Xisbiga Waddani Uma dul qadan dono in dalka fawdo la galiyo dumar Iyo carurna dalka laguu sii dayo waa bilahi tawfiiq

unnamed

 

 

 

 

Anigo ku hadalay magaca laamaha xisbiga Wadani ee jarmalka waxnu cambaareynayna faragalinta qaawan ee dawladu ku heyso golaha wakiilada JSL
  Waxanu halkan ka cambaareynayna faragalinta qaawan ee xukumadu Siilaanayo maalinba maalinta ka dambeysa ku burbuurneyso qarannimada iyo nabadgalayada somaliland…
  Dawladan kulmiye intii ay midida daabkeeda heysayba runtii waxay si sharci daro ah u burbuurisay heykalkii dawladnimo, shuruucdii dalkan u yaalay cagtey marisey, labadii gole ee sharci dajinta faragalin iyo laaluush iyo dhibaatooyin an laga soo waaqsan karin bey la la daba jooga.

  Ila maanta waad la socotan xaalada siyaasadeed ee u dalkeenu ku sugan yahay,Waxa meeshii ka baxay wada shaqeyntii xukuumada iyo golayaasha sharic dajinta, wada shaqeyntii sadexda xisbi qaran iyo xukuumada, waxay dawladan geed dheer iyo mid gaaban ba u fuushan tahay sidii ay awoodaha laba gole ee xeer dajinta hoosteed u iman laayeen islamarkan looga maamuli laha madaxtooyada taasin wa mid an caqliga fayoowbi qaadan karin.
  warbaahintii,muwaadintii ba suuqa dhexdiisa lagu tooganeyaa, xisbiyadii mucaaridka aha iyo gudoomiyaashoodii ba meel walba laga caayaya oo khaatiyaan taagan idaacdaha iyo tviga qaranka JSland, madashi mujaahidinta ee wada tashiga aya daaqadaha laga la saaray  oo la yidhi waxba sheegi meysan.
  runtii maanta dalkeeni meel walba cadawgii ba soo kulaaleya, ila bari ila galbeed wa la inagusoo maqan yahay waxaaso cadaw ee ina soo kulaalaya dawladeen ma arkeyso waxay aragtaanu labad xisbi qaran ee mucaaridka ah iyo labad gole ee sharci dajinta sidii loo burburin laha uun.. waana nasiib daro. In madaxwaynahi Iyo xukumadisi anaay wada socon oo dalka waxa ka dhacayaba laga qaarinayo wana nasiib daaro. Dalka. Wana in lo gurmada qaranka somaland taacab Iyo muruq badan ba inaga Galaye. Gunti Iyo gabagabadi xisbiga wadani Uma dul qadan dono in dalka fawdo la galiyo  dumar Iyo carurna dalka laguu sii dayo waa bilahi tawfiiq
  Guul baan u rajeynaya shacabka somaliland meel u jooga ba,
  Gudomiyahaa waqoyiga jarmalka xisbiga wadani
 

AQ. Ahmed Jamac Ducale
Hamburg Germany