Xildhibaan Saleebaan Cawad Cali (Saleebaan Bukhaari)oo Lagu Waxyeeleeyay Mudaharaadkii Caawa Iyo Mudahaaraado Bari Dalka Badankiisa Ka Dhici Doona

image

Hargysa,(SM)- Mudaharaadkii caawa ka dhacay magaalada Hargysa ayaa ay wararka hordhaca ahi ay sheegayaan in khasaare loo gaystay xildhibaan ka tirsan golaha wakiilada Somaliland, wararku waxa ay sheegayaan in xildhibaanka ay weerareen dhalinyaro mudaharaadaysa oo ka soo hor jeeda faro galinta uu madaxweyne Siilaanyo iyo qoyskiisu ku hayaan golaha wakiilada.
MudaharaadHarg
Xildhibaankan ay ciyaalku caawa weerareen oo la yidhaahdo Saleebaan Bukhaari ayaa ka mid ah xubanaha golaha wakiilada uu xisbiga UCID-uga soo baxay gobolka Sanaag, hase ahaatee mudo hada dhowr bilood laga joogo ku biiray xisbiga Kulmiye ee xuusbi xaakimka ah.

Ilaa hada ma cada khasaaraha dhabta ah ee shaqsiyan soo gaadhay xildhibaanka, hase ahaatee waxa uu khasaare soo gaadhay baabuurkii uu watay, halkaasi oo dad goob joog ahaa ay sheegeen in uu shiidkii ciyaalka gadoodsan uu hayn kari waayay kadibna uu ka cararay baabuurkii oo ay sii jajabiyeen,ilaa hada si toos ah uma cada khasaaraha dhabta ah ee xildhibaanka soo gaadhay, waxana sidoo kale jirtay nin isaguna saaka caagad biyo ah afka kag dhuftay oo caayay.

Wararka qaar ayaa sheegaaya in xildhibaanka markii uu cararaayay madaxa uu dhiig ka da’aayay lamana garanaayo ilaa hada xaga uu xildhibaankaasi cararkaasi ku tagay, dhanka kalena waxa jira war sheegaayay in xildhibaanku uu ilaa galinkii danbe ee maanta uu la socday oo la hawl galaayay wasiirka arimaha gudaha taasi ay wararku sheegayaan in xildhibaan Bukhaari uu ku dhiiri galinaayay in la xidho gudoomiyaha iyo ku xigeenka Talo iyo tawfiiq

Mudaharaadkani ayaa ka bilaabmay bariga magaalada Hargysa, waxana wararka aanu helaynaa ay sheegayaan in maalinta bari ah loo balansanyahay in xaafadaha kale ee magaaladana qaarkoodna uu isku mar ka bilaabmo mudaharaadkaasi,mudaharaadkani caawa ayaa gil gilay madaxtooyada iyo guud ahaan xukumadda Siilaanyo

Sidoo kale mudaharaado kale ayaa laga cabsi qabaa in ay ka curtaan gobolada, Saaxil Sanaag iyo magaalada Burco iyo goobo badan oo dalka ka mid ah.

Madaxweyne Siilaanyo ayaan dalka waxa ka dhacaaya waxba ka ogayn kadib markii ay ku habsatay xanuunka ilowshiiyaha waxana dalka ka taliya qoyskiisa oo ay kow ka tahay afadiisa iyo wiilka ay sodohada u tahay ee Bashe Morgan iyo wasiir Xirsi oo qas horleh ka wada dalka taasi oo ay doonayaan in ay xukunka ku sii haystaan in ay deganaasho laan galiyaan oo ayna dalka ka dhicin wax doorasho ahi taasi oo xisbiyada mucaaridka iyo dadka badankiisuba ay la socdaan