XILDHIBAANADA RAALIGELINTA XIRSI AWGEED ILLAHAY UGA XISHOON WAAYEY HA TOWBAD KEENAAN.

”HABDHAQANKII AYNU KA SOO CARARNAY ASTAAMIHIISII AYAA KA MUUQDA XUKUUMADAN KULMIYE.”AFHAYEENKA XISBIGA WADDANI UK..MUDANE QAASIM

 

 

 

 

Waxay shacab weynaha Somaliland ee Gudaha iyo Debaduba ka dheregsanaayeen in Xirsi X. Ali in mudo ahba farogelin qaawan ku hayey Kala-dambayntii iyo Habsami u socodkii hawlihii Golaha Baarlamaanka S/land sida:
a) Kala qaybintii iyo Qas ka dhex abuuridii Golaha Baarlamaanka markii uu dhex keenay Canshuur kordhin uu ku sameeyey Xoolo dhaqato iyo Garab rarato ay ku adagtahay bixinteedu. Xeerkaas oo goluhu gacanta isula tageen.
b) Abuurida Khilaafkii iyo Gacan ka hadalkii Xildhibaanada ka dib markuu ugu soo rogaal celiyey in Xubnaha Baarlamaanka iyo Ardayda School-adaba uu ku amray inay lacag mushaharkooda iyo xaqul-birayga ardayda lagu xukumo.
c) Isku daygii in xilka laga qaado Gudoomiyaha Golaha Wakiilada A/rahman Mohamed A/llahi Ciro, ka dib markay soo shaac baxday in Gudoomiye Ciro qoraal u diray Madaxweyne Ahmed Mohamed Mohamud Siilaanyo, taasoo ku saabsanayd sidii Xukuumadu uga soo qaybgeli lahayd shirka DOODA QARAN.
d) Isku daygii uu doonayey inuu ku baaba’iyo isku shaandhayntii Gudi hoosaadyadii Golaha Baarlamaanka ee dhowaan la ansixiyey. Faragelintaasi waxay sababtay Furfurasho balaadhan oo Golihii dhexdiisa ah iyo weliba kacdoon shacab.
e) Intaas kuma hadhin Xirsi Xaji Ali balse waxuu goob fagaare ah oo il-yartu is-qabatay ku af-lagaadeeyey uguna dhaartay Gudoomiyihii Baarlamaankeena A/rahman Ciro iyo Xildhibaanadii diiday inay Hayinka u noqdaan ee codka aqlibiyada ah ku meel mariyey waafajinta sharciga hab maamuuska labada gudoomiye ku xigeen. Waxaan la soconaa inuu yidhi Xirsi : “Xeer hoosaad baa la fakaday, Sankaana Caano ‘Dhiig’ laga keeni doonaa”.
f) Waxaynu la soconaa inuu sugi kari waayey maalmihii yaraa ee u dhinaa nasashadii Madaxweynaha, Markuu wadanka yimidna waxuu bilaabay Olole iyo Shirar uu la yeelanayey Qaar ka mid ah Wasiirada iyo Baarlamaanka muhiimadooduna ahayd helida codka xildhibaano uu burburinta u isticmaalo.
g) Waxaan Caad inaga saarnayn waxii ka dhacay kulamadii Baarlamaanka oon la socono in jiritaankeeniiba khalkhal ku jiro.
h) Waxaa hubaal ah in Caalamkii inoo hanweynaa wax badani iska bedelayaan Fikirkoodii iyo Aragtidoodii.

Arimahaas oo dhan oo ah falalkii iyo ficiladii Xirsi iyo xukuumadiisa ayaa waxaa wax laga naxo ah in xubnihii ku rarnaa fikirkii loo soo dhiibay oo badankoodu Shuruucdii hore ka qayb qaateen ansixinteeda ay intay warbaahinta soo istaagaan iyagoo raaligelinaya wiil yar oo ay dhali karaan ilaaway Illaahii Abuurtay, been aan sal iyo raad lahayn goobta la soo fadhiistay. Waxaan nasteexo uga dhigayaa inaan xasuusiyo inay Toobad keenaan Illahayna Cafis weydiistaan.

Shacabka S/land iyo Deegamadii laga soo doortay xubnahana waxaa la gudboon inaysan dib u aaminin xubnahan, markalena aysan soo dooran, kuna bedeshaan xubno isku-kalsoon oo dalka lagu aamini karo, Ilaahayna ku xidhan.
Illahow Maal iyo Maskab ha nagu fidnayn. Aamiin.

Qaasim Saleebaan
kasslmn@aol.com