Xisbiga ucid finland, Waanu taageersanahay Wadada Ceerigaabo iyo wadooyinka kalaba , laakiin `!

ucid
Gudoomiye ku xigeenka xisbiga ucid finland , ahna ku simaha gudoomiyah xisbig ucid finland Xassan Cumar Hurre.
ayaa maanta war murtiyeed uu ka soo saaray Helsinki wadanka finland ayaa ku shaaciyey inay xisbiga ucid ee
finland taageer sanyihiin Dhiska wadada ceerigaabo iyo wadooyinka kale ee ka socda Somaliland guud ahaan.
waxaanu yidhi:-
” Hadaanu nahay xisbiga ucid sida madaxdayada qabto kuna celceliyaan had iy jeer inay tageersan yihiin
wixii horu mara ee dalka laga wado uguna baaqaan taageerayaasha xisbiga ayaa aniguna manta cadeynayaa inaaanu
taageersanahay Dhiska wadooyinka somaliland ka socda , haday noqotay  Dawga cad , ta ceerigaabo , iyo ta Oodweyne ilaa
burco ah iyo wax kasta oo horumar dalkeena usoo jiidaaya waanan taageeraynaa waligayo.
wax kaloo ku sii darey gudoomiye ku xigeenku hadalkiisii
‘Qaar war xuma tashiila oo dacaayad ka dhigaya ayaa waxay la dhex wareegayan umada xisbiga ucid ma taageersana
wadada ceerigaabo,, hadaba shacabiweynaha somaliland waxan leenahay , waanu taageersanahay wanan taageeraynaa
horumarka markasta iyo meel kasta oo horumar ka socdo somaliland.

waxa kaloo ku daray hadalkiisii ” laakin waxaan usoo jeedinaynaa dadka gobolka sanaag ee walaalahayo iyo wax garad kooda
in gudi ka  madax baanan dawlada aad usameysaan dhiska wadada ceerigaabo oo sida ay wadooyinka kale ee reer somaliland
dhisanayaan oo kale , sida ta dawga cad  iyo ta oodweyne iyo kuwakaleba waxay leeyihiin gudi ka madax banaan .
hadba ta ceerigaabo ma wasiiradaa gudi u ah , waxaan leeyahay haday jirto gudidaasi madaxbaanan ha usoo baxaan dibada oo
ha cadeeyaan inay iyagu dhex yihiin oo xoolaha lagu aaminayo……

war murtiyeedakan gudoomiye ku xigeenku waxaa uu ku soo gababeeyay.

waxan dhaman umada somaliland urajeynayaa inay guul iyo barwaaqo gaadhaan

Doorashadana waxaan idinka filaynaa inaad xisbiga ucid wada taageeridoontaan , maxaa yeelay waxanu doonayenaa isbadal
isku badal ma rabno ee isbadal ayaan rabanaa , dhalinyarta waxaan leeyahay fursadiinii maanta weeye uhiiliya musharaxa
dhalinyarada ah ee jamaal cali xuseen

Gudoomiye ku xigeenka ,ahna sii hayaha gudoomiyaha

Xassan Cumar Hurre

wabilaahi tawfiiq

Xisbiga ucid finland /office