Xisbiga Ucid Finland oo uga digay Xukuumada S/land Cabudhinta iyo Cadaadiska ay…

Xisbiga Ucid Finland oo uga  digay  Xukuumada S/land Cabudhinta iyo Cadaadiska ay kula kacayso mucaaradka iyo saxaafada madaxa baanaan , Dadweynaha somaliland ka Codsaday in la taageero xoriyatul qawlka.

 

 ucid

06.02.2014

 

                                                                                                                                                                                                                 بسم الله الرحمن الرحيم

 

                                                                                                        WAKHTIGO WUU CARARAYA EE  SOMALILAND UCID SOO DHAWEE

 

 

 

Allah mahad leh:

 

 

Godomiyaha Garabka Haweenka ee Finland Samia Omar Hagi Muse iyo Godomiyaha Abaabulka ee Finland Ismaciil Degaleh.Waxano maanta la yaaba nahay heerka Dawlada Somaliland ay kula dhaqmayso shacabkeeda iyo xuquuqda bani aadmka ay meel wayen mar walba kaga dhacayso.

 

Horta maanta waxaan mahad aad oo wayen aan odirayna muwaadiniinta reer Burco heerki geesinimada lahayed ay xuquuqdooda u difaaceen , oo ay ku soo dhaweeyeen Xisbiga Ucid iyo madaxdiisa waana farxad wayen maanta Somaliland oo soo hoyatay , waayo xoriyad la’an iyo cabudhid fara badan bay dadki ka bixi waayeen , mar saxaafadda lagu kaco oo xabsi ladhigo, mar xoriyadi dhaqdhaqaaqa ahayed la isu diido iyo mar dadki la caayo oo kolba qof jaahil ah lasoo fadhiisiyo TV,ga Qaranka.

 

Maanta madaxda Ucid inay yihiin madax Qaran oo ay guusha wataan waa lawda arkay,Aqoontona ciyaar maaha oo aqoonto waa ixtiraam iyo anshax ,ee maaha musqmaasaq iyo xaqdaro, Ucidna Aqoon iyo anshaxeedi ba lagu dilayaa ……

 

Mudane Faysal Cali Warabe waan ninka kaliya ah ee maanta runta ka sheegaya qaladaadka ay xukumadu ka galayso dadkeeda, waana nin naftiisa iyo hantidiisa u horay Somaliland , in lacaayo qofka runta sheegaya oo qofka kaadibka ah ee munaafiqa ah hoosta lagashado maaha ,ee dulmiga  dadka ha laga daayo oo qaranimada Somaliland ha la dhawro……..i

ctiraafka Somaliland wuxu iman kara waa marka la arko ixtiraamka iyo cadaalada waddankeena taala ee xoog kuma imanyo…..

 

Musharaxa Madxweeynaha Mudane Jamal Cali Xuseen waa nin meel iska soo saaray oo maanta ay Somaliland u baahantahay inay kafa idaysato, Mudane Jamal Cali Xuseen aqoonsi caalami ah ay ka haysho aduunn waynahay oo America , Asia , Africa , Europe iyo Middle East , Maanta wadamada hormatay waxa lagu xukuma waa Aqoon iyo Technology ee siyaasad qallalan wax ma tarayso !!!.

 

Amma kontrol xidha ama askari dhiga xaafadaha , Xukumada waxaa ku dhacady qosol gareer oo taladi baa ka xumaatay marka waxay sameeyaan magaranayaan , mar ay Tv xidhaan, maray isbaaro jidka odhigtaan Ucid iyo mar ay Tv’ga qaranka ka caytamaan. Mar Itoobiya looga furo course ku saabsan macnaha Federaalka oo waliba laga saxeexdo waraaqo aanay micneheeda garaynaynin????

si soco soo soco ayuu arinki ictiraafko ka bixi waayay????!!!!!! arnki ictiraafka Somaliland wuxu lamid noqday qadiyada Falastiin , waxaan xasuiusta markay israiil soo weerarto Qaza inay madaxda khaliijko hotel five star ah dagaan oo ay shirka ku khatimaan laba Eray ( Nashjob wa Nastankir) waa ( waanu ka xunnahay iyo waanu canbaaray nayna) ….. Somaliland markaad ictiraaf o raadinaysaan waa inaydo aqoonsataan muadiniinta reer Somaliland iyo Xoqooqda ay leeyiheen … Gurigaaga oo kala daadsanna lagama cararo ee waa lahaga jiyaa markaas ayaa dad sheega lala wadaaga!!!!!!!!…….

 

Somaliland waa wadan reer Somaliland ka wada dhaxeeya maaha makhaayad o qofi leeyahay oo la isugu hanjabi karo. Annago waxaan layaabanhay in shakhsiyaad jaahiliin ahi ee Muwaadiniinti Somalialnd ay o xoog sheektaan wadanka gudiheesa iyo dabadiisaba????? , maanta wadamada Yurub waxaa taala xuriyad iyo kala danbayen laakin waxa ayaan darro ah inay jiraan dad aan kala saari karaynin Somaliland iyo Yurub ay waliba damcaan in cabodhiski iyo cadaalad darradi ka jirtay Somaliland ay Finalnd kula kacaan ,oo qofki wax yara qora lo hanjabo waxbaad qorta iyo nin xil iska casilay xisbi laga daba qaato oo magaciisi la isticamaalo oo la idhaahdo sidee ayoo oga bixii kara xisbiga???!!! waa wax cajiib ah , meeshan walaalo waxa talisa dawlad nidaam leh ee meesho maaha makhaayadi aad joogi jirtay walaalo.

 

Marka TV,ga Universal laxidhayo horta dadkan kulba caytamaya ee dawlada ka tirsan ma la xidho kow ayaga ???? mise waa xalaal calaikum waa xaraam calaina weeyaan arinko ????? marki  Wasiirka Madaxtooyada Mr Xirsi oo ku tilmaamay labada islaamood labada godumiye ku xigeen ee golaha wakiilada oo waliba Godomiyha Barlamaanka Mudane cirro oo ogu hanjabay af lagaado miyaanay ceeb ahayen?????madaxtooyadana wuxu ku tilmaamay ninka xuuga wayen leh , dee horta Allaah baa wayen bani aadam daciif ah dadka wax kama qaadi karo ama madaxtooyada hoos fadhiiso ama London ka soo caytan waxaan ku odhan lahaa ninka dadka ixtiraama isna waa la ixtirama laakin qof caytamaya oo qarana ma matali karo oo Somaliland magaceedi meel wayen baad kaga dhacday wallahi.

 

 

KHEIRKA ALLAH HA IDN WAAFIJIYO AAMIIN , UCIDNA GUUL IYO NABD BAAN O RAJAYNAYNA

 

 

 

Godomiyaha Garabka Haweenka ee Finland Samia Omar Hagi Muse

 

Godomiyaha Abaabulka ee Finland Ismaciil Degaleh.