XIRSI GAAB OO ISU MAAHMAAHAY KHUDBADII UU KA JEEDIYEY LIVERPOOL

Asalamu calaykum
MAQAAL
 
Reerkaan ka soo jeedaa waa riyo dhaqato, waxaana jiray odey anaga ah oo beri laba habrood oo uu qabay iyo inamo uu dhalay ku legdan bartay, dabeetana berigii danbe ayuu meel ragii raga ahaa ee libaaxa ahaa joogaan yimi kolkaasaa ganaca lagaga degay.
 
 Intaasi waxay macne ahaan ka mid ahayd hadalkii uu wasiir Xirsi ka jeediyey kulankii Liverpool ee jaaliyada magaaladaas iyo madaxweyne Siilaanyo dhex maray
 
Waxaa ayana dhaqan ahaan dadkeenu ku kaftamaan naaneyso beeleedyo caan baxay kuwaas oo mar marka qaarkood noocyada xayawaanka qaar ka mid ah la isku metelo ama la isku dacaayadeeyo sida, Dawaco, Daayeer, iyo Libaax
 
Hadaba wasiir Xirsi oo hayb ahaan reerka dacawada lagu naaneyso ka soo jeedaa miyaanu inoo sheegin in markii ay halkii libaaxyadu joogeen yimaadeen la baraq jebiyey oo ay heestii iyo fadh fadhii caanaha riyuhu socon wayday
 
 
Waa is ka caadi horena waan u sheegay in qofku marka uu ku dhex jiro ama ka hadlaayo wax aanu garanayn wax iska dhex batalaqsado sida Wasiir Xirsi oo kale, waxaanu ka dhigan yahay ninkii laantuu ku taagna gudimada gunta kaga garaacay.
 
Afartan xeer ayaan baarlamaanka Somaliland marsaday oo aan mid qudh ah la igu soo celin ee muxuu tarayaa gudoomiye dhan oo xeer hoosaad la cararay, Bal hadhow uun sanka caano ha ka keenina saaxadii siyaasadu weli way socotaa, ayaa ayana ka mid ahayd kelmedihii koobnaa ee wasiir Xirsi madashii Liverpool kaga tiraabay.
 
Xirsi oo talaabo kasta oo uu qaado jahli ka dhadhamayaa markuu sidaas u hadlaayo muu garan inuu baarlamaanku yahay wakiiladii umada reer Somaliland ay soo dooratay, asaguna shaqaale u yahay madaxweynihii(Siilaanyo) iyo ku xigeenkiisii(Saylici) ayagana la doortay
 
Weli maynaan arag baarlamaanka oo nidaamka madaxtooyada loo maareeyo faro gelin ku samaynaaya, ee bal yaa ii sheegaaya waxa madaxtooyada xeer hoosaadyada iyo nidaamka baarlamaanku isu maaamulaayo uuga gidhiisha?
 
Hadaynu is nidhaahno afarta kelmadood ee wasiir Xirsi diirada saara laba boqol oo meel ka dhac ayaynu ka soo saari karaa balse maanta intaas u dhaafi mayno. 
 
Hadaba, mashxarada Dayo Cali ee caweyska hore ha joogtee, waxaynu eegnaaba waa legdanka dacawada iyo libaaxa haday is laba gaadhaan dhex mari doona, insha Allahu tacaalaa
 
 
 
Wasalaamu calaykum
Bashe Qulumbe, London