Xisbiga Kulmiye shirkii Garadag agendaha kumay jirin in Silaanyo cid aan ahayn laga sharaxo by Abdi Mustafe

MAQAAL
Subxaan… Kulmiye hadafkii laga lahaa shirkii Garadag baa lagu soo gaadhey waanay u shaqeysey. Kumay jirin agendaha in xisbiga Kulmiye  Silaanyo cid aan ahayn oo reer kale ah laga soo sharaxo. Waa Mustaxiil in Kulmiye laga soo doorto cid aan ahayn Silaanyo. Midi ma suurtoobeyso oo in qof beesha Silaanyo ah laga soo doortaa ma dhici karto oo taageero u heli maayaan…iyaguna ma ogola cid aan beesha ahayn in laga soo sharaxo oo kaasina waa Silaanyo oo keliya. Arinkaa ina sanweyne nana u gee oo laaxin laga jari maayo. Duq iyo wiil yar baa loo dedaa hadal…intaa waa la fahmi karaa oo ma adka.
Intaa horta Muse iyo Mohamed ha fahmaan oo yaan jibo madaxtinimo qaadin.
Madaxweyne Silaanyana Muse Biixi iyo Mohamed Biixi mid ba gooni buu war isku mida dhegta uugu saarey. Silaanyo wuxuu labadaba ka dhaadhiciyey iyagoon is ogeyn in aannu tartami karin oo uu rajeynaayo mudo korodhsi. Labadaba wuxuu ka dhaadhiciyey in uu musharax nimada iyaga kaga tegi doono. Maskaxda yaan la idinka xadin rag waaweyn baa tihiin e.
Mid waliba wuxuu is leeyey adaa hadhow musharax noqon doono…. labadaba wuxuun baa qaadey madax jacayl e wuu ku guurayaa sidii uu horeba rag badan uugu daneystey…Mida kale Kulmiye maaha xisbi qaran ee waa xisbi reer gaari leeyey oo aan ka danbeyn doonin Silaanyo oo lagu gaadhey qaradkii laga lahaa oo dhaqaale ka mid yahay.
Cabdi Cali