Xoogaga Shabaab oo wadada u galay Ciidanka Jabuuti, xilli ay hub u galbinayeen Magaalada Baladweyne

image

Xoogaga Shabaab, ayaa gelinkii dambe ee maanta wadada u galay Ciidan ka wada tirsan Dowladda iyo Amisom, xilli ay saanado militari u galbinayeen Magaalada Baladweyne.

Saanada hubka ee ay galbinayeen Ciidamada Amisom iyo kuwa Dowladda, ayaa waxaa laga soo dejiyay Dekeda Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Xilli galabta labada Ciidan ay mariyeen Deegaanka Saalax Jeere ee duleedka Magaalada Baladweyne, ayaa waxaa weerar kamiin ah u dhigay Ciidan ka tirsan Ururka Al Shabaab.

Abaan Duulaha Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Hiiraan Col. Maxamed Amiin, ayaa wuxuu sheegay in labada Ciidan ay iska caabiyeen Ciidamadii Ururka Al Shabaab, ee wadada u galay.

Abaan Duulaha oo la hadlay Radio Bar Kulan, ayaa meesha ka saaray in weerarkaan uu wax khasaaro ah ka soo gaaray labada Ciidan ee hubka u galbineysay Xarunta Gobolka Hiiraan ee Baladweyne.

Sidoo kale waxa uu sheegay inaanay iyagu weli kala cadayn karin, in weerarkaan ay khasaaro ugu geysteen Xoogagii Shabaab ee soo weeraray iyo in kale.

Weerarkaan, ayaa noqonaaya noociisii ugu horeeyay oo ay Shabaabku la beegsadaan Ciidamada Jabuuti ee ka tirsan hawlgalka Amisom, xilli ay saanado militari galbinayeen.

Salaanmedia/Mogdisho