Xildhibanada Kulmiye iyagaa gudoomiye ku xigeenada ka codeeyey iminkana laaluush qaatey by Abdi Mustafe

Kulmiye
Xildhibanada Kulmiye iyagaa mar walba ka codeynayey labada gudoomiye ku xigeen iminkan lacag qaatey oo le hal koodii ha lagu celiyo. Hadii wakiilada Kulmiye madaxtooyadu ku bedeshey qarash buuran oo badhna la siiyey badhna dhiigshiil loo dhigay sidey wax ku hagaagayaan.
A/rahman Ciro wax denbiya kuma lahayn oo isagu ma vooteeyo moosina sooma dhigo ee xildhibanada Kulmiye ayaa dabada ka riixey dhowrkii moosin ee gudoomiye ku xigeenada hoos loogu dhigay.
Waa nasiib daro in Madaxtooyadu qas ku keento golaha sharci dejinta, hadana ay ad keysan waayaan marka sharciga la isula soo baxo. Madaxtooyada kama soo baxaan arimo caqliga galaa ee waxay had iyo jeer ku mash quulsanyiin wax dadka sii kala fogeynaya oo wax laga xishooda ah.
Xildhibaanada Kulmiye waxa iyaga iyo guryahoodaba baabiineysa dhaartii ay dalka u mareen ee ay hadana baal marsan yiin. Markey gurya hooda geeyaan lacag ay laaluush u soo qaateen ee ubad kooda ku masruufaan waxay arki iyaga oo xilka ay hayaana ka dhamaadey fakhri iyo xanuunana ku waa bariisteen.
Marka aad kitaab quraana gacanta saarto eed hadana wax ka dhana dhaartii aad ku kacdo in ay gacantu ku qalashaa waa wax suurta gal ah.
Waxaan leeyey xildhibaanada Kulmiye ee laaluushka ku mamay een sharafta lahayn ee dalkaba dhaafsan kara qadar lacag waar laaluushka sii badsada aa googo’daane dadkuna ha idinku cibra qaataane.
Â