horumarka u jeelan waxay bilowday inay ka dhabayso wax kasta oo dadka riyo ku ahaa, waxa ka mid ah jidka Ceerigaabo oo xukuumadihii ka horeeyay dawladdan ay u haysteen wax aan la hirgelin Karin. Waxa jira in xukuumaddu ay dhisayso oo ay dhawaan bilaabi doonto dhismaha jidka isku xidha Burco iyo Ceerigaabo oo ah mid kaalin weyn ka geysanaya horumarkii dalka, gobolka Sanaag-na ka saaraya go’doonimadii waddo la’aantu ku haysay. Waxa wax lagu farxo ah in wakaaladii wadooyinka iyo wasaaradii ay hoos imanaysay ee madaxtooyaddu ay dalka u soo iibiyeen dhammaan agabkii lagu dhisayay jidadka oo waddo walba lagaga shaqayn doono haddii Alle Idmo.”

“Waxa aan laga dafiri Karin xukuumaddan in dhinac walba wax laga qabtay gaar ahaan adeegyadda daruuriga ah sida Waxbarashada, Caafimaadka, dhaqaalaha iyo addeegyada kaleba. Shaqaalaha dawladda marka laga reebo ciidammadda waxay xukuumaddani ugu timid lix kun oo qof, muddo saddex sanadood ah waxay kaga dhigtay oo ay gaadhsiisay 20 kun oo qof,”ayuu yidhi Afhayeenka Madaxtooyaddu.

Axmed Saleebaan Dhuxul waxa uu ku dooday in juhdiga xukuumaddu gelisay siyaasadda dibadda ay suurto-gal ka dhigtay in sharaa’ig waaweyni ku soo dhiirradaan inay dalka Maal-gashadaan,kuwaasi oo shiidaal ka baadhaya dalka “Waxa jira shirkado waaweyn oo caalami ah oo dalka aaminay oo shiidaal ka baadhaya, in la aamino dalkeenna oo ay sharaa’iga caanka ahi dhaqaale geliyaan waxa saaxadaas suurto-gelisay xukuumadda iyo siyaasadda arrimaha dibada oo najaxday. Waxaan odhan karaa waxay xukuumaddani noqotay dawladii dalkan dunida ku xidhay. Wadanku waxa uu ahaa dal aanay adduunku hore macluumaad badan aanay ka haysan. Waxaynu gaadhnay martabad uu caalamku inagula macaamilo oo aynu ku wada shaqayno.”

Afhayeenka Madaxtooyadda oo aanu weydiinay sida uu u arko go’aamadii xisbiga talladda haya ee KULMIYE ay ku soo gunaanadeen khilaafkii dhexdooda yaalay, waxa uu yidhi “Xisbiga KULMIYE waa meel ay dad fikirayaa iskugu yimaadeen. Waa xisbi arragti dheer, waxa dadka ku jiraana ay intooda badani ka hadlayeen uun oo ay rog-rogayeen sidii loo horumarin lahaa xisbul-xaakimka.

Xisbiga KULMIYE iyo dawladiisu way ku filan yihiin inay arragtidooda mideeyaan, go’aamadda Guddida turxaan-bixinta ee la soo wada dhameeyay waxa uu ka turjumayaa sida ay u doonayaan inay hore-usocdaan. Waana mid aan soo dhaweynayo. Sidoo kale xukuumadda guud ahaan waxay u jeedsatay horumarinta dalka oo ay mudnaanta koowaad siinayso.
Afhayeenka oo la weydiiyay waxa uu ku qancinayo Murrashaxa madaxweynaha UCID oo ku baaqay in Guddi madax-banaan oo baadha loo diro qaadhaankii jidka Ceerigaabo, waxaanu yidhi “Xukuumadda ayaa markii horeba keentay fikirka iyo ficilka lagu dhisayo jidka Ceerigaabo, xukuumaddu iyadaa ka masuul ah ummadda iyo dalkaba, waxa dhawaan la soo bandhigay qalabkii jidka Ceerigaabo lagu dhisayay oo dhamaystiran oo ah agab waxtar u leh horumarinta waddooyinkeenna oo ay xukuumaddu hore u dalbatay isla markaana aan ku jirin dhaqaalaha loo ururiyay jidka Ceerigaabo.

Waxaan qabaa wixii xukuumaddu ummadeeda u qabanayso Jamaal (Murrashaxa madaxtinimadda UCID) ma weydiinayso, isagu waa nin shanad sanadood la soo taagan waxaan ahay murrashax madaxweyne, murrashaxnimadu waa wax ku xidhan wakhti kooban (short period) oo ah markay doorashadu soo dhawaato. Ma ninka xil ka dhigtay murrashax waa wax aad loola yaabo, waxaanan leeyahay xukuumadda iyo shacbiga soo doortay way ka wada shaqaynayaan horumarinta wadankee, adigu sax xilkan aad sheeganayso oo xisaabi halka aad taagan tahay iyo siyaasadda xisbigaagaba.”

Salaanmedia/Hargeysa