XISBIGA UCID OO BAAQ KA SOO SAARAY GO’AANKII GOLAHA GUURTIDA IYO MUSTAQBALKA SIYAASADEED EE SOMALILAND

JAMHUURIYADDA SOMALILAND REPUBLIC OF SOMALILAND

 

 

Xisbiga Cadaaladda IyoDaryeelka

 

{UCID}Justice and Welfare Party

Ref/UCID/978/2014 Date:20 /02/2014

 

WAR SAXAAFADEED

HARGEYSA

XISBIGA UCID OO BAAQ TAAGEERO AH KA SOO SAARAY GO’AANKA GOLAHA GUURTIDA EE XALLINTA KHILAAFKA GOLAHA SHARCI DEJINTA IYO MUSTAQBALKA SIYAASADEED EE SOMALILAND

Tan iyo intii uu Dhacay khilaafka gurrucan ee ka dhex jiray golaha shardci dejinta ee Somaliland, xisbiga UCID wuxuu dadaal wax ku ool ah ka geystay sidii loo soo celin lahaa karaamadii iyo wada shaqayntii xubnaha golaha baarlamanka, annagoo u arkaynay sii socodka khilaafkan inay ka dhalan karto burbur qaran oo aan dan u ahayn ummaddi soo dooratay golahan iyo axsaabta Qarankaba.

Xisbiga UCID wuxuu si laab furan u soo dhoweynayaa mawqifkii iyo go’aannadii golaha guurtida Somaliland ee lagu soo afjaray murankii ka taagnaa golaha dhexdiisa ee halista geliyey jiritaanka dowladnimo ee Somaliland, Xisbiguna wuxuu si gaar ah hambalyo ugu dirayaa xubnihii golaha guurtida JSL ee sida adag xilka isaga saaray xallinta iyo soo afmeeridda jahawareerkii taagnaa.

Xisbigu isagoo ka duulaaya xaaladda siyaasadeed ee dalka wuxuu ugu baaqayaa xukuumadda iyo golayaasha kale ee qaranka ilaalinta distoorka dalka kaas oo lagu suntay dhammaan xilalka iyo waajibaaka hay’adaha qaranka, waxaana habboon in cid kasta loo daayo xilka ay ku egman tahay, dalkuna aanu ku jiri Karin fadqalallo siyaasadeed oo madhalays ah oo lumin kara kala dambaynta, amniga iyo wadajirka Somaliland, iyo in maanka lagu hayo inuu jiro cadaw il-gaar ah ku haya galdaloollo kasta oo ka soo if baxda Somaliland oo aan oggolayn gooni isutaaggeeda Iyo Madaxbanaanideeda (sovereignty and independence)

Ugu dambayn, xisbiga UCID wuxuu mar kale ku baaqayaa in xalka kama dambaysta ahi uu ku jiro in xukuumadda iyo ciddii kale ee khusaysaba ay diyaariyaan qabashada doorashooyinka hadhay ee golayaasha qaranka iyo madaxtooyada JSL xilligii loo cayimay,si loo helo gole baarlamaan oo Xor ah Isla markaana Iskii U madax banaan loona Siman yahay, iyo sidii looga gudbi mugdiga haatan ka jira saaxadda siyaasadeed ee Somaliland, una kasbanno Qaddarinta beesha caalamka Ee Luntey iyo kalsoonida Shacbi Weynaha Somaliland.

 

Allaa Mahad leh

 

 

Yusuf Keyse Cabdillaahi

Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga UCID