Xoogaga Shabaab oo wadada u galay Ciidamada Itoobiya, oo ka baxay Beled Xaawo, kuna sii jeeday Garbahaarey

alshabab344

 

Xoogaga Shabaab, ayaa galabta ku dhiiraday in ay wadada u galaan Ciidan xoogan oo Itoobiyaan ah, oo ka soo ruqaansaday Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo, xilli ay ku sii jeedeen Magaalada Garbahaarey.

Weerarka dhaba-galka ah, ayaa ka dhacay Deegaanka Tuulo Barwaaqo oo qiyaastii 18km u jirta Xarunta Gobolka Gedo ee Magaalada Garbahaarey, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal hubka waaweyn leesku adeegsaday.

Ciidamada Itoobiya, ayaa qoriga hoobiyaha ku garaacay goobihii ay ka dagaalamayeen Ciidamada Al Shabaab, waxayna ku khasbeen in ay baneeyaan gebi ahaanba Deegaankaasi.

Ciidamada Itoobiya, ayaa waxaa la socday tiro ka tirsan Ciidamada Dowladda, waxayna isla galabta ka soo gudbeen Deegaanka Tuulo Barwaaqo, iyagoona soo gaaray Deegaanka Buur Guduud, oo 12km u jirta Magaalada Garbahaarey.

Wararka caawa laga helaayo Magaalada Garbahaarey, ayaa waxay sheegayaan in Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya, ay weli ku sugan yihiin Buur Guduud, isla-markaana ay suurta gal tahay in berito ay ka soo gudbaan.

Ilo madax banaan, ayaa Dhacdo.com u sheegay in Ciidamada Itoobiya ay ka qayb qaadanayaan, qorshaha la dejiyay ee lagu doonaayo in lagu weeraro Degmooyinka Buurdhuubo iyo Baardheere.

Waxaa soo baxaaya warar sheegaaya in daba-yaaqada bishaan weeraro dhawr jiho leh lagu qaadi doono, Deegaanada Ururka Al Shabaab ay ka jooggaan Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha ee Soomaaliya.

Dhanka kale dagaalka ka dhacay Deegaanka Tuulo Barwaaqo, ayaa waxaa ka dhashay khasaaro dhimasho, dhaawac iyo burbur maaliyadeedba geystay, iyadoo hubkii leesku adeegsanaayay uu sababay gubashada guri ku yaala Tuulo Barwaaqo.

Saraakiil ka tirsan Dowladda iyo Ahlu Sunada Gobolka Gedo oo la hadlay saxaafada  ayaa iska diiday in ay ka xog waramaan khasaaraha dagaalka ka soo gaaray Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda.

Ugu dambeen Ciidamadii Shabaabka ee dagaalka looga saaray Deegaanka Tuulo Barwaaqo, ayaa waxaa la soo sheegayaa in ay caawa dib ugu soo laabteen. Ka dib markii galabtaba ay ka soo gudbeen Ciidamada Itoobiya & Dowladda.