Xisbigii Kulmiye oo isu bedelay golihii sare ee kacaanka oo taageeryaal badani ka baxayaan by Abdi Mustafe

59muuse
Markii ay cadaatey in aan Kulmiye cidi iska sharixi karin inta Silaanyo nool yahay waxay fahmeen beelaha kale in aan meesha waxba u oolin. Hadaan iftiimiyo arinkaa. marka la yidhi Muse gudoomiye aan lala tartamin ha ahaado taa mac naheedu waxa weeye in aan beesha Muse haba yaraatee Musharax madaxweyne noqon karin kol hadii ay gudoomiye nimadii xisbiga ku fadhiyaan. Waxa taa ka sii daran ee ururadii ku soo biirey Kulmiye oon meesha waxbaba u oolin oo daaqada laga tuurey. Waxa xaqiiqa in durba taageera yaal badan oo Kulmiye ahaa ay wada hadalo u socdaan xisbiyada mucaaradka ah. Xisbiga Kulmiye siyaasada uu ku dhisanyey baa ah in aan Silaanyo mooyaane aan abid cid kale laga soo sharaxin, laakiin dadka wax yar baa taa fahamsan. Xisbiga Kulmiye Silaanyo ayaa toshey oo isku qiyaasey oo is leegeysiiyey oo sinaba suurta gal uuma aha in cid kale laga soo doorto oon isaga ahayn, taasina waxay ka mid ahayd qaraaradii ka soo baxay shirkii magaalada Garadag lagu qabsadey ee distoorkii halkaa lagu soo sameeyey dalka lagu maamulo. Ciyaar ciyaar mood shirkii Garadag. Silaanyo intaannu siyaasada ka fadhiisana iyadoo cid waliba markhaati ka tahay ayuu dhidibada u saarayaa Kulmiye si aan loogu cali cigaalin… Democracy is slaughtered by Kulmiye. Waa golihii sare ee kacaanka oon biyo is marin.
Dhagar aanad gelin Silaanyo yuu ku dhaxalsiinne
Dhexda yaanu maro kuugu xidhin dhiig tif leeyahay
Dhulka niman samaantiisa wadin yaan lagaa dhigine
Muse weli silaanyo muu baran oo jibo musharax nimo aannu helayn buu heybsanayaa….Ha u fadhiyin hana filan ha kuna fikirin in Kulmiye abid qof aan silaanyo ahayn laga sharaxo, marka mudadu dhamaatana waa la masaxayaa Kulmiye kol hadii hadafkii laga lahaa laga gaadho.
Xisbiga Kulmiye looguma talagelin cimri dheer iyo cid ku sii xaw xawsata ee Agenda gaara baa loo sameystey waana lagu gaadhey dabeed waa in laga guuraa oo la dumiyaa si aan cid kale u istic maalin…Car Muse intaa ha fahmo.