Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Somaliland ayaa maanta casuumad Qado sharaf ah kaga qayb galay Deegaanka dugsiga Dayaxa oo ka tirsan Degmada Ceerigaabo xarunta Gobolka Sanaag.

February 7th, 2014 

cadami

Ceerigaabo (SM)- Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Somaliland ayaa maanta casuumad Qado sharaf ah kaga qayb galay Deegaanka dugsiga Dayaxa oo ka tirsan Degmada Ceerigaabo xarunta Gobolka Sanaag.

Wasiirka wasaarada Gaashaandhiga Md. Axmed Xaaji Cali Cadami, Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Dr. Saleebaan Ciise Axmed Xaglo toosiye, Wasiirul-dawlaha wasaaradda maaliyadda Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani), Wasiirul-dawlaha wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare Axmed Nuur Faahiye, iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda macdanta iyo Tamarta Cabdisalaan Maxamed Xasan, ayaa qado sharafta ay maanta oo jimce ah kaga qayb galeen deegaanka Dayaxa waxay qayb ka tahay casuumad ay u fidiyeen dadweynaha deegaankaasi oo si balaadhan wasiirrada ugu soo dhoweeyey halkaasi.

Mas’uuliyiintani inta ay ku sugan yihiin halkaasi waxay u kuurgeli doonaan xaalada nololeed ee deegaanka gaar ahaan dhinacyada arimaha bulshada sida caafimaadka waxbarashada, biyaha iyo kheyraadka dabiiciga ah, iyagoo kormeer ku soo maray dhismaha School-ka taariikhiga ah ee Dayaxa oo qiyaastii 30 KM dhanka Galbeed ka xiga magaalada Ceerigaabo.

Mas’uuliyiinta heer gobol ee ay ka mid yihiin Badhasaab ku xigeenka Gobolka Sanaag Md Ismaaciil Cabdi Xasan iyo taliyaha Qaybta Booliska Gaashaanle Xasan Ismaaciil Yuusuf Gacmo-yare ay xubnaha wasiirrada ku wehelinayaan socdaalka ay ku joogaan deegaanka Dayaxa, halkaasoo ay kulan kula qaateen dadweynaha deegaankaasi.

Salaanmedia/Ceerigaabo