Xisbiga WADDANI Oo Gabiley Lagu Soo Dhaweeyey Iyo Xukuumadda Oo Ku Guuldaraysatay Inay Baajiso Taageeryaal Ka Go’ay.

Xisbiga WADDANI Oo Gabiley Lagu Soo Dhaweeyey Iyo Xukuumadda Oo Ku Guuldaraysatay Inay Baajiso Taageeryaal Ka Go’ay.

 

Gabiley-(SM)-Wafti balaadhan oo ka tirsan Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI oo uu horkacayey gudoomiye ku xigeenka koobaad ayaa maanta si balaadhan loogu soo dhaweeyey magaalada gabiley ee gobolka gabiley halkaas oo ay kaga qaybgaleen xaflad si heersare ah loosoo agaasimay laguna soo dhaweynayey garab haween ah oo kasoo digarogtay xisbul xaakimka kulmiye.

mobile cam pics 818

Waftiga oo ka koobnaa hogaanka sare, golaha fulinta iyo xoghayeyaasha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa waxa lagu soo dhaweeyey oo lagaga horyimid meel inyar u jirtay magaalada Arabsiyo, halkaas oo waftigu qadar daqiiqado ah ku hakadeen.

mobile cam pics 829

Xafladdan lagu soo dhaweynayey garabkan ka soo go’ay xisbul xaakimka Somaliland ee kulmiye ayaa sidoo kale waxaa ka qaybgalay xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland ee xisbiga WADDANI oo uu ugu cadcad yahay xildhibaan bashiir tukaale oo si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada.

Waxa sidoo kale ka soo qaybgalay dadweyne tiro badan oo ka yimid daafaha magaalada gabiley si ay uga qaybgalaan xafladdan lagusoo dhaweynayey garabkan kasoo go’ay xisbul xaakimka kulmiye ee maanta kusoo biiray xisbiga mucaaridka ah ee waddani.

mobile cam pics 825

Waftigan uu hogaaminayey gudoomiye ku xigeenka xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md. Axmed Muumin Seed ayaa markii lagu soo dhaweeyey magaalada, waxaa maayarka gabiley soo adeegsaday xubno ka tirsan ciidanka booliska oo xidhan dhar cad isla markaasna iska dhigaya inay yihiin shacab si ay rabshad u galiyaan hanaan socodka xafladda xisbiga waddani.

mobile cam pics 821

Xubnaha ciidanka ka tirsan ee maayarka gabiley horkacayey ayaa waxay isku dayeen inay fawdo ka hor sameeyaan huteelka ay xafladu ka socotay isla markaasna soo qaaday laba taayir oo ay gubaan balse shacabkii reer gabiley ayaa ku gadooday oo si fiican u gartay inay yihiin xubno ka tirsan ciidanka oo dhar cad loo soo xidhay.

mobile cam pics 831

Ugu dambayntii xafladii waxay kusoo dhamaatay deganaansho iyadoo halkaas ay ka hadleen dhamaan masuuliyiintii xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI iyadoo xildhibaan bashiir tukaale ay shacabka reer gabiley ay kor u qaadeen.

Salaanmedia/Gabiley