Xirsi oo labadii Guddoomiye ku-xigeen ku sheegay laba dumar ah Guddoomiyahana yidhi beerkaan kaga degayaa oo sankuu caani ka keenayaa:

Xirsi oo labadii Guddoomiye ku-xigeen ku sheegay laba dumar ah Guddoomiyahana yidhi beerkaan kaga degayaa oo sankuu caani ka keenayaa:

MAQAAL

Wasiirka Madaxtooyada ee Xukuumadda Siilaanyo Xirsi Xaji Cali ayaa xafladdi lagu qabtay Liverpool ee cariga Ingiriiska ee nuu joogay Madaxweynaha Somaliland uga maah-maahay Guddoomiyaha Barlamaanka Somaliland waxaanu yidhi sidan : “Anagu riyaha ayaanu dhaqanaa markaa riyaha iyo caanahooda ayaan ku maah-maahayaa waxaanan u maah-maahayaa ninka Baarlamaanka Guddoomiyaha u ah ee isleh guulbaad gaadhay,”  wuxuu yidhi “ Nin adeer ii ah ayaa laba dumara oo uu qabay iyo laba wiil oo uu dhalay ayuu yidhi ila legdama markii uu caanaha riyaha ka dhergay markaasuu afartoodii midba xag u daayey, afartiiba wuu legday kolkaasu isyidhi cidi kuma legdi karto intuu haf yidhi ayuu magaaladii qabtay dabadeed wuxuu yidhi yaa ila legdama inleyn waakan isleh cidi kaama xoog weyna oo cidi kuma legdi karto e, waxa u soo baxay nin caano geel dhan ah markii la legday ee  beerka laga fadhiistay ayuu sanka caano ka keenay, hadaba markaan dalkii ku noqdo waa la arki ka guuleysta weligayba waxaanu doono ayaanu Baarlamaanka ka ansaxinjiray oo 44 jeer ayey wax noo ansixiyeen waanu naqaanaa sida loola dhaqmo”.  Haddii ayn fasiro hadaladaa ka soo yeedhay ninka mas’uulka sheeganaya oo waliba uu la joogo madaxweynihi taasina ay cadaynayso inuu ku raacsanyahay:

1.       Horta qofka uu la hadlayaa waa Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland ee uu leeyahay beerka ayaan kaaga degayaa oo sanka ayaad caano ka keenaysaa

2.       Labada dumarka uu ku sheegayna waa labada Guddoomiye Ku-xigeen oo iyagana haween ayuu ku misaalay.

3.       Baarlamaankii qarankana wuxuu ku sheegay inuu laaluush siiyo oo wax kasta uu ka ansaxin karo waxaanu caddeeyey inuu hore u siinjiray laaluush oo aanay damiir lahayn.

Hadaba waxay u taala Baarlamaanka Somaliland sida ay ka yeelayaan oo waxa haboon iney kalsoonida kala noqdaan oo tusaan awooddooda haddii kale berito ayuu wasiir waliba caayi doonaa.

 

Omer Abdilahillahi Shide

Oshide2012”gmail.com